Waxaa isa soo taray sheekooyinka ku saabsan dagaalka Qasa ee dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo bani’aadamnimada,ayada oo wargeysyada maalinlaha ah ee Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah ay wax ka qoarayaan.
Qormadaan waxaan ku eegeynaa maqaallo ay daabaceen idaacada VOA, The Times of Israel, iyo The Guardian.
Waxaan ku bilaabaynaa Maqaal ciwaan looga dhigay “Aqalka Cad iyo diimada Netanyahu ee dhismaha dawladda falastiin,”. Qoraagu waxa uu diiradda saarayaa diidmadii Aqalka Cad ee Netanyahu ka soo baxay fiidnimadii Khamiista.
Qoraaga magaalka oo lagu magacaabo Patsy Widakuswara, oo ah madaxa arrimaha Aqalka Cad ay VOA u sheegtay, in hadalka Netanyahu uu muujinayo kala qaybsanaanta xooggan oo u dhexeysa dowladda Israa’iil iyo taageeraha ugu xooggan ee ololaha milateri ee ka dhanka ah Xamaas ee Marinka Qasa oo ah dowladda Mareynkanka.
Khilaafkan wuxuu imaanayaa xilli maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu doonayo la gaaro heshiis caadi looga dhigayo xariirka u dhaxeeya Israa’iil iyo Sacuudiga .
Widakuswara oo soo xiganaysa hadal uu jeediyay afhayeenka golaha amniga qaranka Mareykanka, John Kirby, kaas oo uu sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu yahay mid ay u arkaan si kale, ayna aaminsan yihiin in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin in ay helaan dawladda madax-bannaan oo ay ku naalloodaan nabad iyo ammaan.”
Sida qoraaga maqaalka uu soo xigtay, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, wuxuu soo bandhigay afar mabda’a oo ka tarjumaya aragtida Maraykanka ee Qasa dagaalka ka dib, kuwaas oo kala ah, xiriir nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo deriskeeda Carabta, Saamaynta dawlad madax-banaan oo Falastiin ah, iyo xaqiijinta amniga Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan oo ka qayb galay shirkii Davos, ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo heshiisa nabadeed oo uu la gaaro Israa’iil, taas oo ku imaan karta in la helo Dawladda Falastiin leedahay oo madax banaan ”
Wargeyska The Times of Israel ayaa qoray maqaal ciwaan looga dhigay Netanyahu ma is casili doonaa inta lagu jiro dagaalka?
Qoraaga maqaalka oo lagu magacaabo Sam Lehman ayaa yiri: “qof kasta oo Israa’iil ku nool wuxuu aaminsanayahay in ay lagama maarmaan tahay is-casilaadda Netanyahu, laakiin su’aashu waa goorma inta lagu jiro dagaalka? Mase waa marka la soo afjaro dagaalka?
Marka la eego su’aasha koowaad, qoraagu wuxuu aaminsan yahay in labada dhinacba ay leeyihiin aragti macquul ah, dadweynaha diida iscasiladda Netanyahu waxay qabaan dood cad oo la fahmi karo, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid beddeleysa xilligan oo israa’iil ay dagaal ku jirto. Qoraagu wuxuu qabaa in arrinta ugu weyn ee aan xiiligaan aan loo badeli Karin ay tahay, ra’iisul wasaare ku xigeen la’aanta, taas oo keeni karto qalalaase siyaasadeed maadama dagaalka lagu jiro. Lehman waxa uu aaminsan yahay in dadwaynaha taageersan iscasilaada Netanyahu ay sidoo kale wataan dood adag oo la mid ah tii Netanyahu laftiisa uu jeediyay sanadkii 2008-dii, oo uu ku dhaleeceeyay ra’iisul wasaarihii xilligaas Ehud Olmert inuusan is casilin natiijada la xiriirta dagaalkii ka dhanka ah Xisbullah darteed ee ( 2006), ka dib markii ay galeen khaladaad dhowr ah. Qoraaga Sam Lehman waxa uu aaminsan yahay in marka la eego aragtida adag ee labada dhinacba ay qabaan, in xalku ku jiro in la sameeyo guddi baaris oo rasmi ah oo degdeg ah. |
Wargeyska the Guardian ilaalinta xoriyadda saxaafadda iyo nolosha saxafiyiinta Qasa waa mid waajib ah.
Wargeyska The Guardian ayaa u kuurgalaya tirada saxafiyiinta lagu dilay Qasa intii uu socday dagaalka.
Wargeysku waxa uu soo bandhigay xaqiiqada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin saxafiyiinta ka hawlgala marinka Qasa, waxaana uu sheegay in ilaa 7-dii October ee sanadkii hore la dilay ugu 83 shaqaale warbaahineed kuwaas oo 76 ka mid ah ay ahaayeen falastiiniyiin lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ku hayso Qasa.
Wargeyska The Guardian ayaa u kuurgalaya tirada saxafiyiinta lagu dilay Qasa intii uu socday dagaalka.
Wargeysku waxa uu soo bandhigay xaqiiqada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin saxafiyiinta ka hawlgala marinka Qasa, waxaana uu sheegay in ilaa 7-dii October ee sanadkii hore la dilay ugu 83 shaqaale warbaahineed kuwaas oo 76 ka mid ah ay ahaayeen falastiiniyiin lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ku hayso Qasa.
Sadex wariye oo u dhashay Lubnaan ayaa la dilay, halka ururka Xamaas ay weerarkii Israa’iil ay ku qaday ay ku dileen afar suxufi.
Wargeysku waxa uu khasaarahaas ku tilmaamay mid naxdin leh .
Wargeysku wuxuu soo xigtay qoraal kasoo baxay ururka saxafiyiinta aan xaduud lahyeen kuwaas oo lagu yiri: “waxaa jira qaab cad oo lagu beegsanayo saxafiyiinta iyo qoysaskooda”
Inkasta oo ciidamada Israa’iil ay sheegeen in aanay beegsan suxufiyiinta, haddana wargeysku waxa uu sheegay in dad si cad loo aqoonsaday in ay yihiin saxafiyiin la dilay.
Dagaalka ka hor, warbixin ay soo saartay guddiga difaaca saxafiyiinta ayaa lagu sheegay in 20 wariye ay ku dhinteen rasaas ay ciidamada Israa’iil ridayeen muddo 22 sano ee lasoo dhaafay iyadoo aan cidna lagula xisaabtamin.
BBC