Madaxweynaha Erateriya Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.
Isaias Afwerki ayaa halkaasi kullan kula qaatay dhigiisa Masar Abdel Fattah el-Sisi, waxaana ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka ka taagan.