Trump Oo Sheegay inay Billaabatay Dhaqangelinta Xayiraada Bada Iiraan Iyo Ruushka Oo ka Diray

by Heemaaln
1 minutes read

Trump ayaa sheegay inay billaabatay dhaqangelinta go’doominta badeed ee Iiraan, isagoo ku hanjabay inay burburin doonaan doon kasta oo Iiraani ah oo ku soo dhawaata aagga la go’doomiyay.

Iiraan waxay ku hanjabtay inay xirayso marin-biyoodka Bab al-Mandab , oo ah albaabka laga galo Badda Cas, iyadoo ka jawaabaysa go’doominta Mareykanka uu ku soo rogay dekedaheeda, sida ay hadda werisey Fox News.

Madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa warsaxaafadeed maanta ka soo baxay, waxaa lagu yiri ; “ Go’aanka uu Mareykanka ku go’doominayo dekedaha Iiraan , waa mid ugu dambeyn uu ka shalleyn doono oo cawaaqib xun leh.”

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay ; “ Trump wuu hadlaya, laakin wuxuu hoos ka wadaa dadaal diblomaasiyadeed oo lagu wajahayo colaadda Iiraan.”

Warbaahinta Axios oo ku dhow Aqalka Cad ayaa ku warrantay inaysan wali xirmin albaabada diblomaasiyada , iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan, Masar iyo Turkiga ay sii wadaan wadahadallada ay la leeyihiin Mareykanka iyo Iiraan maalmaha soo socda, si loo yareeyo khilaafaadka harsan loona gaaro heshiis lagu soo afjaro dagaalka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dhammaan dhinacyadu weli ay aaminsan yihiin in heshiis la gaari karo.Dhexdhexaadiyeyaashu waxay rajeynayaan in marka la soo dhoweeyo aragtiyaha kala duwan, ay suurageli doonto wareeg kale oo wada-hadallo ah,ka hor inta aanu dhammaan heshiiska xabbad-joojinta ee ku eg 21-ka April.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.