Heemaal News Network

General Abdel Fattah Al-Burhan Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal Nabadeed Oo Uu la Galo

Hogaamiyaha militariga dalka Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa shuruud ku xiray wadahadal nabadeed oo lagu dhameenayo colaada ka aloosan dalkaasi ee u dhaxeysa ciidanka milatariga iyo kuwa gurmadka deg degga.

Al Burhaan ayaa sheegay in kaliya uu tixgelin doono soo jeedinta Midowga Afrika ee ah in colaadda lagu dhameeyo wadahadal nabadeed, haddii Midowga Afrika uu dib u soo celiyo xubinnimadiisa oo buuxda.

Saraakiil katirsan Midowga Afrika ayaana kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha Milatariga Sudan , waxa ayna saraakiisha kala hadleen Jeneraalka sidii xal nabadeed loogu soo afjari lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan.

Shuruudan uu wadahadalka nabadeed ku xiray hoggaamiyaha dalka Sudan ayaa imaaneysa xilli horey Ururka Midowga Afrika u hakiyay xubinimada Suudaan, kaddib markii militariga uu la wareegay talada Oktoobar 2021.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Saaxiibkii Ayuu Dilay Markii Uu Ka Soo Noqday Dagaalka Gaza

Heemaal

Madaxweynaha Faransiiska Oo Dalbaday in Falastiin loo Aqoonsado Dowlad

Heemaaln

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal