Heemaal News Network

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Tartan Cusub ka Daahfuray Muqdisho.(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah, isla markaana dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu hirgaliyay Madaxweynaha JFS, culimada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee soo qaban qaabisay waxaa uuna tilmaamay in ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay wajiga 2aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay Caasimadda iyo Gobollada Dalka.

Adeeggaan isgaarsiineed ee 5G ayaa ah mid faa’iido weyn u leh horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga, waxbarashada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Yaan Dadka La Kala Dilin Hadii Kale Somaliland Xaraanbay Noqonysaa” Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

Heemaaln

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Oo Qorshaha 5ta Sano kala Hadlay Hay’adaha QM

Heemaaln

Britain oo balan-qaaday iney Saddex Arrin ka Taageereyso Dowlada Somalia

Heemaaln