Heemaal News Network

Ruushka Oo Iskugu Yeedhay Golaha Amaanka “Looma Dul Qaadan Karo Xadgudubka Maraykanku Ka Wado Bariga Dhexe”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee Isniinta kulan deg deg ah ka yeelanaya duqeymaha uu Mareykanka ka wado Ciraaq iyo Suuriya, kaasoo uu uga aargudayay dhimashada saddex askari oo Mareykan ah.

Kulanka oo uu codsaday xubinta joogtada ah ee Ruushka, waxa uu dhacayaa 4:00 galabnimo (2100 GMT) Isniinta, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP, waxaana lagaga wada hadli doonaa weerarrada ay Washington ku qaadday kooxaha ay taageerto Iran oo ay ku eedaysay inay weerareen ciidammada Maraykanka. ee gobolka.

Horaantii Sabtidii, af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa dhalleeceysay duqeymaha Mareykanka, iyadoo sheegtay in Mareykanka “ay mar kale soo bandhigtay nuxurkeeda gardarada ah iyo ixtiraam la’aanta sharciga caalamiga ah.”

Waxay ku eedaysay Mareykanka inuu si ula kac ah uga sii daray xaaladda Bariga Dhexe ka dib markii uu weerarku horseeday burburka kaabayaasha rayidka iyo waxyeello soo gaartay rayidka.

“Washington, iyada oo aaminsan in aan la ciqaabin, waxay sii wadaysaa inay abuurto burbur iyo fowdo Bariga Dhexe. Duulaanka ballaaran ee Maraykanka ee gobolka tan iyo 2003, oo uu hogaaminayey Joe Biden ‘falka aargoosiga’ ee weerarka aan la aqoonsan cida qaaday ee loo adeefgsaday dayaarada aan duuliyaha lahayn ee saldhigga Maraykanka ee Jordan wax cudurdaar ah ma lahan.”

Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkan cusub ee gardarada ah ee Mareykanka iyo Britain ay ku hayaan dalalka madax banaan, waxaan raadineynaa tixgalin deg deg ah oo xaaladda hadda jirta iyadoo loo marayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

ayay tiri Maria Zakharova

Mareykanka ayaa Jimcihii bilaabay duqeymo ka dhan ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee Corps-Quds Force iyo maleeshiyaad ay Iran taageerto oo ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ka dib markii weerar is-miidaamin ah lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah oo ka dhacay Jordan dabayaaqadii bishii hore.

 

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Jigjiga Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Abiy Axmed Iyo Odayaal ka Hadlay

Heemaaln

Iran, Suuriya Cumaan iyo Ciraaq Oo ka Hadlay Duqeymaha Mareykanka Uu Fuliyay

Heemaaln

Dowladda Soomaaliya oo Guddoomisay Shirar Hordhac u ah Kulanka Guud ee Midowga Africa

Heemaal