Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

“In la Weeraro Kaabayaasha Rayidka Iran waa Sharci darro aan la Aqbali karin”Gudomiyaha Golaha Yurub

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Duqaymaha lala beegsanayo dadka rayidka ah waa sharci-darro, ayuu yiri guddoomiyaha golaha Yurub. “xal diblomaasiyadeed oo keliya” ayaa soo afjari doona dagaalka Iran ayuu sii raaciyey.

“Bartilmaameed kasta oo lagu beegsado kaabayaasha rayidka, sida tas-hiilaadka tamarta, waa sharci-darro waana wax aan la aqbali karin,” António Costa ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii hore ee saaka.

Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib hanjabaad kasoo yeertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha dhaqaalaha Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.

Luis Moreno Ocampo, oo ah aasaasaha dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa horay BBC-da u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka dhigan yahay dambi gardarro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

In ka badan 100 khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah ayaa sidoo kale saxiixay warqad furan oo ay ku muujinayaan “walaac qoto dheer” oo ku saabsan waxa ay u arkaan xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Daad-gureyn Deg-deg ah oo ka Socota Xarunta Dhaqaalaha Riyadh ka dib Cabsi Weerar

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Warar soo baxaya maanta ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay bilowday qorshe daad-gureyn ah oo lagu saarayo kumannaan shaqaale ah oo ka howlgala aagga ganacsiga ee magaalada Riyadh, gaar ahaan xarunta loo yaqaan King Abdullah Financial District (KAFD), oo ah wadnaha dhaqaalaha dalka.

Goobtan oo ay ku yaallaan bangiyada waaweyn ee Sacuudiga, xarumaha maaliyadeed, iyo shirkado caalami ah, ayaa lagu soo warramayaa in si degdeg ah looga daad-guraynayo shaqaalaha, kaddib cabsi xooggan oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro ay Iiraan ku qaaddo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

Sida ay werisay warbaahinta Semafor, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada dadka rayidka ah iyo hantida muhiimka ah, iyadoo laga jawaabayo xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Sacuudiga si rasmi ah ugama hadlin arrintan, balse ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay tahay mid ka hortag ah oo lagu yareynayo khataraha suuragalka ah.

Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Iiraan ayaa marar badan sare u kacday sanadihii u dambeeyay, iyadoo weerarro hore oo lagu bartilmaameedsaday xarumo shidaal iyo kaabayaal dhaqaale ay sare u qaadeen walaaca dhinaca amniga ah.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo saacadaha iyo maalmaha soo socda.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump Oo si Adag Uga Hadlay Dagaalka Iran kuna Maadeystay Kuweyd

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Trump oo xanaaqsan ayaa markii ugu horeysay u hanjabay Warbaahintii sheegtay in duuliye labaad uu ku maqan yahay gudaha dalka Iiraan, wuxuuna sheegay in Iiraan aysan ogeyn in duuliye labaad maqan yahay balse ay ku ogaatey markii qof bixiyay xog sir ah kadibna warbaahintu daabacday.

Trump wuxuu arintan ku tilmaamay iney tahay ammni qaran, wuxuuna Warbaahintii xogtaa daabacday ugu hanjabay iney sheegaan halkii ay xogtaa ka heleen ama iney wajihi doonaan xabsi.

Trump sidoo kale wuxuu ka hadlay qofkii xogta sirta ah Warbaahinta gaadhsiiyay, wuxuuna yidhi “Waa in la helaa qofki xogtaa bixiyay, waa qof aad u xun.”

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dadka !iraan ay yihiin dagaalyahanno karti leh oo adkaysi badan, laakiin aanay imika ahayn sidii ay ahaayeen bil ka hor.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in !iraan iyo ciidamada ay haysato hadda gabi ahaanba aanu ahayn mid aad u xoog badan.

Sidoo kale Madaxwayne Trump ayaa ka hadlay hub uu u diray shacabka Iran waxuuna yiri:

“!ran waxaan u dirnay hub. Waxaan rabnay in loo qaybiyo shacabka !ran. Dadkii aan hubka u dirnay shacabka maysan u qaybin, iyagaa iska qaatay. Dadka qaarkood aad ayaan uga xumaaday. Waxay mari doonan ciqaab.”

Trump, oo sheegay in hubkii la dirray uusan dadkii gaadhin, ayaa isagoo aad u cadhaysan hadalkas jeediyay.

Trump oo ku maadaysanaysa Dalka Carbeed ee Kuweyt ayaa sheegay in Kuweyt ay garan wayday sida loo isticmaalo gantaalaha difaaca hawada ee patriot.

Trump ayaa yiri: “NATO waa “Warqad shabeel ” oo innaga maraykanka la’aanteen waxba ahey.

NATO way diiday in ay ina caawiso, sida ay u diideen South Korea iyo Japan ayeey iyaddana u diiday.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Maraakiib Qaada gaaska LNG ga Ee Qatar Oo ka Leexday Marinka Hormuz Iyo Kuuriyada Waqiiyi

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Maraakiib qaada gaaska LNG ga oo ka ambabaxay Qatar ayaa si lama filaan ah dib ugu laabtay Qatar, kadib markii ay isku dayeen inay maraan marinka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay soo wajahday cabsi ah in ay beegsan karto Iraan

Hadii ay ka gudbi lahaayen waxay noqon lahaayeen kuwii ugu horeeye ee ka gudba marinkaas tan iyo bilowgii dagaalka. Hakadkaasi wuxuu sare u qaaday cabsi ku saabsan suuqyada tamarta iyo xasiloonida gobolka.

Kuuriyada Waqooyi waxay si ula kac ah uga fogaanaysaa Iiraan, inta uu dagaalku socdo, si ay u ilaaliso fursad ay ku hagaajiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed.

Warbixintan oo ay baahisay Reuters, ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax taageero militari ah oo ay Kuuriyada Waqooyi siisay Iiraan, mana jirto tacsi ay ka dirtay geerida Cali Khamenei.

Sidoo kale, ma jirto wax hambalyo ama falcelin ay ka sameysay magacaabista hoggaamiyaha cusub , Mojtaba Khamenei.

“Hadallada rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi waa kuwo kooban oo deggan, waxayna ka fogaanayaan dhaleeceynta Donald Trump.” ayaa lagu yiri warbixintan oo intaa ku dartay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu yiri: “Ma jirto sabab aan si fiican ula dhaqmi karin Mareykanka.”

Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa arrintan ku tilmaamay: “diyaar-garow lagu doonayo in la helo meel waddo diblomaasiyadeed oo cusub.”

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Warshad Labaad Ee soo Saarta kiimikada Batroolka Iiraan Oo Duqayn lala Beegsaday

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Hay’adaha kala duwan oo Iiraan ayaa soo werinaya in Marvdasht Petrochemical Complex lala beegsaday “weerar cadaw”.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarku uu dhaliye dab “kaasoo la bakhtiiyey dhowrkii daqiiqo ee ugu horreeyay”.

Xafiiska gudoomiyaha gobolka Marvdasht, ayaa wakaalada wararka ee Tasnim u sheegay in wax khasaare ah oo la taaban karo inuusan gaarin” qaybta warshadda.

Mar sii horreysay, Israa’iil waxay sheegtay inay duqeysay warshadda shidaalka South Pars petrochemical ee ku taalla Asaluyeh, ee koonfurta Iiraan, taasoo soo saarto kala bar kiimikooyinka batroolka ee dalka.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo ka jawaabayay dukhayn ay Isr4L la dhacday machadka barashada tiknoolijiyadda ayaa yiri

“1400 sano ka hor ayaa Nabigeennu NNKH yiri haddii cilmiga lagu sheego xiddigaha, Faarisiyiintu waxay noqon lahaayeen kuwii gaara oo doonta.”

Macnaha hadalkiisu waa iskuul aad burburiseen kuma baabi’in kartaan cilmigeenna.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigtay Silsilad ka Shaqayn-jirtay Tahriibka

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay silsilad caalamka laga baadi-goobayay oo caadaystay ka shaqaynta tahriibka dhalinta.

Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay madaxa kooxdan oo magaciisa lagu soo koobay dawit iyo xubno la shaqayn jiray, kuwaasoo lagu eedeeyay inay tahriibiyeen 3,000 qof Halka 100 qof ay dartood u dhinteen, islamarkaana la kufsaday 50 haween ah.

Xubnaha kooxdan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay iskaashi dhex-maray dawlada Itoobiya iyo ururada caalamiga ee la dagaallanka tahriibka.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo Shuruudo 10 Qodob ka kooban u Dirtey Dhex-dhexaadiyayaasha Pakistan.

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa shuruudo 10 qodob ka kooban u dirtey Pakistan, iyadoo ka jawaabaysa soo jeedinta Mareykanka ee ku saabsan in la joojiyo dagaalka.

Iiraan ugu horeyn waxay gabi ahaanba diiday in heshiis kumeel gaadha laga gaadho dagaalka, waxay dalbatey in si kama dambeysa loo dhameeyo.

Qodobada ay Iiraan dalbatey waxaa kamid ah.

– in la joojiyo dagaalada gobolka.

– in cunaqabateynta laga qaado.

– in la siiyo taageero dib u dhis ah.

– iyo in la helo xeerar ammaan ah oo maraakiibtu ay ku mari karaan marin biyoodka Hormus.

Dowladda Iran ayaa si cad u diiday qorshe 15-qodob ah oo uu Mareykanku soo jeediyay, kaasoo la xiriiray xabbad-joojin iyo wada-hadal diblomaasiyadeed. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid aan macquul ahayn isla markaana aan la aqbali karin.

WAR CUSUB: Xu/tiyiinta Yaman oo hada hadlay ayaa sheegay in ay ixtiraami doonnaan xabad joojin ay la gallaan Mareykanka hadii Mareykanku uu joojiyo weerarada ka dhanka ah.

Masuul sare oo u hadlay Xu/tiyiinta ayaa sheegay in kooxdu aysan qorsheyneyn in ay bartil-maameedsadaan maraakiibta maraya Badda-cas iyo hantida Mareykanka, hadii xaaladu aysan kasii darin..

Sidoo kale wuxuu sheegay iney weerari doonin dalalka kale ee Islaamka ah hadii aan lagu kalifin, wuxuuna digniin u direy Sucuudiga, isagoo u sheegay hadii ay ka fogaadaan dhibaatada iney iyaguna weerari doonin dekadaha Boqortooyada.

Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay hadii ay xiisadu sii korodho iney Xu/tiyiintu albaabada iskugu dhufan doonaan badda-cas iyo marinka baabul mandab.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israa’iil Oo Sheegtay inay Weerartay Xarunra Shidaalka Iran

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in ay duqeeyeen xarun shidaal oo ku taal Iran, maadaama buu yiri IDF lagu amray in ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha Iran “awood kasta”.

“IDF waxay hadda si xooggan u weerartay xarunta ugu weyn ee shidaalka Iran ee ku taal [Asaluyeh],” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xarunta ay soo saarto kala bar kiimikooyinka batroolka ee dalka.

Weerarka cusub ayaa daba socda weerar lagu qaaday xarun kale “isbuucii hore”, ayuu yiri Katz.

“Hadda labada xarumood, oo si wadajir ah mas’uul uga ah 85% dhoofinta kiimikaalka Iran – ayaa laga saaray adeegyadii mana shaqeynayo,” ayaa lagu yiri bayaanka Katz.

“Tani waa dhaawac dhaqaale oo ba’an oo qiimihiisu yahay tobanaan balaayiin dollar oo soo gaaray taliska Iran, warshadaha batroolka ayaa ah mishiin weyn oo lagu maalgeliyo hawlaha Ilaalada Kacaanka iyo dhismaha awoodda militari ee Iran.”

Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay sheegtay in la weeraray laba shirkadood oo ah kuwa kiimikada.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Aqalka Cad Oo Sheegay Inaan Wali Go’aan Laga Gaarin Hindisaha Xabbad-joojinta ee Pakistan soo Bandhigtay

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Warar si rasmi ah uga soo baxay Aqalka Cad ayaa muujinaya in weli aan la gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan hindisaha xabbad-joojinta ee ay soo bandhigtay Pakistan, xilli xiisadda dagaal ay cirka isku shareertay.

Sarkaal sare oo la hadlay CBS News ayaa sheegay in qorshahaasi uu ka mid yahay fursado badan oo miiska u saaran maamulka Donald Trump, balse uu carrabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uusan weli ansixin.

“Go’aan kama dambeys ah weli lama gaarin,” ayuu yiri sarkaalku, isagoo tilmaamay in xaaladdu wali ku jirto marxalad qiimeyn iyo xisaabtan istiraatiiji ah.

Dhanka kale, howlgalka milatari ee loo bixiyay Operation Epic Fury ayaa si buuxda u socda, taasoo muujinaysa in Washington aysan wali u janjeerin dhinaca dejinta dagaalka. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si toos ah uga hadlo xaaladda dagaalka, khudbad la sugayo oo la qorsheeyay duhurnimada maanta xiliga mareykanka.

Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Iran kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan hindisaha Pakistan, taasoo sii kordhinaysa mugdiga ku hareeraysan mustaqbalka dadaallada diblomaasiyadeed.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo indhaha caalamka ay si dhow ula socdaan tallaabooyinka xiga ee ka imanaya Washington iyo Tehran.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo wararka sheegaya in Pakistan ay soo jeedisay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Andrabi ayaa sheegay in ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan xabbad-joojin 45 maalmood ah ama qorshe ka kooban 15 qodob, balse aysan ka hadli doonin arrimahaas gaarka ah.

Wuxuu intaas ku daray in waxa kaliya ee la xaqiijin karo ay tahay in dadaallada nabadeed ay weli socdaan.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israa’iil oo ka Hadashay Madaxii Sirdoonka Iiraan Ee la Dilay Iyo Iran Oo Jawaab kasoo Saartay Hanjabaadii

by Heemaaln April 6, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Warar dheeraad ah ayaa hadda ka soo baxaya geerida madaxii sirdoonka Iiraan, iyadoo Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz iyo Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheeganayaan mas’uuliyadda dilkii Majid Khademi.

Ciidanka Difaaca Cirka ee Iiraan ayaa Telegram ku qoray in dilkiisu uu yahay “dharbaaxo kale oo daran” oo soo gaartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).

Marka ay timaado in Iiraan ay qirato dhimashada taliyayaasheeda sare ku dhintay dagaalka, inta badan tusaalooyinka waxaa ka mid ah Iiraan oo xaqiijinaysa dhimashadooda ka dib markii Israa’iil ama Mareykanku ay sheegteen mas’uuliyadda. Si kastaba ha ahaatee, markan Iiraan ayaa hore u shaacisay.

Khademi waxaa loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka IRGC afar maalmood ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay, Mohammad Kazemi, lagu dilay weerar Israa’iil ay ku qaadday Iiran 15-kii Juun 2025.

Bishii Agoosto ee sannadkii hore, Khademi wuxuu ku boorriyay baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan dhammaystirka shabakadda gudaha, isagoo sheegay in loo baahan yahay si loo “ilaaliyo madaxbannaanida” shabakadda internetka ee Iiraan.

Iiraan hadda waxaa ka go’an internetka tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, inkastoo qaar ka mid ah mareegaha iyo barnaamijyada gudaha ay weli ka furan yihiin gudaha dalka.

Maxay tahay jawaabta ay Iiraan diyaarsatay inay ka bixiso soo afjaridda dagaalka

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in la diyaariyay jawaabtii la siin lahaa dhexdhexaadiyeyaasha ka shaqaynaya soo afjaridda dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iran.

Arrintan ayaa daba socota warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin, waxayna sheegaysaa in Pakistan ay door weyn ka qaadanayso diyaarinta qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Esmail Baghaei oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee IRNA ayaa sheegay in qorshaha ka kooban 15-ka qodob ee uu garwadeenka ka yahay Maraykanku “uusan ahayn mid aynaan sinaba u aqbalaynin”.

Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha ay yihiin “kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha ugu dambeeya iyo hanjabaadaha dembiyada dagaalka,” ka dib digniintii Trump ee ahayd in Maraykanku uu beegsan doono kaabayaasha rayidka ee Iran haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz.

Taa baddalkeeda, wuxuu sheegay in Iran ay soo aruurisay dalabyo “ku saleysan danaheena iyo fikradaheena”. “Bilowgii waanu garanaynay waxa aan rabno iyo khadadka cas ee aanan raali ka ahayn in aan ka gudubno, mawqifkayagu wuu caddaa ilaa hadda. Laga soo bilaabo markii ay dooddani bilaabantay jawaabteenu waxay ahayd diyaar,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Iran ay diyaarisay jawaabteeda “ayna bixin doonto faahfaahinta wakhtiga ku habboon”.

April 6, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Newer Posts
Older Posts
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Somalia Oo Dhoolatus Ciidan kala Qeyb-gashay Mareykanka, Turkiga Iyo Dalal kale
April 30, 2026
Trump Oo Caawa ka Hadlay Arimo Badan Oo ku Saabsan Xaaladda Iiraan
April 30, 2026
Iiraan Oo si Adag Uga Hadashay Weerarkii Lagu Eedeeyay Ee Ninka Somaliga Uu ka Gaystay London
April 30, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home