Codbixiyeyaasha Pakistan ayaa 8-ddii bisha u dareeray goobaha cidbixinta iyadoo doorashadu ay hareeyeen hoos u dhac internet-ka ah, xiritaan iyo rabshado.
Sharif ayaa ku laabtay xilkii uu hayay tan iyo bishii August markii baarlamaanka la kala diray.
Codbixinta baarlamaanka oo markii ugu horreysay kulmay Khamiistii, ayaa kusoo aadeysa xilli ammaanka aad loo adkeeyay iyadoo musharraxiinta uu taageersan yahay raysal wasaaraha hore ee jeelka ku jira, Cimraan Khan ay ka dibad baxeen natiijada ayna dalbadeen sii deyntiisa.