Heemaal News Network

Yuhuuda Oo Weerartay Dagaanadii Ay Masar Ku Tilmaamtay Khadka Cas

Ciidamada Israel ayaa Jimcihii shalay duqeeyay nawaaxiga magaalada Rafax ee dhacda xadka u dhexeeya Gaza iyo Masar, halkaas oo hadda noqotay xerada ugu weyn uguna danbeysa ee ay isugu tageen inta badan dadka ku go’doonsan marinka Gaza.

Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay duqaymaha iyo dagaalka Isra’el ee Gaza, ayaa ku sugan xadka, iyaga oo aad uga cabsi qaba weeraro iyo duqeymo uga yimaada ciidamada Israa’iil, xilli aysan jirin meel kale oo ay u sii cararaan.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa Khamiistii sheegay, in ciidankiisu ay hadda cirib-tiri doonaan wax uu ku sheegay canaasir argagixiso ah oo ku sugan Rafax.

In ka badan kala bar shacabka Gaza oo lagu qiyaaso 2 milyan iyo 3 boqol oo kun oo qof ayaa badankoodu ay ka barakaceen guryahoodii, waxana intooda badani ay isugu tageen deegaanka Rafax oo ku yaalla xadka Masar.

Masar Oo Uga Digtay Israa’iil In Ay Qabsato Marinka Philadelphi Corridor

Tan iyo marki uu billowday dagaalka Israil ay ku qaadday Gaza, saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ciidanka Israil ay dileen in ka badan 27 kun oo Falastiiniyiin ah. 112 ka mid ah ayaa la dilay 24-ki saac ee lasoo dhaafay.

Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa Jimcihi shalay sheegay, in dagaal ka dhacay galbeedka Gaza ay ku duleen 15 askari oo Isra’iiliyiin ah. Isra’il wali ma aysan xaqiijin arrintaasi.

Laakin Isra’iil horay waxay u xaqiijisay in dagaalka Gaza ilaa iyo hadda looga dilay in ka badan 200 oo askari.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Weriyeyaal ka Tirsan Aljazeera Oo Mar kale si Xun Loogu Dhaawacay Gaza (Sawirro)

Heemaaln

Lix Qof Oo U Geeriyootay Shuban Biyood ka Dilaacay Deegaanka Lafo-ceese Ee DDS Itoobiya.

Heemaal

Musharaxa Putin la Tartami lahaa Oo Laga Mamnuucay ka Qeyb-galka Doorashada Ruushka

Heemaaln