Saynisyahannada Mareykanka ayaa aaminsan inay ogaadeen sababta ay tinteenny cirro u yeelato marka aan gabowno, iyagoo taas u aaneeyay unugyada midabbada sameeya oo sii daciifa.
Unugyadan aan qaangaarin ayaa haddii kale isu beddeli lagaa waxa loo yaqaanno melanocytes oo tinteenna siiya midabkeeda dabiiciga ah.
Kooxdan ka tirsan New York University (NYU) ayaa hannaankan ku tijaabiyay jiir, kuwaasoo leh unugyo is leh.
Waxay sheegeen inay in tijaabadan ay horseedi karto wax ka beddelidda hannaanka cirrada timaha.
Sida ay qabaan Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka ee Britain (BAD), shaqada melanocytes ayaa sidoo kale laga yaabaa inay naga caawiso fahamkeenna iyo daaweynta noocyada qaar ee kansarka iyo xaaladaha kale ee caafimaadkaba.
Sidee ayay timuhu u cirreystaan?
Waan kornaa oo mar walba waxaa naga data timaha – waa hannaan caadi ah oo aan marno nolsheenna dhan.
Timo cusub ayaa ka soo baxa dulduleellada timaha, oo laga helo maqaarka, halkaasoo melanocytes-ka soo saara midabbada ay ku nool yihiin.
Melanocytes ayaa si joogto ah u daxaleysta isla markaana dib isu cusbooneysiiya sidoo kale. Kuwa cusub ayaa laga sameeyaa unugyada, unugyadan ayayna baarayaashu aaminsan yihiin inaysan ku korin dadka ay timahoodu cirreystaan.
Kooxdan baarayaasha ayaa adeegsaday sheybaar casri ah oo lagu ogaanayo hannaanka gabowga unugyada.
Mar walba oo ay timuhu gaboobaan, way daataan haddana dib ayay usoo dhalataa, taasoo sii kordhineysa suurtogalnimada ah in melanocyte ay daciifaan.
“Daraasaddeennu waxay sii biirineysaa fahamkeenna sida ay unugyada melanocyte u shaqeeyaan si ay u midabeeyaan timaheenna,” ayuu yiri baaraha horkacaya kooxdan ee Dr Qi Sun.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay saynisyahannadu soo jeediyaan in cirrada wax laga qaban kari.
Nafaqo-darrada waa mid laga yaabo inay cirrada keenta, waana mid wax laga qaban karo.
Baarayaasha qaar ayaa sheegaya in isku buuqa uu sababi karo inay timuhu caddaadaan, waxayna soo jeedinayaan in qofka oo ka bogsada uu soo laaban karo midabka timaha.
Baaritaan kale ayaa sheegaya in hiddo-sidaha, uu qeyb ka yahay cirrada.
Halka dadka qaar ay doorbidayaan inay cillaan ku qariyaan cirrada. Qaar kale ayaaba ku faana. Qaar ayaa xitaa doorta inayba timaha sii cirreeyaan, oo ay mariyaan midab cad ama qalin ah.
Sida uu baahiyay Wargeyska Glamour, timaha qalinka ah ayaa ah “midabka timaha ee xilliga Gu’ga taasoo gabdhaha deggan ay jecel yihiin”.
Luke Hersheson, oo timaha hagaajisa ayaa wargeyska British Vogue u sheegtay: “Mar bey waxaan la aqbali Karin ahayd timaha cirrada leh, balse haatan iskuma soo qabanno cirrada iyo gabowga – marka dad badan ayaa sidaa sameynaya.
“Kaddib xayiraaddii, waxaa jiray dareen xorriyadeed – dad badan ayaa timaha ku daayay cirrada sababtoo ah ma aysan heli Karin cid u midabeysa, balse dhanka kale wayba ku raaxeysteen.”
Khubarrada ayaa ka digaya in la iska jaro “rifo” tinta tan cirrrada leh. Waxay sheegeen inaysan taas joojineyn cirrada. Haddii aad dhaawacdo dulduleellada timaha, waxaa laga yaabaa inaysan mid cusub kuu soo dhalan, taasoo micnaheedu yahay in timo yar ay kuu soo harayaan amaba bidaar ay ku galeyso.
Dr Leila Asfour oo ka tirsan Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka Britain ayaa BBC u sheegtay in midabeynta timaha ay ahayd ganacsi aad u weyn: “Suuqa midabka timaha ee adduunka waxaa lagu qiimeeyaa $33.7bn inuu gaari doono 2030. Waxaa cad inuu suuq jiro.
“Micnaha cad ee baaritaankan waa, in marka ay timaaddo dadweynaha, ay uga dhigan tahay in loo sii dhowaaday wax ka qabashada cirrada.
“Balse natiijada daraasaddan ayaa kooxda caafimaadka ka caawineysa inay si wanaagsan u fahmaan xaaladaha kale ee unugyadu ay doorka ku leeyihiin – tusaale ahaan, fahamka kansarka ugu ba’an ee maqaarka ee aan daweyno ee lagu magacaabo melanoma.”
Waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa xaaladda caafimaad ee lagu magacaabo alopecia areata, taasoo ka dhalata marka difaaca jirka uu weeraro timaha kaddibna ay daataan. Mararka qaar timaha ayaa dib u soo baxa iyago cad, ayay tiri.
Waxayna sidoo kale fakrad ka bixin kartaa vitiligo – oo ah xaalad maqaarka ku timaadda oo bukaannadu ay midabbo cad ku yeeshaan maqaarka. Saynisyahannada ayaa isku dayay inay qalliin ku sameeyaan bukaannada oo ay dulduleellada timaha ku beeraan meelaha ay waxyeelladu gaartay si midabka timaha loo soo celiyo.
“Baaritaan dheeri ah ayaa loo baahan yahay.” Ayay tiri Dr Asfour.