Heemaal News Network

Madaxa Siyasada A.Dibada Ee Midowga Yurub Oo si Adag Uga Hadlay Duqeymaha Israa’iil Ee Rafax

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku boorriyay xulafada Israa’iil oo uu ugu horreeyo Mareykanka, in ay joojiyaan hubka ay u soo dirayaan ka dib markii “dad aad u badan” lagu dilay Qasa.

Borrell wuxuu yiri, isaga oo tixraacaya faallooyinka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isbuucii hore ee ahaa in tallaabada militariga Israa’iil ay “ka gudubtay khadka”: “Waayahaye, haddii aad u maleyneyso in tiro badan oo dad ah la dilayo, marka sooma haboona in aadan hub dirin si aan dadka logu layn dadkan tirada badan dadka” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray, intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay Brussels oo uu ku weheliyo Philippe Lazzarini, Guddoomiyaha Guud ee Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga Falastiin (UNRWA), oo Israa’iil ay ku cadaadinayso in ay is-casisho: “Tani miyaanay caqli xumo ahayn?”

“Immisa jeer ayaad maqashay hoggaamiyeyaasha ugu caansan iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee adduunka oo sheegaya in dad aad u tiro badan la laayo?” Borrell ayaa yidhi.

Diblomaasiga ugu sareeya Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhaleeceeyay go’aanka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu ee “ka qixinta” in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo gabaad ka dhigtay magaalada Rafax ee Qasa, iyadoo la eegayo khatarta howlgalka ciidamada Israa’iil ee halkaas ka socda.

“Waxay ka bixi doonaan gobolka,” Borrell ayaa yidhi. “Xagee? Ilaa dayaxa? Xaggee dadkan loo rarayaa?

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Jabhadda Amxaarada Oo Kaabiga Ku Haya Addis ababa

Heemaal

Dagaalyahanada Xisbullah Oo 60 Gantaal ku Garaacay Gudaha Israel.(Sawirro)

Heemaaln

Dagaalka Gaza Oo Laga Cabsi Qabo inuu Galaafto Mustaqbalka Madaxweyne Biden

Heemaaln