Heemaal News Network

Netanyahu Oo Amar Ku Bixiyey In La Weeraro Magaal Ay Uga Digeen Masar, Maraykanka Iyo EU-du

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay inuu ku amray milateriga dalkiisu inay diyaariyaan qorshe dadka rayidka ah looga daadguraynayo magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee marinka Qaza, xilli ay ciidamada Israa’iil isu diyaarinayaan inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka fuliyaan magaaladaas.

“Suuro-gal maaha in la gaadho ujeedada dagaalka ee ah in la tirtiro kooxda Xamaas, haddii laga tago afar qaybood oo ku sugan Rafax” ayuu ku sheegay qoraal uu soo saaray, isaga oo intaas raaciyey “Xilligan la joogo waxaa muuqata inay caddahay in loo baahan yahay in dadka rayidka ah laga daadgureeyo marinka Rafax, gaar ahaa goobaha dagaaladu ka socdaan”

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay inuu weydiisday ciidamada Israa’iil inay golihiisa wasiirada u soo gudbiyaan qorshahan lagu daadguraynayo dadka shacabka ah, isla markaana lagu burburinayo Xamaas.

Qoraalka uu soo saaray kuma sheegin xilliga ay tahay inay soo gudbiyaan.

Rafax ayaa ku taalla xuduuda Masar, waxaana masuuliyiin kala duwani ay ka digayaan, in hawlgal kasta oo halkaas laga sameeyo inuu keenayo barakac baahsan isla markaana uu wax u dhimayo heshiiska nabadeed ee u dhexeeyey labada dhinac, muddada afartanka sannadood ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliiska Israa’iil Oo Xiray Gabar la Dhalatay Hogamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.

Heemaaln

Maraykanka Iyo Israaiil Oo Isku Khilaafsan Dhisida Dawlad Falasdiin

Heemaal

Joe Biden Oo La Kulmay Afrata Xubnood Ee Ugu Sareeya Labbada Gole Ee Maraykanka

Heemaal