Heemaal News Network

Shanta Cunto Ee Mustaqbalka La Isku Dili Doono.

Haddii aad dooneyso inaad caafimaad qabto isla-markaana koonka aad badbaadiso maxay yihiin cunnooyinka ugu wanaagsan inaad quudato?

Moringa- Soomaalidu waxay u taqaannaa Wama wuxuu intiisa badan ka baxaa jiinka wabiyada balse wuxuu ka bixi karaa meel kasta oo lagu bero.

Caalamka aan ku noolnahay cunnooyinka laga isticmaalo waxay u badan yihiin cuntooyin kooban oo inta badan seddex qaybood ka kooban sida (bariiska, galleeyda iyo qamadiga) oo laga helo 60% tamar qof kasta oo isticmaalo.

Dadka inta badan waxay ahmiyadda siiyaan waxa ay cunaan balse muhiimad badan ma siiyaan cuntooyinka Fiitaaminnaa iyo Macdanta ay ka helaan.

Haddaba warbixin cusub ayaa soo saartay liiska 50 cunto oo wanaagsan iyada oo ka sii dhex saartay “cunnooyinka mustaqbalka” u wanaagsan caafimaadka qofka.

Moringa (Wama)
Waa Geed aad ka heli karto waddamo badan

Geedka Moringa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay “geed mucjiso ah” waana geed si degdeg ah u baxa isla-markaana abaarta wax saameyn ah ay u geeysanin, asal ahaanna geedkaasi wuxuu ka soo jeedaa Koonfurta Qaaradda Aasiya halkaasoo dawo ahaan looga isticmaalo.

Caleenta geedka Moringa maadaamaa ay aad u baxdo waxaa sanadki la jari karaa ilaa iyo 7 jeer wauxuuna geedku leeyahay Fitaamin A iyo Fitamin B iyo Macdinta ay ka midka tahay kaalshiyam iyo botaasiyam.

Waddamada Filibbiin iyo Induniisiya waxaa si weyn looga isticmaalaa miraha geedkaasi iyaga oo suugo ahaan halkaasi looga korsado, maadaamaa uu miraha Moringaha hodan uu ku yahay Oleic acid oo lalal xidhiidhiyo inuu aad ugu wanaagsan yahay hoos u dhigidda subagga jirka ku jira.

Caleenta marka la shiidana waxaa laga sameeysan karaan suugo cunto ahaan loo cuno, maraq la cabbo iyo shaaha oo lagu darsado.

Priya Tew, oo ku takhasustay cilmi baarista cunnooyinka isla-markaana afhayeen u ah wakaaladda baaritaannada ku sameeyso cunnooyinka uu fahdigeedu yahay Britain waxay sheegtay “Cuntada ugu wanaagsan ee ay qoyskooda isticmaalaan loogana jecel yahay inta ay Sirilanka joogtay waa geedka Moringaha wuxuuna si weyn uu adkeeyey ilkaha wuxuuna baab’iyaa suuska ilkaha.”

Wakame
Waa Geed ka baxa biyaha hoostooda ama u baahan waraab badab

Wakaame- waa caleen si weyn looga beerto qaaradda Aasiya waana cunta si weyn looga isticmaalo.

Caleenta waa Kaame waxaa qarniyo aad u badan soo beeranayey beeraleyda badaha wax ka beerta iyaga oo cunna ahaan u isticmaala.

Balse wakhti xaadirka caleenta Wakaama marka waxtarkeeda la fahmay waxaa si weyn u beerta beeraleyda Faransiiska. New Zealand iyo Argentina. Goob kastana waa lagu beeri karaa iyada oo aan dawo iyo bacramin loo isticmaalin waxaana lagu engajiyaa ceedceedda.

Caleenta Wakama marka la qalajiyo ayaa cuntooyinka lagu darsadaa, waxayna caleentan ka mid tahay caleemaha cunna ahaan loo isticmaalo oo laga helo eicosapentaenoic acid.

“Caleenta Wakama oo la engajiyo waxaa laga helaa Iodine iyo Omega 3, gaar ahaanna dadka aan dheefta xoolaha inta badan isticmaalin ayuu waxtar aad u weyn uu u leyaahay. Waxaana si weyn looga isticmaalaa Hong Kong” ayey tiri Priya Tew. Waxayna sida oo kale ka digtay inaan wax badan laga isticmaalin oo aan la isku badin maadaamaa maaddada Iodine ay aad ugu badan tahay.

Fonio

Fonio

Fonio- Waa nooc cawska u eg waxaana si weyn looga beertaa galbeedka qaaradda Afrika. Waana geed gaab cawska aan aad looga garaneyn.

Fonio waxaa qaaraddan Afrika laga beeran jiray 5,000 oo sano ka hor, sida oo kale Masaarida qadiimka ahaydna iney si weyn u soo beeran jireen ayey taariikhdu sheegeysaa.

Wuxuuna Fonio uu midab ahaan isugu jiraa madow iyo caddaan, waxayna mirahiisa ku bislaadaan oo la soo guran karaa 60-70 maalmood, iyada oo si weyn looga beerto galbeedka Afrika.

Miraha Fonio wuxuu hodan ku yahay maaddooyinka kala ah iron, zinc iyo magnesium, waxaana Fonio loo karsadaa sida bariiska iyada oo waddamada qaar ay ka sameeyaan khamrigaa biirta loo yaqaanno.

Priya Tew waxay sheegeysaa “Iney jeceshahay iney Fonio mar un tijaabiso cilmi ahaan mooyee maadaamaa ay fursad u helin iney cunto, wuxuuna Fonio iska caabbiyaa abaaraha isaga oo ka baxa deegaannada ay biyaha iyo roobkaba ku yar yihiin waxaana lagu daray cunnooyinka mustaqbalka ugu wanaagsan.

Tiin-ka (Nopales cactus)

Tiinka waxaa si weyn looga isticmaalaa dalka Mexico iyada oo mirihiisa, caleentiisa iyo dheecaankiisaba ay u isticmaalan cunta la karsado ama sharaab la cabbo.

Wuxuuna Tiinka si weyn uu uga baxaa bartamaha iyo koonfurta Mareykanka, Australiya iyo Yurub.

Qaar ka mid ah khubarada caafimaadka waxay sheegayaan Tiinka qofka isticmaala inuu ka caawinayo jirka qofka baruurta ku jirto inuu gubo, uu qayb ka qaato qofka inuu hilibka iska rido.

Tijaaba kale oo lagu sameeyey tiinka ayaa sheegeysa inuu hoos u dhigo heerka sokorta dhiigga ku jirta gaar ahaanna dadka qaba macaanka nooceeda labaad.

Qofkasta oo doonayo inuu Tiinka cunistiisa uu tijaabiyo waxaa loo baahan yahay inuu isku badinin maxaa yeelay dadka qaar wuxuu ku keenaa saameyn ay ka mid tahay inuu shubmo, labbalabbo iyo caloosha oo qofka dibbirto.

“Faa’idooyin caafimaad oo aad u badan ayuu Tiinku leeyahay, balse waxaa muhiim ah ineynu ogaanno inaan saameynta caafimaad uu Tiinku leeyahay oo dhan aan baaritaan lagu sameyn sidaa darteed qofka isticmaalayo si taxaddar leh uu u isticmaalo.” ayey tiri Priya Tew.

Bambara

Bambara

Miraha Bambara oo digirta aad ugu eg saliidda wey ku yartahay wuxuuna leeyahay macaan ka duwan noocyada digirta ee kale. Bambara waxaa lagu soo daraya shanta cunno ee mustaqbalka u wanaagsan in lagu xisaabtamo beerashadiisa iyo isticmaalkiisa la badiyo.

Miraha Bambara oo qaaradda Afrika si weyn uga baxa waddamada kale ee laga beerto waxaa ka mid ah Maleesiya iyo Koonfurta Thailand. Waxaana Bambara loo isticmaalikaraa in la dubo, in la shiido, in la shiuilo iyo in la kariyo iwm.

Geeska Afrika miraha Bambara waxaa looga isticmaalaa in maraq ahaan loo karsado ama in khudaarta lagu darsado wuxuuna leeyahay nafqo aad u badan. Wuxuuna sare u qaadaa awoodda jirka uu cudurrada isaga difaaco.

Waxaana Bambara lagu daray shanta cunno ee ugu fiican mustaqbalka soo socdana loo baahan yahay in ahmiyadda la siiyo isticmaalkiisa iyo beerashadiisa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliya Oo Heshay 1.4 Milyan Oo ah Tallaalka Daacuunka

Heemaaln

Cantoobo Loos Ah Oo Aad Cunto Maalintii Waxay Ka Hortagaysaa Sunta Jirka Gasha

Heemaal

Cudur Halis ah Oo ka Dilaacay Gaza iyo Qaramada Midoobay Oo Digniin ka Bixisay

Heemaal