Heemaal News Network

Markabkii Ugu Horeeyey Ee Gargaar sida Oo Gaaray Xeebta Magalada Gaza (Sawirro)

Marrkabkii u horeeyey ee Shixnad gargaar bini’aadannimo oo dhanka badda ah sida ayaa gaaray Gaza oo ay ka socdaan dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Xamaas.

Shixnadda maanta oo sabti ah ayaa ku timid markabka samafalka ee Open Arms ee Isbaanishka. Shixnaddiisa waxaa ka mid ah digirta, karootada, tuna qasacadaysan, gallayda qasacadaysan, bariiska la kariyay , daqiiqda, saliidda, milixda iyo timirta, kuwaas oo leh muhiimad ruuxi ah inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Hay’adda samafal ee Mareykanka ee ka dambeysa howlgalka, World Central Kitchen, ayaa howshan fulineysa iyadoo kaashaneysa Imaaraadka Carabta.

Shixnadda ayaa ka koobnayd 200 oo tan oo cunto ah oo si aad ah loogu baahnaa Qaza, taasoo ay QM sheegtay inay qarka u saaran tahay macaluul.

Hay’adaha gargaarka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay caqabad ku tahay bixinta gargaarka, eedeyntaas oo ay si weyn u beeniyeen saraakiisha Israa’iil.

Israel waxa ay sheegtay in ay u ogolaatay in gargaarka la marsiiyo laba marin oo koonfurta ah waxayna ku eedaysay hay’adaha gargaarka inay ku fashilmeen saadka.


Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Waa Tuma Haweenayda Ku Galgalatay Kiiska Falastiin Ee Maxkamada Caalamka

Heemaal

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshe Cusub Oo Uu Shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel.

Heemaaln

Ciidanka Israel Oo ka baxay Khan Younis ka dib Dagaalo Faraha Looga Gubtay (Sawirro)

Heemaaln