Heemaal News Network

Weerar Ka Dhacay Urdun Oo Lagu Dilay Askar Maraykan Ah

Saddex askari oo Maraykan ah ayaa la dilay, qaar badana waa lagu dhaawacay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday ciidammada Maraykanka ee fadhigoodu yahay waqooyi bari ee Urdun meel u dhow xuduudka Suuriya, ayuu yidhi madaxweyne Joe Biden, isagoo ku eedeeyay weerarkaas kooxaha ay taageerto Iran.

“Inta aan wali ururinayno xaqiiqada weerarkan, waxaan ognahay in ay fuliyeen kooxaha xagjirka ah ee Iran ay taageerto ee ka howlgala Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii.

Dhimashadan ayaa noqonaysa dhimashadii ugu horreysay ee ciidamada Maraykanka ee gobolkaas tan iyo markii Israa’iil ay dagaalka Qaza ka billowday. Biden ayaa sheegay in weerarku dhacay habeenimadii Sabtida.

“Waan sii wadi doonnaa ballanqaadkooda ah in ay la dagaallamaan argagixisada. Shakina ha ka qabin – waxaan la xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa mas’uulka ka ah waqti iyo qaabkii aan dooranay,” ayuu Biden ku yiri hadal uu sii daayay Aqalka Cad.

Bayaanka Biden laguma xusin tirada ciidamada ku dhaawacantay balse CNN ayaa sheegtay in ugu yaraan labaatan askari oo ka tirsan ciidamada ay ku dhaawacmeen weerarka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ilaa 34 ka mid ah shaqaalaha lagala tacaalaayo dhaawacyo maskaxda ka soo gaaray.

Pentagon-ka ayaan wali faah faahin ka bixin noocyada dhaawacyada soo gaaray, balse dhaawaca maskaxda ayaa ah mid caadi ah kadib qarax weyn.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay dowladda Jordan ayaa Axaddii sheegay in weerarka lagu dilay askarta Mareykanka uusan ka dhicin dhulka Urdun balse uu ka dhacay Suuriya.

Muhannad al Mubaidin ayaa u sheegay taleefishinka Al Mamlaka ee laga leeyahay dalka Urdun in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhiga Al Tanf ee Mareykanka uu ku leeyahay dalka Suuriya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xuutiyiinta Oo Markab Ingiriisku Leeyahay ku Weeraray Badda Cas

Heemaaln

Dal Yurub kuyaalla Oo Maxkamadeenaya Nin Adeer u ah Madaxweynaha dalka Syria

Heemaaln

Maxkamadda Sare ICJ Oo soo Saartay Go’aankii Ugu Jilicsanaa Oo Lagu Amray Inay Fuliso Israel

Heemaal