Tartanka loogu jiro horumarka laga sameynayo hawada sare ayaa ah mid xowli ku socda una dhaxeeya waddamada horumaray.
Tartankana waxaa ka dhashay riyada ah in dayaxa dushiisa la dago oo deegaanno dadku ay degi karaan laga sameeyo.
Waxaana markii ugu horreysay dayaxa la gaaray 13-kii September, 1959-kii dayax gacmeedki ugu horreeyey oo halkaa tagay oo ay lahayd Midowgii Soofiyeeti uu ahaa Luna 2.
Xilliga rasmiga ah uu adanuhu dayaxa degi doono inkasta oo aan la sheegin haddana waddamadu waxay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay riyadaasi mar un u rumeyn lahaayeen.
Tartanka looga jiro dayaxa in la dego
Muddo 50 sana ah ayaa laga joogaa marki uu Neil Armstrong oo ahaa cirbixiyeenkii ugu horreeyey oo dayaxa cagta saaray.
Dayax gacmeedkii xigay ee dayaxa gaaray wuxuu ahaa Apollo 11 oo bishii July 1969-kii.
Mashaariicda dayax gacmeedyada hawada sare loo diro oo u baahan miisaaniyad iyo khubaro aad u badan waxaa si weyn ugu tartamaya waddamada dunida ugu hormarsan.
Waddaamada ilaa iyo hadda ku guuleystay iney dayaxa tagaan iyaga oo sidan u kala horereyo waxaa ka mid ah Ruushka, Mareykanka, Japan, Wakaaladd Hawada sare ee Yurub, Shiinaha, Hindiya, Luxemberg iyo Israa’iil.
Mashaariicda hawada sare iyo sameynta dayax gacmeedyada oo u baahan dhaqaale aad u badan waddamada dhaqaalahoodu hooseeya ama saboolka ah waa ay ka maqan yihiin loollanka hawada sare.
Tusaale ahaan NASA miisaaniyaddeeda sanadka 2022 waa 24 balyan oo dolar, hay’adda Yurub ee ESA 8.2 balyan oo doolar, Hay’adda Hawada sare ee Ruushka 2.9 nalyan oo dolar, halka Shiinahana uu sanadkii ku bixiyo miisaaniyad dhan 8.9 balyan oo dolar.
Dayaxa maxaa laga dhisayaa?
Sida lagu sheegay daraasaad kala duwan oo lagu sameeyey dayaxa iyo sida bani’aadamku uu u degi karo waxaa lagu sheegay iney suuragal tahay aadanuhu inuu halkaasi dego maadaama la soo sahmiyey lana ogaday in biyo laga heli kara.
Balse waxaa isweydiin leh deegaanka dayaxa laga dhisayo ee aadanuhu degi doono waa noocee?
Su’aashaasi waxaa ka jawaabaya Johann-Dietrich Woerner oo ka tirsan hay’adda hawada saree e Mareykanka NASA.
“Deegaannada laga dhisayo dayaxa oo ay dadku degi doonaan ma aha guriyo, kaniisado ama dhismayaal magaalo. Tuulada Dayaxa waxay ka dhigan tahay waa meel shurako lagu yahay oo ay ku nool dad ka kala socda daafaha dunida oo adeegsanaya hawlgallada robot-ka iyo cirbixiyeennada taageerana ka helayo isgaarsiinta satalaytka,” ayuu yiri Johann-Dietrich Woerner.
Waxaana la wadaa ayuu yiri cilmi-baarisyo iyo sahan lagu ogaanayo dadka dayaxa dagi doono sidii ay tamarta qorraxda u isticmaali lahaayeen.
Shirkada waaweyn oo kuwa macdanta soo saara ayaa iyaguna doonaya iney macdan ka baaraan dayaxa.
Waxyaabaha ay shirkadahaasi doonayaan iney dayaxa ka qodaan waxaa ugu muhiimsan Biyaha, Dahabka, Palatinum iyo Macdan kale oo dhulka naadir ku ah oo dayaxa laga helo.
1969-kii markii ugu horreysay oo dyaxa la gaaray lama daneyneyn macdan in dayaxa laga helo balse fikirka wuxuu yimid markii la sameeyey baaritaanno qoto dheer oo daba socday cirbixiyeenno badano o halkaasi gaaray kana soo qaaday qeyba ka mid ah macdanta dayaxa laga helo.
Qaramada Midoobay markii ay aragtay tartanka xooggan ee waddamada caalamka ay ugu jiraan kheyraadka macdanta 1979-kii waxay diyaarsiay heshiis ay u hoggaansamayaan dhammaan waddamada dayaxa gaaray.
Waxaana heshiiska lagu sheegay kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo dayaxa iney aadanaha oo dhan wada leeyihiin oo cid gaar ah ay sheegan karin.
Heshiiskasi wali ma aysan saxiixin waddamada safka hore ugu jiro sahminta hawada sare sida Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka.