HNN: Iiraan ayaa Arbacadii dishay nin hore uga tirsanaa hay’adda tamarta nukliyeerka oo lagu magacaabo Mehdi Farid, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa sirdoonka Israa’iil (Mossad). Dilkan ayaa ka mid ah mowjado dilal ah oo gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii dagaalka Iiraan uu billowday 28-kii Febraayo.
Wakaaladda wararka ee garsoorka Tehran, Mizan, ayaa sheegtay in Mehdi Farid uu isku dayay inuu waxyeelleeyo shabakadda gudaha ee hay’ad difaac oo xasaasi ah, isagoo ka amar qaadanayay saraakiil ka tirsan Mossad.
Sida uu sheegay Mizan, Farid wuxuu u suurtageliyay dad dibadda ka jooga hay’adda inay galaan xogta, isagoo marar badan ku xidhayay qalab USB ah.
Mizan ayaa sidoo kale sheegtay in Farid, oo hore uga shaqayn jiray Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iiraan ee Arak, uu Israa’iil siiyay xog ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka hay’adda, goobaha dhismayaasha, heerka amniga, iyo xogta shaqaalaha. Lama shaacin magaca hay’adda ama dukumentiyada la xiriira eedeymahan.
Mizan waxay sheegtay in Farid intii dacwaddiisu socotay “si cad u qirtay” inuu la shaqeeyay Mossad. Si kastaba, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah uga digaya in kiisaska noocan ah aysan jirin qareenno madax-bannaan iyo in qirashooyinka badankood lagu helo cadaadis.
Sida ay sheegeen ururrada xuquuqda aadanaha, Farid waxaa la xiray xilligii jiilaalka 2022 waxaana loo gudbiyay xabsiga Evin. Dacwaddiisa markii hore waxaa dhageysatay laanta 26-aad ee maxkamadda kacaanka, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, balse markii dambe waxaa loo beddelay dil kadib markii dacwad-ooguhu racfaan ka qaatay.
Sheeko kale oo ka duwan tan rasmiga ah
Ururka bulshada rayidka ah ee Iiraan ee Hengaw ayaa bixiyay war kale oo ka duwan. Sida uu sheegay ilo xog-ogaal ah oo ururku soo xigtay, Farid wuxuu ahaa arday IT ah oo markii uu diiday codsiyo looga dalbaday inuu la shaqeeyo dad la sheegay inay Israa’iil ka tirsanaayeen si ay wax uga qabtaan saynisyahannada nukliyeerka, uu si iskiis ah ugu tagay xafiiska amniga ee hay’adda tamarta nukliyeerka, isla markaana u gudbiyay xog iyo lacag uu helay.
Ishaasi waxay sheegtay in inkastoo uu la shaqeeyay hay’adaha gudaha, haddana lagu eedeeyay “faafinta xog iyo la shaqeynta Israa’iil.” Waxa kale oo ay sheegtay in iskaashigiisa la iska indhatiray intii dacwadda socotay.
Intaa waxaa dheer, maxbuus kale oo dil sugaya oo lagu magacaabo Ahsan Afwal ayaa loo wareejiyay xabsiga Qezel-Hesar, sida uu sheegay Hengaw.
Warbaahinta Iiraan ayaa Talaadadii sheegtay in la dilay nin kale oo lagu magacaabo Amir Ali Mirjaafari, kaas oo lagu helay dambiga gubidda masaajid ku yaalla Tehran iyo la shaqeynta Israa’iil iyo Maraykanka intii ay socdeen mudaharaadyadu.
Saraakiisha garsoorka ayaa ku eedeeyay inuu ka tirsanaa “shabakad Mossad” isla markaana door ka ciyaaray mudaharaadyada. Hase yeeshee, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ka digay qirashooyin lagu qasbo iyo maqnaanshaha maxkamado cadaalad ah.
Madaxa garsoorka, Gholam Hossein Mohseni Ejei, ayaa ku baaqay in la dedejiyo fulinta xukunnada culus, oo ay ku jiraan dilalka, kadib mudaharaadyo dhacay bishii hore. Wuxuu xaaladda ku tilmaamay “dagaal buuxa” wuxuuna ku baaqay in si adag loola dhaqmo dadka lagu eedeeyo arrimaha amniga.
Koror degdeg ah oo dilalka ah
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Iiraan ay dishay ugu yaraan 1,639 qof sanadkii 2025, taas oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 1989, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Iran Human Rights iyo Together Against the Death Penalty.
Tiradaas waxay ka dhigan tahay koror dhan 68% marka loo eego 2024, oo la diiwaangeliyay 975 dil.
Tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan bishii Juun 2025, ugu yaraan 10 qof ayaa la dilay iyadoo lagu eedeeyay “la shaqeynta Mossad iyo Israa’iil,” sida ay sheegeen warbixinno xuquuqda aadanaha.
Heerka dilalka ayaa si weyn u kordhay bilihii la soo dhaafay, taas oo loo arko in Tehran ay adkaynayso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradka suuragalka ah ee ka dhashay dagaalka iyo mudaharaadyada, sida ay ka digayaan ururrada xuquuqda aadanaha.
Heemaal News Network.
