Heemaal News Network

Diyaarad Milatari Oo siday Maxaabiis Dagaal Oo Bur-burtay iyo Dadkii saarnaa Oo Dhintay.

Diyaarad milatari oo nuuceedu ahaa Ilyushin-76 oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku bur burtay koonfurta gobolka Belgorod ee kuyaalla xuduudka Ruushka iyo Ukraine, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro dhimasho oo badan.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahisay in diyaarada milatari ee bur burtay ay saarnaayeen 65-qof oo maxaabiis dagaal oo u dhashay dalka Ukraine iyo sidoo kale shaqaalihii diyaarada la socday.

Barasaabka gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa xaqiijiyay jiritaanka shilka diyaaradeed ee dhacay, waxa uuna ka gaabsaday in uu faah faahiyo khasaaraha ka dhashay shilkaasi.

Afhayeenka madaxtooyada dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ay ka war hayaan burburka diyaaradda balse ay diideen in ay faah faahin ka bixiyaan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxkamad Dil Toogasho ah ku Fulisay Lamaane Aroos ahaa Oo Dilay Caruur

Heemaaln

Maxkamad Laashay In Trump Uu Leeyahay Xasaanadda Madaxweyne Hore Lana Mxkamadeyn karo.

Heemaaln

Ciraaq Oo Qaadeysa Talaabo ka Dhan ah Ciidamada Mareykanka Ee Dalkeeda jooga

Heemaaln