Heemaal News Network

Maraykanka Oo Xaqiijiyey Dhimashada Labbo Askari Oo Lagu Waayey Badda Soomaaliya

Warbixin cusub oo kasoo baxday taliska ciidamada Mareykanka ayaa looga hadlay labo askari oo horraantii bishaan lagu waayay xeebaha Soomaaliya, xilli ay howlgal ku jireen, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada Navy SEAL.

Saraakiil u hadashay dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay geeriyoodeen labadaas askari oo horay loogu waayay xeebaha Soomaaliya, kadib weerar habeenimo ah oo lagu qaaday markab Iran laga leeyahay, 11-kii Jannaayo ee sanadkan cusub ee 2024-ka.

10 maalmood oo la raadinayay askartaas ayaa hadda ugu dambeyntii la xaqiijiyay geeridooda, waxaana baaritaanka ka qayb-qaatay maraakiibta Spain iyo Japan.

Madaxa Taliska Dhexe ee ciidanka Maraykanka Gen. Michael Erik Kurilla ayaa sheegay inay baroor diiq u sameynayaan labada askari oo uu tilmaamay inay ahaayeen geesiyaal.

Waan ka baroor-diiqaynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada dagaalyahan ee ka tirsan ciidamada badda ee gaarka ah, waxaan xushmeyn doonnaa naf-hurnimadooda. Ducadayadu waxay la garab taagan tahay qoysaska labada askari, ayuu yiri Gen. Michael Erik Kurilla, oo madax ka ah Taliska Dhexe ee ciidanka Maraykanka.

Askarta la waayay, ayaa kusoo aaday xilli uu Maraykanka badda cas ka wado howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Markab Laga Leeyahay Ingiriiska Oo lagu Weeraray Xeebaha Yemen

Heemaaln

Shinbir Looga Shakisanaa Basaas weyn Oo Muddo kaddib lasoo Daayay !

Heemaaln

Xisbilah Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Israiila Oo Isku Diyaarinayey Dagaal

Heemaal