Heemaal News Network

Midowga Afrika Oo Isku Raacay in Somaliya ay Noqoto Dalka u Sharaxan kursiga Golaha Ammaanka

Golaha Fulinta (Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda) ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad)ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taas oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.

1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xassan Oo U Safray Qaahira

Heemaal

Madaxweynaha Somaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Adis Ababa.

Heemaaln

Xildhibaanada Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland ku Raad jooga Oo Baarlamaanka lagu Qaabiley

Heemaaln