Thursday, April 30, 2026

Guddiga Doorashada Qaranka oo Qaadacay Magacaabistii Uu Sameeyay Gud.Mungaab

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen si adag uga hor yimid tallaabo kasta oo khilafsan dastuurka cusub iyo sharciga doorashooyinka qaranka, xilli Duqa Magaalada Muqdisho, Xassan Maxamed Xuseen (Mungaab), uu magacaabay guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa sheegay inaan la aqbali doonin talaabo kasta oo si toos ah uga hor imaanayso habraacyada iyo xeerarka doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobada dastuurka iyo sharciga doorashooyinka ee dhigaya in xilalka noocaas ah lagu saleeyo hannaan doorasho oo hufan.

War-saxaafadeedka GMDQS ayaa lagu xusay in tan iyo markii la ansixiyay sharciyada doorashooyinka, gaar ahaan heshiisyadii iyo habraacyadii ugu dambeeyay ee lagu dhisay nidaamka dimuqraadiyadda, aysan jirin cid awood u leh inay si toos ah u magacowdo masuuliyiinta heer degmo, iyada oo aan loo marin hannaan doorasho.

Sidoo kale guddiga ayaa caddeeyay in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay hadda xilka hayaan ay ku yimaadeen si kumeel gaar ah, isla markaana mas’uuliyadooda ugu weyn ay tahay diyaarinta iyo fududeynta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo.

“Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee hadda xilka haya waxay ku jiraan marxaladda xilgaarsiinta, mas’uuliyadooduna waxay ku egtahay inta laga soo dooranayo guddoomiyaasha iyo ku[1]xigeennada degmooyinka, sida kor ku xusan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu caawa soo saaray guddiga doorashooyinka.

“Talaabo kasta ee Maamul oo kahor imaaneysa Dastuurka JFS iyo sharciga doorashooyinka qaranka waa mid aan sal sharci lahayn, waxaana aan ka badaleynin dhamaystirka dhismaha maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka

GMDQS waxay ku boorisay dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan maamulka Gobolka Banaadir, inay u hoggaansamaan dastuurka iyo sharciyada dalka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo carqaladeyn karta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hufnaanta doorashooyinka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah u doortaan hoggaankooda, iyagoo ka digay in tallaabooyin aan sharciyeysnayn ay dib u dhigi karaan horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka.