Cumaan iyo Iiraan ayaa wadahadallo ka yeeshay sidii loo fududeyn lahaa marinka maraakiibta ee Strait of Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Cumaan.
Wadahadalladan ayaa imanaya xilli marinkaasi muhiimka ah uu si weyn u xirmay, kadib dagaalka ka socda Bariga Dhexe, taasoo si toos ah u saameysay isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Inkasta oo xayiraado badan ay weli jiraan, wararku waxay tilmaamayaan in maraakiib gaar ah—gaar ahaan kuwa aan la xiriirin dalalka colaadda ku lugta leh—loo oggolaaday inay si xadidan uga gudbaan marinka Strait of Hormuz.
Trump oo u Muuqda in Dhiiga lagu Kiciyey ayaa soo Qoray Sidani;
Trump oo markale digniintii ugu dambeysay u direy Iiraan ayaa sheegay hadii aysan furin marinka Hormus inuu u diri doono cadaabta. Trump wuxuu sheegay fursada kaliya ee Iiraan haysato iney tahay iney furto marinka Hormus inta ka horeysa Salaasada.
“Maalinta Talaadada dalka Iiraan halmar ayaa wax weliba ay dhici doonaan; waxay noqon doontaa Maalinta Warshadda Korontada iyo Maalinta Buundada. Burburkaasi waxaa uu noqon doonaa mid aan horay loo arkin. Madaxweyne DONALD J. TRUMP
Warbaahinta Iiraan oo soo bandhigtay diyaaraddii laga burburiyay Mareykanka
Warbaahinta Iran ayaa shaacisay sawirro muujinaya burburka diyaarado lagu burburiyay intii lagu jiray hawlgalkii samatabbixinta ee duuliye-ku-xigeenka diyaaradda F-15E Strike Eagle.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, intii lagu guda jiray hawlgalkan, laba diyaaradood oo xamuul ah oo loo qorsheeyay inay qaadaan ciidamada gaarka ah iyo duuliyaha ayaa la kulmay dhibaatooyin. Sida uu qoray waregyska The New York Times, ciidamada Maraykanku waxay “burburiyeen laba diyaaradood oo naafoobay si looga hortago inay gacanta u galaan Iran.”
Sida uu sheegay saldhigga cirka ee Khatam al-Anbia Air Base, “diyaaradaha cadowga ee soo galay hawada ayaa lagu duqeeyay koonfurta Isfahan,” oo ay ku jiraan laba helikobtar oo nooca Black Hawk ah iyo diyaarad xamuul milatari oo C-130 Hercules ah.”

Iran oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo baadigoobka ku jirtay
Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warramaysa in ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, xilli ay baadi goob ugu jirtay diyaaradda la la’yahay.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars.
Wararkan weli ma xaqiijin Maraykanku.
Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa muujinaysa in Mareykanku uu si ballaaran u adeegsaday gantaallada casriga ah ee JASSM-ER intii uu socdo dagaalka Iran. Gantaalladan oo ah nooca qarsoon (stealth) ayaa loo adeegsaday weerarrada fog, iyagoo door muhiim ah ka ciyaaray howlaha militari.
Warbixintu waxay sheegaysaa in in ka badan 1,000 gantaal la isticmaalay bishii ugu horreeyay, taasoo si weyn u dhintay kaydkii hore oo gaarayay qiyaastii 2,300 gantaal. Hadda waxaa la qiyaasayaa in ay u harsan yihiin oo keliya ku dhowaad 425 gantaal, kuwaas oo ku soo dhamaan kara wax ka yar todobaadyo.
Arrintan ayaa dhalisay walaac ku saabsan awoodda mustaqbalka ee Mareykanka, maadaama gantaalladan laga soo qaaday kaydad kala duwan oo caalamka ku kala yaaala kuwaas oo logu talagalay xaalado kale oo dagaal. Sidoo kale, dib-u-soo saarista JASSM-ER waxay qaadan kartaa sanado, taasoo saameyn karta diyaar-garowga militari ee mustaqbalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ku joogi doono muddo saddex maalmood ah.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha, iyo horumarinta dowladnimada guud ahaan dalka.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageerada dowlad-dhiska. Wuxuu si gaar ah u xusay in hoggaanka dhaqanku uu yahay tiir muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo Odayaasha si loo gaaro horumar waara.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la wadaagay Odayaasha qorshayaasha dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, amniga, iyo kobcinta dimuqraadiyadda, isaga oo ku booriyay in ay door firfircoon ka qaataan hirgelinta qorshayaashaas.
Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo muddada uu ku sugan yahay Baydhabo, iyaga oo ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay la shaqeynta bulshada deegaanka. Waxay sidoo kale muujiyeen garab istaagooda buuxa ee ku aaddan dadaallada dowladda Federaalka ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee Madaxweynaha ee Baydhabo, kaas oo socon doona saddex maalmood, lana filayo in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka si loo xoojiyo iskaashiga iyo horumarka gobolka.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu Jimcaha soo gaari doono gudaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka ee badda.
“Jimcaha, markabkeena Çağrı Bey wuxuu imaan doonaa Soomaaliya. Markabkan ayaan ku bilaabi doonaa howlgalka qodista badda ee ugu horreeya ee Soomaaliya. Insha Allah,” ayuu yiri Bayraktar,
Wasiirka Tamarta Turkig aya sheegaya in shidaalka ay kasoo saaraan Soomaaliya ku fulin doonnaan mashruuc ay si weyn uga faa’iideyn karaan Soomaaliya, Bariga Afrika, iyo dalka Turkiga.
Markabkan cusub ee qodista qoto-dheer ayaa 15-kii Febraayo 2026 ka ambabaxay gobolka koonfureed ee Mersin, isagoo ku wajahnaa Soomaaliya si uu u bilaabo howlgalka qodista shidaalka badda.
Bayraktar ayaa sidoo kale sheegay in markabkan uu yahay kii labaad ee Turkigu geeyo biyaha Soomaaliya, isagoo xusay in uu ka dambeeayay markabka Oruç Reis. Waxa uu intaas ku daray in Çağrı Bey uu yahay markabkii ugu horreeyay ee qodis ah oo Turkigu ka hawlgeliyo meel ka baxsan biyihiisa.
Türkiye, ayaa la leh Soomaaliya iskaashi xooggan oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa sanadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo is-afgarad oo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga.
Gantaal ka yimid Iran ayaa si weyn u waxyeelleeyay warshad soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), taasoo ku taalla magaalada Petah Tikva, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed.
Warshadda oo ay leedahay shirkadda Aero Sol Aviation Solutions ayaa la sheegay inay soo saarto qalabyo muhiim u ah ciidamada difaaca Israel, oo ay ku jiraan drones, qaybo ka mid ah hubka iyo qalabka duuliyeyaasha. Weerarka gantaalka ayaa sababay burbur ballaaran oo gaaray xarunta wax soo saarka.
Warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamaya in gantaalku ku dhacay meel aad ugu dhow warshadda, taasoo keentay in qayb ka mid ah awoodda wax soo saar si buuxda u istaagto.
Inkasta oo khasaaraha uu yahay mid culus, shirkadda ayaa sheegtay in ay dadaal ku bixinayso dib u soo celinta howlaha sida ugu dhaqsaha badan, inkastoo aan weli si cad loo ogeyn goorta ay si buuxda dib ugu bilaaban karto shaqadeeda.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Israel ay sii kordhayso, iyadoo warshadaha difaaca iyo kaabayaasha muhiimka ah ay noqdeen bartilmaameedyo istaraatiiji ah oo labada dhinac ay isku beegsanayaan.
Dhanka kale Iiraan ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarado Mareykan ah oo ay ku jiraan Lockheed C-130 Hercules iyo laba Sikorsky UH-60 Black Hawk intii lagu jiray howlgal lagu badbaadinayay duuliyihii diyaarad la soo riday.
Khatam al-Anbiya Central Headquarters ayaa sheegay in diyaaradaha lagu burburiyay koonfurta Isfahan, halka Mohammad Ghalibaf uu ku tilmaamay arrintan guul milatari.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, iyadoo Mareykanku ka digayo weerarro cusub oo soo socda.
Ciiddamada Mileteriga Somaliland ee ku sugan deegaannada Awdal iyo Selel ayaa halkaas ka wada dedaallo lagu xoojinayo nabadda iyo gacan siinta dadka nabadda ku hawlan iyo weliba in la xakameeyo colaadihii sokeeye ee deegaannadan ka dhacay.
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Gaaxnuug oo deegaannadan ku sugan ayaa ciidanka amar ku siiyey in ay si dhab ah uga shaqeeyaan in deegaamadan aanu ka dhicin dagaal dambe oo beeleed.
Tallaabooyinka ilaa hadda ciidanku qaadeen ee wax kaga qabteen xiisadda taagan waxa ka mid ah.
1: In ay joojiyeen gurmad kasta oo u kala socon kara deegaannada colaaddu ka taagan tahay.
2: In ay ciidanku ka hawl galeen goobihii shaqaaqadu ka dhacday.
3: In ay si toos ah xidhiidh ula yeesheen cuqaasha iyo madax-dhaqameedka deegaannadaas taas oo keentay in nabaddu ka soo dhawaato sidii hore.
4: In la yareeyo isku dhaca iyo iska hor imaadka beelaha dhex mari kara.
5: Deegaannada oo laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato ama lagu dhex isticmaalo.
Tallaabooyinkan ayaa sabab u noqday in beeluhu hadda ku baaqaan nabadd, kalsoonina siiyaan dedaallada nabadda lagu xoojinayo
Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu soo badbaadiyo labadii xubnood ee saarnaa diyaarad dagaal oo nooca F-15E S ah oo lagu soo riday gudaha Iran, iyadoo xubintii labaad la helay kadib howlgal qaatay maalmo dhowr ah.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen mid ka mid ah howlgaladii raadinta iyo badbaadinta ugu halista badnaa taariikhda Mareykanka, isagoo intaas ku daray in sarkaalka la badbaadiyay uu hadda nabad iyo caafimaad qabo.
Xubintii koowaad ee diyaaradda saarneyd ayaa hore loo soo badbaadiyay, halka tan labaad laga helay meel ka dambeysa khadadka cadowga, kadib howlgal si heer sare ah loo isku dubbariday oo ay ku lug lahaayeen tobanaan diyaaradood iyo ciidamo gaar ah ayuu yiri Trump.
Trump, wuxuu heshiis la gaaray Iiraan oo ku beddelatay badbaadinta duuliyaha Mareykanka , inaan la beegsan bartilmaameedyo muhiim ah ee gudaha Iiraan, tan iyo xalayna waxay Iiraan warbaahinta ka saartay in laga hadlo arrinta duuliyaha oo Trump u arkayay haddii Iiraan nolol ku soo badhigto inay noqonayso burburka mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse lama sheegin cidda dhex dhexaadisay, xilli horey ay Iiraan u diiday xabbad-joojin 48 saac ah oo Mareykanka uu ku doonayay in duuliyahan lagu soo badbaadiyo, sida ay werisey warbaahinta Ruushka oo ay ku jirto wakaaladda TASS.
Warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios ayaa dhankeeda xaqiijisay inay Iiraan , waqti hore oggaatay halka uu duuliyaha ku dhuumanayo.
HH: Ozempic waa daawo casri ah oo loogu talagalay xakameynta sonkorta dhiigga ee dadka qaba macaanka nooca 2-aad. Waxay ka samaysan tahay semaglutide ( Semaglutide waa magaca sayniska ee daawada), nooc hormoon ah oo dabiici ahaan jidhku soo saaro oo lagu magacaabo GLP-1 (Glucagon-Like Peptide-1). Semaglutide wuxuu jidhka ka caawiyaa in uu kordhiyo soo saarista insulin marka sonkorta dhiiggu sarreyso, yareeyo soo saarista glucagon, iyo inuu dhimo rabitaanka cuntada, taasoo ka caawisa dhimista miisaanka.
Ozempic waxaa lagu qaataa iskuul todobaadle ah, waxaana qiyaasta lagu bilaabaa 0.25 mg si jidhku ula qabsado. Qiyaastaasi waxay ka caawisaa dhimista falcelinta jirka oo ka timaada caloosha. Kadib, si tartiib ah ayaa qiyaasta loo kordhiyaa: 0.5 mg, 1 mg, iyo mararka qaarkood 2 mg, iyadoo kordhintu ay ku xiran tahay sida uu jidhka bukaanku uga jawaabayo daawada. Qiyaasta sare waxay bixisaa xakameyn sonkor oo wanaagsan, laakiin waxay kordhisaa suurtagalnimada lallabbo, matag, calool xanuun, iyo dhibaatooyinka kelyaha.
Ozempic waa daawo la isticmaali karo muddo dheer, laakiin kormeer dhakhtar ayaa muhiim ah si loo hubiyo saameynta kelyaha, heerka sonkorta dhiigga, iyo miisaanka. Bilowga iyo kordhinta qiyaasta waxaa lagu talinayaa in lagu sameeyo iyadoo la raacayo talada caafimaad ee joogtada ah.
Daawada Ozempic waxaa badanaa lala qaataa daawooyinka kale ee macaanka sida metformin, sulfonylureas, iyo insulin, iyadoo la socodka hoos u dhaca sonkorta dhiigga uu muhiim yahay. Waxaa looga baahan yahay taxaddar dheeraad ah marka lala qaadanayo daawooyinka saameeya kelyaha ama hormoonada caloosha, waxaana aan lagu talin dadka qaba macaanka nooca 1-aad ama taariikhda thyroid cancer medullary.
Ozempic waxay bixisaa fursad cusub oo dadka qaba macaanka nooca 2-aad ay ku xakameyn karaan sonkorta dhiigga isla markaana ku yareyn karaan miisaanka, iyadoo si tartiib tartiib ah looga hortagayo dhibaatooyinka dhinaca ah ee suurtogalka ah.
| Qiyaasta | Isticmaalka | Faa’iidooyinka | Dhibaatooyinka / Astaamaha | Kormeerka dhakhtarka |
|---|---|---|---|---|
| 0.25 mg/iskuul (bilow) | Bilowga | Jirka wuu la qabsadaa, yareynta suuxinta caloosha | Lallabbo, matag, calool xanuun, shuban | Bilowga, kadib 4–8 toddobaad si loo qiimeeyo dulqaadka |
| 0.5 mg/iskuul | Qiyaasta lagu daaweeyo inta badan | Xakameynta sonkorta dhiigga, caawimaad miisaanka | Lallabbo ka sii xoog badan, matag, matag, shuban, calool istaag | Qiimeyn sonkor dhiig, cadaadis dhiig, miisaanka bil kasta ama laba bilood |
| 1 mg/iskuul (qiyaas sare) | Haddii 0.5 mg aysan ku filneyn | Xakameynta sonkorta dhiigga oo sare, miisaanka oo sii dhima | Dhibaatooyin caloosha oo xooggan, matag, lallabbo, dareen daal, mararka qaar kelyo saameyn | Qiimeyn joogto ah, ka fiirso kelyaha iyo heerka sonkorta |
| 2 mg/iskuul | Qaar ka mid ah bukaannada | Sonkorta dhiigga oo aad u wanaagsan, miisaanka oo sii dhima | Astaamaha hore oo xooggan, halista pankreasa ama kelyaha | Kormeer joogto ah, baaritaan sonkor iyo kelyo |
Heamaal Health
HNN: Hawlgalikii badbaadinta ee ka socotay buuraha Iiraan waa ay dhammaatay, sida uu sheegay Trump, kaas oo ammaanay “mid ka mid ah hawlgalladii ugu halista badnaa ee taariikhda Mareykanka.”
– GACANTA AYAAN KU DHIGNAY! Muwaadiniinteeyda Mareykankow, saacadihii la soo dhaafay milateriga Mareykanka waxay fuliyeen mid ka mid ah hawlgalladiisii ugu halisata badnaa ee baadi-goob iyo badbaadin ee taariikhda dalkeenna, ayuu madaxweyne Donald Trump ku qoray Truth Social habeennimadii Axadda.
Wuxuu sidaas ku xaqiijiyay in la soo badbaadiyay duuliyihii ka maqnaa diyaaraddii F-15 ee lagu soo riday Iiraan maalintii Jimcaha. Sida uu sheegay Trump, qofka la soo badbaadiyay waa “Korneyl si weyn loo ixtiraamo” kaas oo hadda la sheegay inuu “caafimaad qabo oo nabad qabo.”
– Dagaalyahankan geesiga ah wuxuu ku sugnaa goob ay cadowgu maamulaan oo ku taal buuraha khatarta ah ee Iiraan, waxaana eryanayay cadowgeenna oo ku soo dhowaanayay saacad kasta, ayuu qoray madaxweynuhu.
Sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Mareykan ah oo ay la hadashay Axios, waxay qaadatay in ka badan maalin in la helo lana soo badbaadiyo duuliyaha maqnaa. Ninka maqnaa ayaa la helay goobta u uku sugnaa maalintii Sabtida, waxaana hawlgal ballaaran oo badbaadin ah la billaabay habeennimadii Axadda.
Isla mar ahaantaana, Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) waxay ciidamo u direen aagga si ay u horjoogsadaan in Mareykanku la baxo isaga. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerarro ku qaaday ciidamada Iiraan si ay uga joojiyaan inay gaaraan goobta, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Hawlgalka badbaadinta waxaa fuliyay cutub gaar ah oo ka tirsan kumaandooska iyadoo la helayo taageero dhanka hawada ah oo aad u ballaaran. Dhammaan ciidamadii Mareykanka ayaa hadda la sheegay inay ka baxeen Iiraan.
Jimcihii ayaa diyaarad dagaal oo Mareykan ah oo nooceedu yahay F-15 lagu soo riday dalka Iiraan. Labadii qof ee saarnaa ayaa ka booday ka hor intaysan diyaaraddu dhicin. Muddo yar ka dib, mid ka mid ah duuliyeyaasha ayaa lagu soo saaray hawlgal badbaadin oo halis ahaa , halkaas oo hal diyaarad iyo laba helikobtar oo Mareykan ah lagu dhuftay rasaas.
Xubintii labaad ee shaqaalaha diyaaradda ayaa weli maqnayd. Saacadihii xigay, waxay isku beddeshay tartan adag. Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa geeyay ciidamo, waxayna si nidaamsan u baarayeen aagga. Isla mar ahaantaana, gudoomiye gobol oo Iiraani ah ayaa ballanqaaday abaal-marin cid kasta oo “soo qabata ama disha ciidamada cadowga.” Kanaal TV oo Iiraan ah ayaa sidoo kale u soo bandhigay “abaal-marin qaali ah” dadka rayidka ah ee soo qabta duuliyaha isagoo nool.
Khubaro dhanka dagaalka hawada ah ayaa sheegay in duuliye Mareykan ah oo nool uu guul borobogaandho u noqon lahaa Iiraan, iyagoo u adeegsan lahaa gorgortan ka dhan ah Mareykanka.
Sida ay sheegtay Axios, madaxweynaha iyo la-taliyayaashiisa ugu dhow ayaa hawlgalka badbaadinta kala socday qolka xaaladaha degdegga ah (Situation Room) ee Aqalka Cad.
Trump ayaa qudhiisa ku qoray Truth Social sida hoggaanka sare ay si dhow ula socdeen hawlgalka.
– Taliyihiisa guud, wasiirka dagaalka (gaashaandhigga), taliyaha ciidamada iyo saaxiibbadiisii askarta ahaa waxay la socdeen saacad kasta, waxayna si taxaddar leh u qorsheeyeen sidii aan gurigiisa ugu soo celin lahayn, ayuu qoray madaxweynuhu.
Wuxuu sheegay inuu bixiyay amar ah in la diro “tobaneeyo diyaaradood oo ku hubeysan hubka ugu dhimashada badan adduunka” kuwaas oo galay Iiraan. Duuliyaha ayaa la sheegay inuu dhaawacmay, laakiin “si buuxda ayuu u bogsan doonaa,” sida uu sheegay Trump.
– Tani waa markii ugu horreysay ee xusuusta milateriga ee laba duuliye oo Mareykan ah la soo badbaadiyo, iyagoo kala fog, oo ku dhex jira dhulka cadowga, ayuu qoray. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in labada hawlgal ee badbaadinta lagu fuliyay iyadoo aan hal Mareykan ah la dilin ama la dhaawicin.
– Tani waxay mar kale caddeynaysaa inaan gaarnay gacan-sarrayn buuxda oo dhanka hawada ah iyo awood ka sarreysa cirka Iiraan, ayuu qoray.
Heemaal News Network.
Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.
