Heemaal News Network

Shiinaha Oo ka Digey Cawaaqib xumo ka Dhalan karta Haddii Mareykanku Tiktok xayiro

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul uga jawaabtey sharci horseedi kara in aaladda TikTok laga mamnuuco dalkas oo Aqalka Wakiillada Mareykanku ansixiyey, wuxuuna ku hanjabey cawaaqib xumo ka dhalan karta go’aankaas.

Hadalka ka soo yeeray Shiinaha ayaa imaanaya wax yar ka dib markii Aqalka Wakiillada Mareykanka ay ansixiyeen sharci horseedi kara in TikTok looga mamnuuco dalkaa.

Dowladda Mreykanka ayaa in muddo ah dabajoogtey Tiuktok oo ay sheegtay in uu khatar ku yahay amnigeeda qaran. Balse shirkadda ByteDance ee iska leh Tiktok ayaa Meesha ka saartay walaaca Mareykanka, waxayna beeniyey in ay halis ku yihiin amniga dalkaas ee loo beegsanayo in ay Shiinees yihiin un.

Mareykanka ayaa ByteDance u soo jeediyey in ay labo daran kala doorato. Taas oo ah in ay iibiso saamiga ay ku maamusho Tiktok ama dalka Mareykanka laga mamnuuco.

Lama yaqaan tillaabada Shiinuhu qaadi doono haddii Mareykanku ku adkeysto in Tiktok lala wareego ama dalkaas mamnuuco.

Laakiin afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha oo lagu magacaabo Wang Wenbin ayaa tillaabada Mareykanka ee Tiktok ka dhanka ah ku tilmaamay handadaad cad oo suuqa looga saarayo shirkadda Shiinaha.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo Shaaciyey in Weerar Aargoosi ay Iran ku Qaadayso Israel.

Heemaaln

Mareykanka iyo Britain Oo ka Fiirsanaya inay Joojiyaan Hubka ay ka Iibiyaan Israa’iil

Heemaaln

Waali Cas: Natanyahu Oo Shiinaha Ka Dalbaday 40K Oo Taandho

Heemaal