Heemaal News Network

Maraykan Oo Sheegay In Ay gantoo Iyo Dayaarado Weerar Ku Ahaa Markiib ay Burburiyeen

Ciidamada Maraykanka ayaa saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ku soo riday meel u dhow maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, waxayna burburiyeen toddobo gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah oo yaalay dhulka, sida uu sheegay milatariga Maraykanka.

Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Iran ayaa bartilmaameedsanaya maraakiibta muddo bilo ah, weerarradooduna waa ay sii socdeen in kasta oo Maraykanka iyo Ingiriiska ay soo noqnoqdeen duqeymo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda Xuutiyiinta oo khatar ku ah marinka ganacsiga caalamiga ah ee muhiimka ah.

Gelinkii hore ee Jimcihii, ciidamada Maraykanka ayaa lagu soo riday saddex weerar oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen meel u dhow dhowr maraakiib ganacsi oo marayey badda cas.

Bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee shalay, CENTCOM waxay ku sheegtay in ciidamada Maraykanku ay burburiyeen “toddobo gantaal oo kuwa dagaalka ah oo ay Xuuthiyiinta oo loo diyaariyey inay lagu weeraro dhanka badda cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maraykanka Oo Cunaqabataymo Cusub Ku Soo Rogay Ruushka

Heemaal

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Heemaal

Turkiga: Maraykanku Wuxuu Ku Cayarayaa Dab, Holac Ayuuna Isku Badali Karaa

Heemaal