Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

“Ciisaha Deegaanka Isma-hayno Ee Waxaa Nagu soo Duulay Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti.”Odayasha Borama

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump “Canada lama Qabsan karo, Lagamana Dhigi karo Gobol Mareykan ah.”Iyo Imaaraadka

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Trump wuxuu sheegay inuusan duullaan ku qaadi doonin dalka Canada, wuxuuna ka noqday hadalladii hore ee ku saabsanaa inuu Canada ka dhigayo gobolka 51-aad ee Mareykanka.

Trump wuxuu sheegay in Canada ay leedahay taariikh dheer oo 200 sano ah, sidaas darteedna aysan fududeyn in la beddelo ama laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka.

“Istaraatiijiyadda Iran Waxay Xoojin-doontaa Doorka Maraykanka Ee Gacanka..” la Taliyaha Madaxwaynaha Imaaraadka.

nwar Gargash, la-taliyaha siyaasadda dibadda ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Iran ay mustaqbalka xoojin doonto doorka Maraykanka ee Gacanka, halkii ay ka dhimi lahayd.

Gargash oo ka hadlay shir jaraa’id ayaa yiri: Sidoo kale, waxaan arki doonaa kororka saameynta Israel ee Gacanka, ma aha hoos u dhac,” isaga oo carrabka ku adkeeyay in garabkooda amni ee ugu weyn uu yahay Maraykanka, waxaana sii xoojin doonaa xiriirka aan la leenahay.”

Fariintan ayaa muujinaysa sida Imaaraadka Carabta u arko khatarta iyo fursadaha siyaasadeed ee gobolka, iyo sida ay Maraykanka ugu arkaan xudunta ammaanka.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Golaha Amaanka Oo la Horgeeyay Qaraar ka Dhan ah Israel

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Golaha Qaramada midoobay ayaa la hor geeyay qaraar lagu doonnayay in lagu joojiyo dhul ballaadhsiga iyo deegamaynta ay ISR, ka waddo daanta Galbeed iyo meelo Suuriya ah.

Dalalka dunnida oo dhan ayaa qaraarka taageray oo u coddeeyay in ISRL, joojiso Deegamaynta iyo dhul ballaadhsiga. Laakin, saddex dal oo ay Itoobiya ugu wayntahay ayaa qaraarka kahor yimid, kuwaas oo taageray in ISRL, sii waddato Deegamaynta.

Ustaad Axmedin Jebel, oo kamid ah culimada Itoobiya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Itoobiya saxdo qaladkii ka dhacay. Wuxuu tilmaamay in arrintaas baadhitan lagu sameeyo. Sheekha ayaa sheegay in tallaabada noocasa ka dhigan tahay dhaxal warreejinta dhulka F*lastin.

Shacabka Yemen ayaa muujinaya cabsi sii kordheysa kadib markii Xuutiyiintu ku biireen dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka-Israa’iil.

Shacabka iyo ganacsatada ku nool magaalada Sanaa ayaa sheegay in xaaladda ay halis gelin karto noloshooda, iyagoo ka digay in haddii dagaalku sii fido ay la kulmi doonaan sicir-barar, shidaal yari iyo xaalad nololeed oo aad u adag.

Inkasta oo weerarrada Xuutiyiintu ay weli xaddidan yihiin, haddana dadka rayidka ah ayaa si weyn uga walaacsan cawaaqibka mustaqbalka iyo in dagaalku ku fido dalka.

Dawladda Zimbabwe ayaa dalkeeda ka joojisay in la keeno dharka la soo isticmaalo ee Huudhaydhka loo yaqaanno kaas oo laga soo dhoofiyo waddamada dibadda.

Zimbabwe ayaa sheegtay in ay tan u samaysay si ay u xoojiso wershadaha dharka ee dalkaas ku yaalla kuwaas oo waxba laga iibsan waayey maaddama oo dadka badankoodu dharka ka soo naqaystaan dhinaca Hudhaydhka.

Warbixin uu daabacay wargeyska The African Reporter ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Zimbabwe qaaday noqonayso mid saamaysa dadka dan yarta ah ee waddankaas ku dhaqan kuwaas oo aan awoodin in ay soo iibsadaan dharka kale ee qaaliga ah.

Dharka la soo isticmaalo ayaa si weyn looga adeegsadaa qaaradda Afrika waxana mararka qaar la sheeg in uu tayo ahaan ka wanaagsan yahay qaybo ka mid ah dharka iyaga oo cusub oo qaaradda loo soo dhoofiyo.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xasan Sheekh: “Shacabka waxay Heli doonaan Xuquuqdooda Doorasho”(Sawiro)

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu wehliyo Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo ay haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda, iyo dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay qorshaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah, isaga oo tilmaamay in Koonfur Galbeed ay noqon doonto dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee dalka laga hirgeliyo nidaamka doorasho ee Qof iyo Cod.

“Waxaan ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in ay si toos ah u doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhankiisa, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada ku nool Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is-ixtiraamka iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimo iyo iskaashi.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyey in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku baaqay in laga gudbo khilaafaadkii hore si loo dhiso mustaqbal mideysan oo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Somaliland oo ka Jawaabtay Hanjabaaddii kooxaha Xuutiyiinta Yemen uga Timid

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Somaliland oo ka jawaabaysa hanjabaaddii kooxaha Xu*tiyii*ta ee Yemen ayaa sheegtay in aanay jirin sabab looga walwalo khatar ay kala kulmi karto kooxdaas.

“Ma jirto sabab looga walwalo khatar ka iman karta kooxahaas, maxaa yeelay annagu qayb kama nihin dagaalkan. Waxaan aaminsanahay in Somaliland ay leedahay sumcad nabadeed,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Khadar Looge oo la hadlay wargeyska The Times.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu ka hadlay wararka ku saabsan suurtagalnimada joogitaanka ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil ee Berbera, isagoo sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo ilaa hadda la gaadhay.

Wuxuuse hoosta ka xariiqay in Somaliland ay u furan tahay fursad kasta oo dan u ah qaranku.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Esmaeil Baghaei oo ka hadaly waanwaanta laga waddo dagaalka Barriga dhexe

by Heemaal April 6, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Af-hayeenka Esmaeil Baghaei ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii sheegay in Tehran ay leedahay dalabyo ku saleysan danaha qaranka, kuwaas oo horay loogu gudbiyay kooxda dhexdhexaadinta.

Isla markaana, wuxuu meesha ka saaray dalabyadii hore ee Maraykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar “xad-dhaaf ah”.

“Iiraan kama labalabeyso inay si cad u muujiso waxa aan u aragno dalabyadayada sharciga ah. Tani waa inaan loo fasirin calaamad tanaasul ah, balse waa mid ka turjumaysa kalsoonida aan ku qabno difaacidda mowqifkayaga,” ayuu yiri Baghaei.

Af-hayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in wadahadalladu ay yihiin “kuwo aan la jaanqaadi karin digniinaha kama dambeysta ah (ultimatum) iyo hanjabaadaha la xiriira geysashada dambiyo dagaal”.

“Waxaan diyaarsannay jawaabahayaga noo gaarka ah,” ayuu yiri isagoo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay suxufi Iiraani ah oo ku saabsanayd dadaallada socda ee lagu doonayo in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo Iiraan iyo Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dib u dhigay waqtigii loogu talagalay mid ka mid ah digniinihiisii dhowrka ahaa ee uu ku dalbanayay heshiis. Haddii Iiraan ay oggolaan weydo xabbad-joojinta, Trump wuxuu ugu hanjabay inuu dalkaas u duqeyn doono sidii uu ugu celin lahaa “waagii dhagaxa.

Heemaal News Network

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan oo dhaleecaysay Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA)

by Heemaal April 6, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Iiraan ayaa dhaleeceysay Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA), iyadoo ku eedeysay inay muujisay ficil la’aan, isla markaana ka digtay khatar sii kordheysa kadib weerarro lagu qaaday xarumaheeda nukliyeerka.

Warqad loo diray agaasimaha guud ee IAEA, madaxa tamarta nukliyeerka ee Iiraan, Mohammad Eslami, ayaa ku sheegay in ficil la’aantu ay “dhiirrigelinayso gardarro” ka dhan ah xarumaha sida warshadda nukliyeerka ee Bushehr, sida ay werisay Reuters.

Sida uu sheegay Eslami, warshadda kaliya ee nukliyeerka ee shaqeysa ee Iiraan ayaa afar jeer la beegsaday. Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aaggaas wuxuu dhacay Sabtidii, waxaana lagu dilay hal askari oo amniga ka tirsan, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu ka digay in weerarrada noocaas ah ay keeni karaan sii-deyn walxo shucaac leh oo ka yimaada reaktar shaqeynaya, taas oo leh “cawaaqib aan dib loo sixi karin” oo ku wajahan dadka, deegaanka iyo dalalka deriska ah.

Eslami wuxuu ku tilmaamay weerarrada, jebin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, wuxuuna si kulul u dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “ficil la’aanta” hay’adda. Sida uu sheegay, muujinta walaac oo keliya ma filna, waxayna xitaa keeni kartaa in la dhiirrigeliyo weerarro cusub.

Heemaal News Network.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xabad joojin 45 maalmood ah oo dhexdhexaadiyashu u soo ban-dhigeen Iiraan

by Heemaal April 6, 2026
written by Heemaal 2 minutes read

HNN: Mareykanka, Iiraan iyo koox dhexdhexaadiyayaal goboleed ah ayaa ka wada hadlay shuruudaha xabbad-joojin suurtagal ah oo socon karta 45 maalmood, taas oo horseedi karta dhammaad joogto ah oo dagaalka ah, sida uu sheegay Axios.

Wakaaladda wararka ayaa soo xigatay afar ilo oo Mareykan, Israa’iili iyo kuwo goboleed ah oo aqoon u leh wadaxaajoodyada.

Mudadii kama dambaysta ahayd ee 10-ka maalmood ee uu Madaxweyne Trump u qabtay Iiraan ayaa la filayay inay dhammaato fiidkii Isniinta. Hase yeeshee, Axaddii Trump ayaa kordhiyay waqtiga 20 saacadood, wuxuuna u dhigay waqtiga kama dambaysta ah Talaadada saacadda 20:00 waqtiga Mareykanka.

– Waxaa jirta fursad wanaagsan, balse haddii aysan heshiis gelin, wax walba ayaan halkaas ku qarxinayaa, ayuu Trump u sheegay Axios Axaddii.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, fursadaha lagu gaari karo heshiis qayb ah 48-da saacadood ee soo socda waa yar yihiin. Si kastaba ha ahaatee, isku daygan ugu dambeeya ayaa ah fursadda keliya ee lagu joojin karo kacsanaan aad u weyn oo keeni karta weerarro ballaaran oo lagu qaado kaabayaasha rayidka ee Iiraan.

Sida ay sheegtay Axios, wadaxaajoodyadu waxay ku socdaan iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyayaal Pakistani, Masri iyo Turki ah, sidoo kalena waxaa jira farriimo qoraal ah oo la is dhaafsanayo oo u dhexeeya ergayga Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.

Xabbad-joojin 45 maalmood ah ayaa siin karta fursad wadahadallo diblomaasiyadeed oo dheeraad ah, waxayna suurtagal ka dhigi kartaa in xal waara laga gaaro khilaafka, sidaas waxaa aaminsan dhexdhexaadiyayaasha, maraykanka, iyo Israa’iil, balse iiraan ayaa aaminsan in uu yahay shiqool ay Israa”iil iyo Maraykanku ku raadsanayaan wakhti ay dib iskgu abaabulaan dagaal wayn, oo ay tahay in ay mar walaba weerari doonaan, hadii aan la gaarin heshiis buuxa oo xabad joojin ah.

Heemaal News Network.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Caafimaadka

Daraasaad: Saameynta Blueberry ee Xusuusta iyo Shaqada Maskaxda

by Heemaal April 6, 2026
written by Heemaal 4 minutes read

HH: Blueberry, miraha buluugga ah ee yaryar, waa mid ka mid ah miraha ugu nafaqada badan ee laga helo dhulka. Waxaa hodan ku ah antioxidants, fiber, iyo fiitamiinno muhiim ah sida vitamin C iyo K. Daraasado cilmiyeed oo kala duwan ayaa muujinaya in blueberries ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo fara badan, laga bilaabo wadnaha ilaa maskaxda, iyo ka hortagga cudurrada sida kansarka iyo sonkorowga.

Wadnaha: Blueberries waxay hodan ku yihiin antioxidants, gaar ahaan anthocyanins, kuwaas oo gacan ka geysta in la yareeyo oxidative stress iyo bararka (inflammation). Daraasado badan ayaa muujinaya in cunista blueberries ay kor u qaadi karto cholesterol-ka wanaagsan (HDL) isla markaana yareyso oxidation-ka LDL, taas oo hoos u dhigta khatarta cudurrada wadnaha. Tusaale ahaan, cilmi-baaris lagu daabacay Circulation (2007) ayaa tilmaamtay in cunista blueberries ay yareyn karto cadaadiska dhiigga dadka qaba prehypertension.

Kansarka: Antioxidants-ka ku jira blueberries waxay ka hortagaan waxyeelada DNA-ga, taas oo yareyn karta halista cudurrada kansarka. Daraasado cilmiyeed ayaa tilmaamay in anthocyanins-ka ku jira mirahaan ay joojin karaan koboca unugyada kansarka qaarkood, inkasta oo cilmi-baaris dheeraad ah loo baahan yahay si loo xaqiijiyo natiijooyinkan.

Macaanka: Blueberries waxay hagaajin karaan insulin sensitivity iyo habka metabolism-ka sonkorta, taas oo ka caawisa dadka qaba Type 2 diabetes. Cilmi-baarisyo dhowr ah ayaa muujinaya in cunista blueberries ay yareyso heerka sonkorta dhiigga kadib qadada.

Araga: Anthocyanins iyo antioxidants kale ee blueberries waxay ka hortagaan cudurrada la xiriira da’da, sida degeneration-ka macular, taas oo ka caawisa ilaalinta aragga.

Dheefshiidka: Blueberries waxay hodan ku yihiin fiber, kaas oo ka caawiya dheef-shiidka, yareeya calool-fadhiga, isla markaana taageera caafimaadka guud ee xiidmaha.

Xusuusta: Blueberries waxay leeyihiin awood lagu hagaajinayo xusuusta iyo feejignaanta maskaxda, gaar ahaan dadka waaweyn. Daraasad lagu sameeyey Journal of Nutrition (2010) waxay muujisay in dadka waaweyn ee cunay blueberries muddo 12 toddobaad ay muujiyeen horumar la taaban karo xagga xusuusta iyo feejignaanta.

Qaybtan waxaan si gaar ah uguga hadalaynaa xusuusta iyo daraaskii laga sameeyey.

Blueberry, miraha buluugga ah ee yaryar, ayaa caan ku ah hodantinimada antioxidants-ka, gaar ahaan anthocyanins. Daraasado badan oo cilmiyeed ayaa diiradda saaray saameynta mirahan ee maskaxda, gaar ahaan xusuusta, feejignaanta, iyo waxqabadka garashada ee dadka waaweyn. Faa’iidooyinkan waxaa lagu sharraxay iyadoo la eegayo habka antioxidants-ku u shaqeeyaan, yareynta bararka, iyo kor u qaadista socodka dhiigga maskaxda.

Daraasadaha dadka waaweyn
Daraasad caan ah oo lagu daabacay Journal of Nutrition sanadkii 2010 ayaa lagu sameeyey dadka waaweyn ee caafimaad qaba, da’doodu u dhaxayso 60 ilaa 75 sano. Ka-qaybgalayaasha ayaa loo qeybiyay laba kooxood: koox cunto blueberry powder ah (qiyaastii hal koob oo blueberries cusub u dhiganta) iyo koox placebo ah oo aan antioxidants lahayn. Daraasadda ayaa socotay 12 toddobaad, waxaana shaqada maskaxda lagu cabiray tijaabooyin xusuusta fiisigiska iyo executive function. Natiijooyinka ayaa muujiyey horumar la taaban karo oo xagga xusuusta iyo feejignaanta maskaxda ah ee kooxda blueberry-da, marka loo eego kuwa placebo.

Daraasadaha kale ee ku saabsan xayawaanka, sida jiirka, ayaa si qoto dheer u muujiyey in anthocyanins-ka blueberries ay kor u qaadaan neuroplasticity iyo hippocampal signaling, taas oo ah habka maskaxda u kobciso unugyada cusub ee xusuusta iyo barashada. Waxay sidoo kale yareeyaan calaamadaha bararka iyo oxidative stress-ka, kuwaas oo ah qodobo caadiyan dhaawaca maskaxda.

Habka Cilmiga ee Saameynta Maskaxd
Saameynta blueberries ee xusuusta waxaa ugu weyn anthocyanins, oo ah pigments buluug ah oo antioxidant ah. Waxay ka shaqeeyaan maskaxda iyagoo kordhiya socodka dhiigga maskaxda, gaar ahaan hippocampus, qaybta mas’uulka ka ah xusuusta iyo barashada. Sidoo kale, antioxidants-ku waxay yareeyaan bararka maskaxda iyo oxidative stress, taas oo ilaalisa caafimaadka neerfaha. Daraasado xayawaanka ah ayaa sidoo kale muujiyey in anthocyanins ay kordhiyaan BDNF (brain-derived neurotrophic factor), oo muhiim u ah koboca iyo hagaajinta unugyada maskaxda.

Xaddidaadaha iyo Tixgelinta
In kasta oo daraasadaha ay muujiyeen natiijooyin wanaagsan, haddana waxaa jira xaddidaadyo. Tirada ka-qaybgalayaasha qaarkood waa yar tahay, taasoo yareyneysa awoodda lagu gaari karo gunaanad guud. Qiyaasta blueberry powder-ka ee daraasadaha qaarkood ayaa ka duwan inta qofka caadiga ah uu cuni karo miraha cusub, taasoo macnaheedu yahay in natiijooyinka aysan si buuxda u tarjumayn saameynta miraha la cuno dabiici ahaan. Intaa waxaa dheer, natiijooyinka ugu xooggan waxaa laga arkay dadka da’da dhexe iyo waaweyn, taasoo muujinaysa in saameynta ay ku xirnaan karto da’da iyo xaaladda maskaxda ee ka-qaybgalaha.

Daraasyadii la sameeyay.

DaraasaddaNooca Ka-qaybgalayaashaTiradaQiyaasta BlueberryMuddadaNatiijooyinka Muhiimka ah
Miller et al., Journal of Nutrition, 2010Dad waaweyn oo caafimaad qaba2624 g blueberry powder/maalintii (~1 koob blueberries cusub)12 toddobaadHagaajinta xusuusta fiisigiska iyo feejignaanta marka loo eego placebo
Krikorian et al., Applied Physiology, Nutrition, and Metabolism, 2010Dad waaweyn, mild cognitive impairment945 g blueberry powder/maalintii16 toddobaadHagaajinta xusuusta muddada-gaaban iyo muddada-dheer
Whyte et al., Nutrients, 2018Jiirarka la daweeyey antioxidants–Blueberry extract ku habboon cabirka jirka8 toddobaadKor u qaadis hippocampal BDNF, hagaajinta barashada iyo xusuusta
Devore et al., Annals of Neurology, 2012Dad waaweyn16,010 (ka mid noqoshada dulmaraha Nurses’ Health Study)Cunista blueberries iyo strawberries maalinle10 sano (dulmar epidemiological)Hoos u dhac ku yimid khatarta xusuus darrada iyo dementia
Dore et al., Behavioural Brain Research, 2013Jiirarka da’da dhexe–2% blueberries diet12 toddobaadHagaajinta xusuusta fiisigiska, kor u qaadista antioxidant capacity ee maskaxda

Heemaal Health.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Caafimaadka

Cadaadiska Dhiigga Sare (Hypertension): Fahamka, Kahortaga, iyo Maareynta

by Heemaal April 6, 2026
written by Heemaal 7 minutes read

HH: Cadaadiska dhiigga sare, ama hypertension, waa xaalad caafimaad oo caadi ah oo saameysa xididdada dhiigga ee jirka. Waxay dhacdaa marka xoogga dhiigga uu si joogto ah ugu riixo derbiyada xididdada dhiigga uu ka sarreeyo heerka caadiga ah. Tani waxay ku khasbeysaa wadnaha inuu shaqeeyo si ka adag sidii caadiga ahayd, taasoo kordhin karta halista cudurrada wadnaha, maskaxda, iyo kelyaha.

Cadaadiska dhiigga waxaa lagu cabbiraa millimeters of mercury (mm Hg). Tirooyinka cadaadiska dhiigga waxaa lagu qeexaa laba tiro: mid kor (systolic) oo muujinaysa cadaadiska marka wadnuhu garaacayo, iyo mid hoose (diastolic) oo muujinaysa cadaadiska marka wadnuhu nasanayo. Cadaadis dhiig sare waa marka akhriska dhiigga uu gaaro ama ka bato 130/80 mm Hg.

Noocyada Cadaadiska Dhiigga

Waxaa jira heerar kala duwan oo cadaadiska dhiigga lagu cabbiro:

  • Caadi: Hoose 120/80 mm Hg
  • Kordhay: 120–129 / <80 mm Hg
  • Stage 1 hypertension: 130–139 / 80–89 mm Hg
  • Stage 2 hypertension: ≥140 / ≥90 mm Hg
  • Degdeg (emergency): >180/120 mm Hg, xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Cadaadiska dhiigga sare badanaa ma laha calaamado muuqda, sidaa darteed dad badan ayaa muddo dheer qaba iyaga oo aan ogeyn. Mararka qaar, calaamado yar ayaa muuqan kara, sida madax xanuun, neef-qabasho, ama dhuubasho sanka, laakiin waxay badanaa dhacaan marka xaaladdu ka sii darto.

Sababaha Cadaadiska Dhiigga Sare

Cadaadiska dhiigga waxaa saameeya laba arrimood: qadarka dhiigga uu wadnuhu pump gareeyo iyo sida ay u adagtahay in dhiiggu dhex maro xididdada. Cadaadiska sare wuxuu noqon karaa:

  1. Primary (essential) hypertension: Sabab aan la garanayn, horumar tartiib ah oo sanado qaata. Xididdada oo adag (atherosclerosis) ayaa kordhin kara halista.
  2. Secondary hypertension: Waxaa keena xaalad kale oo caafimaad ama daawo, sida: cudurka kelyaha, dhibaatooyinka qanjirka adrenal, daawooyinka qaarkood, dhibaatooyinka hurdada sida sleep apnea, ama isticmaalka daroogooyinka sharci darrada ah.
Faktorada Khatarta

Waxaa jira arrimo badan oo kordhiya halista cadaadiska dhiigga sare, oo ay ka mid yihiin: da’da, jinsiga, midabka, taariikhda qoyska, cayilka, jimicsi la’aanta, sigaarka ama vaping, isticmaalka milix badan, potassium yar, khamri badan, stress, iyo qaar ka mid ah cudurrada sida sonkorowga, kelyaha xanuunka, ama sleep apnea.

Dhibaatooyinka Cadaadiska Dhiigga Sare

Cadaadis dhiig oo aan la xakameyn wuxuu dhaawici karaa xididdada dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah sida wadnaha, kelyaha, maskaxda, iyo indhaha. Dhibaatooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Wadne xanuun ama stroke
  • Aneurysm (xidid dabacsan oo qarxi kara)
  • Wadna fashil
  • Dhibaatooyinka kelyaha
  • Arag la’aan ama dhaawaca indhaha
  • Cilladaha maskaxda, xusuusta, iyo dementia
Baaritaanka Cadaadiska Dhiigga

Baaritaanka cadaadiska dhiigga waxaa lagu sameeyaa cuff-ka gacanta lagu xidho, kaasoo lagu cabbiro cadaadiska systolic iyo diastolic. Baaritaan dheer ayaa lagu samayn karaa si loo ogaado haddii cadaadiskaagu isbeddelayo maalintii oo dhan (ambulatory monitoring). Baaritaano kale waxaa ka mid ah: dhiig, kaadi, ECG/EKG, iyo echocardiogram si loo eego shaqada wadnaha iyo xubnaha kale.

Daaweynta iyo Maareynta

Isbeddelka nolol-maalmeedka ayaa ah tallaabada ugu horreysa:

  • Cunto caafimaad leh oo milix yar
  • Jimicsi joogto ah
  • Miisaanka caafimaad qab
  • Khamri xadidan
  • Ha cabin sigaarka
  • Hurdo 7–9 saac maalintii
  • Maareynta stress

Haddii isbeddelada nolol-maalmeedku kaliya aysan ku filneyn, dhakhtarku wuxuu kuu qori karaa daawooyin kala duwan sida:

  • Diuretics (water pills)
  • ACE inhibitors
  • ARBs
  • Calcium channel blockers
  • Beta blockers
  • Daawooyin kale haddii cadaadisku adkaado

Waxaa muhiim ah in daawada la qaato sida loogu tilmaamay. Ha joojin ama ha bedelin daawada adigoon la tashan dhakhtarkaaga, sababtoo ah waxay sababi kartaa in cadaadiskaagu si kedis ah u kaco (rebound hypertension).

Cadaadiska Dhiigga ee Uurka

Haweenka uurka leh oo cadaadis dhiig sare leh waa in si dhow loola socdo si looga hortago dhibaato caafimaad oo halis ah.

Nolosha Maalinlaha ah iyo Is-daryeelka
  • Raac cunto caafimaad leh sida DASH diet
  • Yaree milixda iyo khamriga
  • Jimicsi joogto ah (150 daqiiqo toddobaadkii)
  • Miisaanka caafimaad qab
  • Hurdo fiican iyo maareynta stress
  • Ku celceli neefsasho qoto dheer iyo mindfulness si aad u dejiso dhiigga
Taageero iyo La-qabsasho

Cadaadiska dhiigga sare waa xaalad joogto ah oo u baahan la socod iyo daryeel. Waxaad ka caawin kartaa naftaada:

  • Qaado daawooyinka sida loogu tilmaamay
  • Samee booqashooyin caafimaad joogto ah
  • Door hab-nololeed caafimaad leh
  • Weydii caawimaad qoyska iyo saaxiibada
  • Ku biir kooxo taageero.
Heerka CadaadiskaQiyaasta (mm Hg)Calaamadaha Suurtagalka ahFaa’iidooyinka La Raadinayo
Caadi< 120 / < 80Badanaa ma jiraanIlaali caafimaadka wadnaha iyo kelyaha
Kor u Kac120-129 / <80Badanaa ma jiraanKa hortag hypertension mustaqbalka
Hypertension Stage 1130-139 / 80-89Mararka qaarkood madax-xanuun, daalKa hortag dhibaatooyinka wadnaha iyo kelyaha
Hypertension Stage 2≥140 / ≥90Madax-xanuun, neefsasho gaaban, dhididDaawo iyo lifestyle isbedel loo baahan yahay
Hypertensive Crisis>180 / >120Xanuun madax daran, xanuunka laabta, neefsasho adagXaalad degdeg ah, u baahan gurmad caafimaad
Daawooyinka Cadaadiska Dhiigga Sare

Marka isbeddelka nolol-maalmeedka kaliya uusan ku filneyn, dhakhtarkaaga wuxuu kuu qori karaa daawooyin kala duwan. Daawooyinkan waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo cadaadiska dhiigga, laguna ilaaliyo wadnaha, maskaxda, iyo kelyaha. Mararka qaar waxaa la isku daraa laba ama ka badan si ay si fiican u shaqeeyaan.

1. Diuretics (Water Pills)

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay ka saaraan jirka milixda iyo biyaha xad-dhaafka ah, taasoo yareysa cadaadiska dhiigga.
Magacyo caadi ah: Hydrochlorothiazide (Microzide), Chlorthalidone, Triamterene (potassium-sparing)
Faa’iido: Badanaa waa daawooyin heer koowaad oo waxtar leh.
Waxyeelooyin: Kaadi badan, potassium hooseeya, madax-xanuun, daal.

2. ACE Inhibitors

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay nasaan xididdada dhiigga iyagoo joojinaya kiimiko dabiici ah oo xididdada adkeysa.
Magacyo caadi ah: Lisinopril (Zestril, Prinivil), Enalapril, Captopril
Faa’iido: Waxay ilaaliyaan kelyaha, gaar ahaan dadka qaba sonkorowga.
Waxyeelooyin: Qandho qallalan, dhidid, matag, mararka qaarkood barar wajiga ah (rare).

3. ARBs (Angiotensin II Receptor Blockers)

Sida ay u shaqeeyaan: Sida ACE inhibitors, waxay nasaan xididdada dhiigga, laakiin waxay joojiyaan ficilka kiimikada, halkii ay ka joojin lahaayeen soo saaristeeda.
Magacyo caadi ah: Losartan (Cozaar), Candesartan (Atacand), Valsartan
Faa’iido: Waxay badanaa ka yar yihiin ACE inhibitors xagga qalalaasaha qufaca.
Waxyeelooyin: Madax-xanuun, dhibaato kelyaha, daal.

4. Calcium Channel Blockers

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay nasaan muruqyada xididdada dhiigga, mararka qaarkoodna waxay hoos u dhigaan garaaca wadnaha.
Magacyo caadi ah: Amlodipine (Norvasc), Diltiazem (Cardizem, Tiazac)
Faa’iido: Waxay si fiican ugu shaqeeyaan dadka waayeelka ah iyo dadka madow.
Waxyeelooyin: Lugaha barara, madax-xanuun, xanuun caloosha ah
Digniin: Ha cunin grapefruit markaad isticmaalayso, waxay kordhisaa heerka daawada ee dhiigga.

5. Beta Blockers

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay yareeyaan shaqada wadnaha iyo garaaca, taasoo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga.
Magacyo caadi ah: Atenolol (Tenormin), Metoprolol (Lopressor, Toprol-XL), Carvedilol
Faa’iido: Waxay ka hortagaan wadne xanuunka iyo qaar ka mid ah arrhythmias.
Waxyeelooyin: Daalku, qabowga gacmaha iyo lugaha, hurdo xumo
Digniin: Badanaa laguma qoro kaligood, waxaa fiican in lagu daro daawo kale.

6. Aldosterone Antagonists

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay joojiyaan kiimiko dabiici ah oo keeni karta biyo iyo milix kaydinta.
Magacyo caadi ah: Spironolactone (Aldactone), Eplerenone (Inspra)
Faa’iido: Waxay waxtar leeyihiin dadka qaba resistant hypertension (cadaadis dhiig oo adag).
Waxyeelooyin: Kelyaha oo xanuuna, potassium sareeya, dhibaatooyin galmo.

7. Renin Inhibitors

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay yareeyaan soosaarka renin, oo ah enzyme kordhiya cadaadiska dhiigga.
Magacyo caadi ah: Aliskiren (Tekturna)
Faa’iido: Waxay ka shaqeeyaan hab cusub oo joojinaysa nidaamka cadaadiska.
Waxyeelooyin: Dhibaato kelyaha, barar, madax-xanuun
Digniin: Ha isku qasin ACE inhibitors ama ARBs.

8. Vasodilators

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay ka hortagaan in murqaha xididdada ay adkaadaan.
Magacyo caadi ah: Hydralazine, Minoxidil
Faa’iido: Waxay si dhaqso ah u yareeyaan cadaadiska dhiigga.
Waxyeelooyin: Madax-xanuun, garaac degdeg ah, barar.

9. Central-acting Agents

Sida ay u shaqeeyaan: Waxay ka hortagaan maskaxda inay dhiigga kor u qaaddo.
Magacyo caadi ah: Clonidine (Catapres), Guanfacine (Intuniv), Methyldopa
Faa’iido: Waxay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga iyagoo joojinaya calaamadaha neerfaha.
Waxyeelooyin: Hurdo xumo, daal, madax-xanuun.

NoMagaca DaawadaSida ay u ShaqeeyaanFaa’iidada Ugu MuhiimsanWaxyeelooyinka Caadiga Ah
1Diuretics (Water Pills) Hydrochlorothiazide, Chlorthalidone, TriamtereneKa saaraan biyaha iyo milixda jidhkaHoos u dhig cadaadiska dhiigga, daawada heer 1Kaadi badan, madax-xanuun, potassium hooseeya
2ACE Inhibitors Lisinopril, Enalapril, CaptoprilNasaan xididdada dhiiggaIlaali kelyaha, hoos u dhig cadaadiskaQufac qallalan, matag, madax-xanuun, mararka qaarkood barar wajiga
3ARBs Losartan, Candesartan, ValsartanNasaan xididdada dhiiggaKa yar qufaca, ilaalinta kelyahaMadax-xanuun, daal, dhibaato kelyaha
4Calcium Channel Blockers Amlodipine, DiltiazemNasaan xididdada, hoos u dhig garaaca wadnahaWaxay si fiican u shaqeeyaan dadka waayeelka ahLugaha barara, madax-xanuun, xanuun caloosha, Grapefruit ma cuno
5Beta Blockers Atenolol, Metoprolol, CarvedilolYareeyaan shaqada wadnahaKa hortaga wadne xanuunka iyo arrhythmiasDaalku, qabow gacmaha/lugaha, hurdo xumo
6Aldosterone Antagonists Spironolactone, EplerenoneJoojiya milix iyo biyo badanWaxay ka shaqeeyaan resistant hypertensionKelyaha xanuun, potassium sareeya, dhibaato galmo
7Renin Inhibitors AliskirenYareeyaa soosaarka reninWax cusub oo nidaamka cadaadiskaDhibaato kelyaha, barar, madax-xanuun, ha isku darin ACE/ARB
8Vasodilators Hydralazine, MinoxidilNasaan murqaha xididdadaDhaqsiyo hoos u dhig cadaadiskaMadax-xanuun, garaac degdeg ah, barar
9Central-acting Agents Clonidine, Guanfacine, MethyldopaJoojiya calaamadaha neerfahaHoos u dhig cadaadiskaHurdo xumo, daal, madax-xanuun

Heamaal Health,

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Newer Posts
Older Posts
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Somalia Oo Dhoolatus Ciidan kala Qeyb-gashay Mareykanka, Turkiga Iyo Dalal kale
April 30, 2026
Trump Oo Caawa ka Hadlay Arimo Badan Oo ku Saabsan Xaaladda Iiraan
April 30, 2026
Iiraan Oo si Adag Uga Hadashay Weerarkii Lagu Eedeeyay Ee Ninka Somaliga Uu ka Gaystay London
April 30, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home