Heemaal News Network

Maraykanka Oo Qalabaynaaya Guutada Danab Ee Xooga Dalka Soomaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ku nuux nuuxsatay in ay ka go’an tahay dadaallo kala duwan oo dhanka ammaanka ah.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu tababaro iyo qalabayn muhiim ah siiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Guutada Danab.

Wadashaqeynta ayaa lagu soo bandhigay wadahadal u dhaxeeyay wakiillo ka socda Mareykanka iyo Taliyaha Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, wada hadalkaas oo ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

“Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageeraa dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab iyadoo loo marayo kaalmooyin kala duwan oo dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin in ay tababaro iyo qalabayn siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab,” sidaasi waxaa yiri safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa 6-February-2024 ugu deeqday Saddex Gaari oo kala ah Machadka Tababarka Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Hirshabeelle.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaaln

“Dambiilaha Meel kasto Oo uu Joogo waala soo Qabanaa”Gudoomiye Madaale Oo la Hadlay Aabaha

Heemaaln

Aabbaha Dhalay Gabadhii Ninkeedu Gubay Oo Go’aan Adag ka Qaatay Waan-waan Lagu Cafinayo

Heemaaln