Heemaal News Network

Xisbilah Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Israiila Oo Isku Diyaarinayey Dagaal

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ay gantaallo la beegsadeen askarta Israa’iil xilli ay isku diyaarinayeen weerar ay ku qaadaan Lubnaan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xisbullah, askartan ayaa isku diyaarinayay weerar ay ku qaadaan dhulka Lubnaan iyagoo ka soo duulay saldhig ay ciidamada Israa’iil ku leeyihiin waqooyiga dhulka la haysto, waxaana gantaallo lala beegsaday meel u dhow gobolka xadka ay wadaagaan.

Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa inuu  geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dhinaca Israel.

Xiisada ka taagan xadka Lubnaan ay la wadaagto Israa’iil ayaa cirka isku sii shareertay iyadoo ay isweydaarsanayaan rasaas ka soo gudubta xadka u dhaxeeya Xisbullah iyo ciidamada Israa’iil.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Walaxaha Qarxa Oo Laga Helay Bannaanka Safaaradda Israel Ee Stockholm Ee Sweden

Heemaaln

Masar Oo Go’aansatay In Ay Safiirkeega Kala Soo Baxdo Israel

Heemaal

US Oo Xaqiijiyey In Israel Ku Dishay Qof Maraykan Ah Daanta Galbeed

Heemaal