War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in wax lala yaabo ay tahay, in beddelka dastuurka loo adeegsado heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC) iyadoo Puntland anysan qayb ka ahayn.
“Dowladda Puntland waxay nasiib darro weyn u aragtaa in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro Dastuurka KMG ee Federaalka, laguna beddalo Dastuur cusub oo laga dhex arko masaaliix gaar ah, khatarna ku ah midnimada iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed sida ku cad Cutubka 1-aad, qodobadiisa 1-aad iyo 7-aad ee Dastuurka KMG-ka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.
Puntland waxay sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan awood iyo sharciyad midna u lahayn samaynta dastuur cusub.
Waxay Puntland sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka dalka.