@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network
Israa’iil Oo Baadari ka Hor istaagay Kaniisada Katooliga ee Qudus Iyo Wararkii ugu denbeyay
by Heemaaln
written by Heemaaln 2 minutes read
Ciidanka Israa’iil ayaa maanta ka hor istaagay Baadariga Kaniisadda Katooliga ee ku taal Qudus , Pierbattista Pizzaballa inuu gudaha u galo kaniisadda oo lagu qabto dabaal-degga ciidda Easter, tallaabadan oo ka caraysiisay kaniisadaha katooliga ee caalamka, halka hoggaamiyeyaasha sida ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo madaxweynaha Faransiiska ay uga digeen Israa’iil inaysan dab ku ciyaarin oo aysan kicin masiixiyiinta.
Balse, wax walba waxaa dab ku shiday kaniisada ku taal Qudus, oo dhacdadaan ku sheegtay mid aan qarniyo dhicin iyo hadda Qudus inay isku rogtay magaalo ay indhaha ku hayaan balaayiin qof oo Muslim iyo masiixiyiin ah, sabab la xiriirta inay horey Israa’iil u xirtay masjidka Al-Aqsa oo ka mid ah goobaha ugu barakada badan ee Islaamka, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ee CBS News oo warbixinta ay baahisay lagu soo daray in xaaladda isku midka ah ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay dab aan la damin karin ku noqon karto Israa’iil oo go’aamadeeda sabab uga dhigaysa dagaalka socda.
Dhinaca kale Ciidanka ISRAEL, ayaa ku baaqay in guryaha hoosta laga xidho oo aan la soo bixin. Waxaa jirta halis ka timidaaday warshadihii !ran duqaysay ee Niyoot Hovav. Warshadaha qaarkood ayay kiimiko halis ah ku kaydsanayd.
Britain Oo Qorsheynaysa Inay Maraakiib Dagaal u Dirto Gacanka Hormuz.
Britain ayaa qorsheynaysa in ay u dirto markab ka tirsan Ciidanka Badda Boqortooyada (Royal Navy) Gacanka Hormuz, kaasoo ku qalabeysan droonno is-maamul ah oo loogu talagalay in lagu ogaado laguna nadiifiyo minooyinka, sida uu sheegay Sunday Times Sabtidii.
Toddobaadkii hore, wasiirrada Britain ayaa shaaca ka qaaday in RFA Lyme Bay, oo ah markab badeed qaadi kara howlgallo isku dhafan oo badda iyo dhulka ah, isla markaana ka tirsan howlgallada badda ee Britain, oo hada dayactir ahaan u jooga Gibraltar, oo ah goob istiraatiiji ah, oo ku taal koonfurta Spain balse ah dhul hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiska, ayaa loo adeegsan doonaa tababaro iyo layliyo milateri ka hor inta aan markabka loo dirin howlgalka Gacanka Hormuz.
X𝘂𝗯𝗶𝗻 𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻 𝗕𝗮𝗮𝗿𝗹𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗬𝘂𝗿𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗮𝘀𝗮𝗹 𝗙𝗮𝗹𝗮𝘀𝘁𝗶𝗶𝗻𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿 𝗶𝘀𝘁𝗮𝗮𝗴𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗳𝗮𝗿 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗖𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮
Rima Hassan, oo ah xubin Faransiis ah oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub asal ahaan kaso jeeda Falastiin, ayaa habeenkii sabtida laga hor istaagay safar ay ku tegi lahayd Canada saacado ka hor xiligii duulimaadka la qorsheeyay.
Hassan ayaa ku qortay barteeda X: “Waxaa la iga hor istaagay safarka Canada: waa carqalad welwel gelinaysa shaqada baarlamaanka iyo xorriyadda hadalka.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac caalami ah, iyadoo siyaasiyiinta iyo bulshada Falastiiniyiinta ay arrintan u arkaan hanjabaad iyo xadgudub ku saabsan shaqada dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.
Pakistan Oo Marti-galisay Shirka Wasiirada A.Dibada Ee Masar Turkiga Iyo Sacuudiga
by Heemaaln
written by Heemaaln 0 minutes read
Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha sii murugsan ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo xalal nabadeed oo waara.
Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga dooday horumarka colaadaha ka socda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadalka, iskaashiga caalamiga ah, iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dadaallada ugu muhiimsan ee lagu mideynayo aragtiyada dalalka Islaamka si loo gaaro xasillooni iyo nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka.
Maxkamada Shiinaha Oo Xukun Dil ah ku Riday Maamuulihii Shirkadda Diyaaradaha Mileteriga ee dalkaasi.
by Heemaaln
written by Heemaaln 0 minutes read
Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha ay xukun dil ah ku riday Tan Ruisong oo ahaa maamuulihii shirkadda diyaaradaha Mileteriga ee dalka Shiinaha kaas oo lagu helay in uu musuq maasuqay 100 Milyan oo Dollar.
Xukunka ninkan lagu riday ayaa qayb ka ah dagaal adag oo Shiinuhu uu la galay dadka xatooyada ku sameeya xoolaha dadweynaha sida kuwa lacagaha lunsada, kuwa guryaha ka dhista hantida dadka ka dhaxaysa iyo kuwa si kale u adeegsada cashuurta dadweynaha laga soo ururiyey.
Iiraan oo Hada Duqeysay Warshad kiimikada lagu Farsameeyo Oo koonfurta Isra|il ku taala.
by Heemaaln
written by Heemaaln 1 minutes read
Iiraan ayaa Hadda Duqeysay Warshad kiimikada lagu Farsameeyo,ee ku taala magaalada Bersheeba, ee koonfurta Israel, iyadoo ay Israel sheegtay in hal qof ku dhaawacmay waana sidii ay horeba usheegi jirtay dhaawac aan dhimasho lahayn.
Irana ayaa Weerarradii ugu dambeeyay Axadda maanta ku beegsatay aagga Negev iyo hareeraha badda dhimatay, oo ay ku jiraan magaalooyinka Beersheba, Dimona, Arad iyo Yeruham.
Saameynta ugu weyn ayaa ka muuqata aagga warshadaha ee magaalada Beersheba, halkaas oo dab iyo burbur muuqda ay muujinayaan heerka khasaaraha, isla markaana shacabka Israa’iil si toos ah u dareemayaan cawaaqibta dagaalkan iyo saameynta uu ku yeelanayo noloshooda.
48-kii saac ee u dambeysay, iyadoo Israa’iil ay si xooggan u beegsaneysay xarumaha wax-soo-saarka iyo kaabayaasha Iiraan, ayaa Iiraan dhankeeda weerarro culus ku qaaday xarumaha tamarta, warshadaha, iyo goobaha si weyn loo ilaaliyo ee cilmi-baarista iyo horumarinta nukliyeerka Israa’iil.
Iiraan waxay sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah xarumaha istaraatijiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada, si ay cadaadis ugu saarto gudaha Israa’iil, una kiciso dareen dadweyne oo keena in Netanyahu lagu qasbo inuu ka baxo dagaalka.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil, ayaa ku warramay in ciidanka gurmadka degdegga ee Israa’iil ayaa xiray waddooyinka u dhow aagga warshadaha ee Ramat Hovav ee koonfurta dhulka ay Israa’iil haysato, halkaa oo ay maanta Iiraan si xoog leh u weerartay, gantaalana ku qarxisay warshado iyo bakhaaro ku yaalay, iyadoo sababta digniintan loo soo saaray lagu sheegay inay la xiriirto khatar laga cabsi qabo oo ah in ay daataan walxo kiimiko oo halis ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka deggan meelaha u dhowna lagu wargeliyay inay xiraan daaqadahooda, isla markaana damiyaan qalabka qaboojiyaha (AC-ga).
“Waan idiin Sugeynaa” Iran oo ka Hadashay Ciidamada Mareykanka ee kusoo Wajahan Bariga Dhexe
by Heemaaln
written by Heemaaln 1 minutes read
Wargeysyada Iran oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA ayaa daabacday farriin ka timid afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf, maanta oo ku beegan 30 maalmood tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Dhambaalka, Ghalibaf wuxuu ku leeyahay “cadowgu wuxuu ka sheegaa gorgortanka meel fagaare ah, halka si qarsoodi ah uu u maleegayo weerar dhulka ah”.
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku, “oo soo saaray liis ka kooban 15 qodob, uu dejinayo rabitaankiisa oo uu ku daba jiro wixii uu ku guul daraystay dagaalka”.
Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Iran ay “sugayaan askarta Mareykanka inay soo galaan dhulka si ay rasaas roob uga dhigaan”.
Mar uu ka hadlayay is dhiibitaanka Iran, Ghalibaf wuxuu afka carabiga ku sheegay in farriinta Iran ay tahay mid cad oo aysan aqbali doonin “bahdilaad”.
Dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah maamulka Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla United States, kuwaas oo calaamad u ah wareeggii saddexaad ee isu-soo-baxyada loo yaqaan “Maya Boqor,” kuwaas oo horey u soo jiitay malaayiin qof.
Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan siyaasadaha uu dejiyay Trump, oo ay ka mid yihiin dagaalka Iran, fulinta adag ee sharciga socdaalka federaalka, iyo kororka qiimaha nolosha.
“Trump wuxuu doonayaa inuu nagu xukumo sidii kali-taliye. Laakiin tani waa Ameerika, awoodduna waxay ka timaadaa shacabka, ma aha boqorro doonaya ama maalqabeenno la safan,” ayay yiraahdeen qabanqaabiyeyaashu.
Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad wuxuu dibad-baxyadaas ku sheegay ‘fadhiyo ay isaga daweynayaan dadka uu Trump dhibka ku hayo’, wuxuuna xusay inaysan jirin cid kale oo dan ka leh marka laga reebo ‘weriyayaasha lacagtaku qaata inay soo tabiyaan’.
Maalintii Sabtida, mudaaharaadyo ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan ku dhawaad magaalo kasta oo weyn oo ku taalla dalka Maraykanka, oo ay ku jiraan New York, Washington DC, iyo Los Angeles.
Trump, wuxuu ku baaqayay in shacabka !ran kacaan oo dibad baxyo qabtaan, laakin shacabka Maraykanka ayaa ka gadooday. In ka badan 3,000 Magaalo ayay dibad baxyo malaayin qof kasoo qayb galleen ka dhaceen.

Booliiska Telaviv Oo Maanta Mar kale kala Eryay Boqolaal Qof oo Mudaharaadayaal ah.
by Heemaaln
written by Heemaaln 1 minutes read
Booliiska Tel Aviv ayaa kala eryay boqolaal qof oo mudaharaadayaal ah maalintii Sabtida, kuwaas oo ka soo horjeeday howlgalka militari ee ay Israel la waddo Mareykanka ee ka dhanka ah Iran dagaal hadda galay bishii labaad.
Wararka maxalliga ah ayaa sheegaya in ilaa 18 qof la xiray intii lagu guda jiray dibadbaxyada, iyadoo weli ay jiraan xayiraado adag oo la xiriira isu-imaatinka dadweynaha xilliga dagaalka.
Dibadbaxyadan ayaa ka tarjumaya cadaadis gudaha ah oo isa soo taraya, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Israel ay diidan yihiin dagaalka sii daba dheeraaday iyo saameynta uu ku yeeshay amniga iyo nolosha rayidka. Dhanka kale, maamulka ayaa adkeeyay tallaabooyinka amniga si loo xakameeyo isu-imaatinka iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah dagaalka.
Dagaal Beeleed Saaka dib Uga Qarxay deegaano ka Tirsan Degmooyinka Saylac iyo Lughaya
by Heemaaln
written by Heemaaln 1 minutes read
Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Heemal,degmada Sayalac iyo deegaano ka tirsan Lughaya kaasoo u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Ciise Iyo Gadabuursi, iyadoo la isku adeegsanayo hub culus iyo rasaas xooggan oo laga maqlayay deegaanada Galmadoobe, Jidhi ilaa Heemal.
Wararka hordhaca ah ayaa waxay sheegayaan in dagaalku yeeshay khasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaarayiyadoo sidoo kale baraha bulshada lagu arkayay maxaabiis la kala qabsaday.
Xiisadda ayaa weli taagan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, mana jirto cid ka hadashay khasaaraha ka dhashay colaadan.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco heemaal
Khabiirro amni Oo ka Digay haddii Uganda la Safato Israa’iil in ay Saamaynta Howlgalkeeda Somaliya
by Heemaaln
written by Heemaaln 1 minutes read
Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda isla markaana ah wiilka madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeri karo Israel haddii uu sii xoogeysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe.
Qoraallo xiriir ah oo uu toddobaadkan ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku muujiyay taageerada Uganda ee Israel, isagoo sheegay in “Uganda ay la safan tahay Israel,” isla markaana digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay “burburiso” Israel.
Inkasta oo hadalladaasi ay yihiin kuwo shaqsi ah oo aan weli si rasmi ah uga iman dowladda Uganda, haddana waxay dhalisay falcelin ballaaran oo caalami ah, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii hurin karto xiisadaha gobolka.
Uganda ayaa leh mid ka mid ah ciidamada ugu firfircoon Afrika, iyadoo ciidamadeeda Uganda People’s Defence Force ay ka howlgalaan dalal dhowr ah oo ay colaado ka jiraan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, African Union Transition Mission in Somalia, halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.
Khabiirro amni ayaa sheegaya in haddii Uganda ay si rasmi ah ugu lug yeelato dagaal ka baxsan qaaradda Afrika, ay taasi saameyn ku yeelan karto howlgaladeeda militari ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Dhanka kale, Uganda iyo Israel ayaa leh xiriir amni iyo sirdoon oo soo jireen ah, inkasta oo xiriirkaasi uu mar hore soo maray marxalado adag, gaar ahaan xilligii taliskii Idi Amin.
Ilaa hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Uganda oo ku saabsan hadallada taliyaha, sidoo kale lama oga in ay ka tarjumayaan siyaasadda rasmiga ah ee dalka.
