“Haddii ay Ri ku dhimato gobolka Gedo, waxaa dilay Madaxweyne Geelle. Haddi ay duq gabowday ku turun turooto Muuqdisho, Madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.”
“Taariikhda Ismaaciil Cumar, xumaanta iyo cayda Fahad waxba ka beddeli meyso. Soomaali dhammaanteed ayaa marag ka ah. War ileen cimrigaaga oo dheeraada, geel dhalaya ayuu ku tusaa.”
“Raali ahaada kuwa nacaybka qabow, cuna kaniin madax xanuun,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaleh oo bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter ku soo qoray qoraalkan oo uu ugu jawaabayay Fahad Yaasiin.