Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Ra'yiga

Xasuuqyadii Ka Dahacay Gobolada Waqooyi Ee Aan Wali Laga Garaabin Lagana Heshiin

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 4 minutes read

In kasta oo dagaalo sokeeye oo daba dheeraday iyo kuwo dawladeedba ka dhaceen gayiga Soomaliya, waxaan maqaalkan kaga hadlaynaa dagaaladii iyo xasuuqyadii ka dhacay gobolada waqooyi ee Soomaliya oo ilaa hadda aan si dhab ah looga wada hadal, si loo helo kalsooni iyo heshiis buuxa, oo laga gaadho aanooyinka raagay ee laka tabanayo.

Waxaan ku bilaynaa maqaalkan xasuuqyadii dawliga ahaa iyo kuwii sokeeye ee ka dhacay gobolka Awdal.

Xasuuqyadii Dawliga Ahaa.

  • Awdal waxay la kulanaty xasuuq baahsan oo ay kala kulantay dagaalkii dhex maray dawladihii ka talinaayey Soomaliya iyo Itoobiya, iyadda oo ay sobob u ahayd in gobolka la dajay, jabhado Oromo ahaa loona yaqaanay (Somali Aboo) oo ka soo hor jeeday dawladii Mangiste, xasuuqyadaasi in kasta oo ay ahaayeen kuwo joogta ah, oo diyaaraha dagaalka Xabshidu si joogta ah u duqayn jireen degmada Boorama, kan ugu wayni wuxuu ahaa, kii dhacay bishii 31 janaayo 1984, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof una badnaa  arday, kadib markii dayaaradaha xabashidu duqeeyeen dugsiyadda Boorama.
  • Waxay Itoobiya laga yagleelay jabhad Soomaliyeed oo la odhan jiray SSDF oo uu hogaamin jiray korneel Cabdulaahi Yuusuf, kana soo hor jeeday maamulkii Siyaad Barre, taas oo yoolkeeda koowaad ay Itoobiya uga dhigtay gobolka Awdal, maadaama ay joogaan jabhado Oromo ah oo iyaga ka soo horjeeda, Jabhadan SSDF waxay dhowr jeer ku qaaday weeraro saldhiga ciidanka ee Goroyo-Cawal oo maarkii danbe loo raray dagaanka Xalimaale kadib markii jabhaadaasi weerar balaadhan ku soo qaday oo ay la wareegat, taas waxa dheeraa iyadda oo si joogta ah loo galin jiray miinooyin jidadka u dhaxeeya Boorama iyo Hargaysa , iyo Boorama iyo Saylac, kuwaas oo ay dad badani ku dhinteen.

Xasuuqyadii Dagaalada Sokeeye.

  • Kadib markii ay heshiiyeen maamulkii Siyaad Barre iyo jabhadii SSDF, waxaa markale laga yagleelay Itoobiya jabhad kale oo la magac baxday SNM, taas oo culays wayn ku keentay gobolka Awdal, maadamada dadka jabhadan hogaaminaayey ka soo jeedeen gobolda waqooyi.
  • Waxaa heshiiyey beelaha Isaaq iyo Ciise oo markaa la isku odhan jiray reer Binuhashim oo gobolka ay ay ka kala dagaanayeen bari iyo galbeed, inkasta oo weeraro joogta ah ay ku hayeen beesha Samaroon, waxaa ugu darnaa xasuuqii dhacay 4 febraayo 1991, kadib markii jabhadii SNM iyo Ciidamo Itoobiyaan ah, iyada oo ujeedadu ahayn in ciidamda Itoobiya kula dagalamaan magaalada Boorama jabhadii Somali Aboo (Oromo), halka SNM ay ka ahayd in ay abaan u noqoto ciidama Itoobiya, in kasta oo taariikhdaa mar danbe la badalay ama si kale loo dhigay, maalintaa Boorama waxaa lagu dilay in ka badan 2000 oo qof.

Xasuuqyadii ka dhacay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer.

Xasuuqyadii Dawliga Ahaa.

  • Kadib markii la yagleelay jabhadii SNM, Maamulkii Siyaad Barre wuxuu ku beesha Isaaq, cadaadis iyo cabudhin xoog leh, taas oo keentay in shacab badani ka qaxaan magaalooyinka Hargaysa iyo Burco iyaga oo u adkaysan waayey, xadhig iyo cabudhin aan loo meel dayin oo lagula kacay, si loogu cadaadiyo madaxdii SNM in ay la heshiiyaan maamulki Siyaad Barre, balse taasi ma dhicin oo jabhadii SNM waxay kaga jabaatay iska cabin iyo dagaalo qadhaadh, ilaa ay gaadhay in dayaaradihii ka ka kacay, garoonka magaalada Hargaysa ay dib u duqeeyaan magaalada iyada oo ay dheerayd madaafii aan loo meel dayin, taas oo burbur wayn gaadhsiisay magaalada, dad badana ku dhinteen.

Ka dib markii ay xaaladu faraha ka baxday waxaa jiray, dad badan oo aan waxba galabsan oo loo dilay in ay ka soo jeedaan Beesha Isaaq, xataa ayaga oo aan joogin goobo dagaal ka socdo, sida xasuuqii Jasiira.

Kadib markii uu Meesha ka baxay Maamulkii Siyaad Barre walina aan si buuxda loogu heshiin in maamul laga dhiso gobolda waqooyi, wuxay dagaalo ka dhex qarxeen beesha Isaaq dhwor jeer, taas oo ay ku dhinteen dad farabadani.

Xasuuqyadii ka dhacay gobolda Sool, Sanaag iyo Cayn.

  • Ma jirin wax xasuuq dawli ah oo ka dhacay goboladani, balse waxaa ka dhacay dagaalo dabbo dheeraday oo ay ku dagaalameen dad diidan maamulka Somali-land, iyo kan Puntland.

Shacabka gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn, way koobnaayeen dagaaladii ay la galeen maamulka Puntland, balse waxaa lagu riiqmay kuwo ay la galeen maamulka Soomaaliland.

Si la mid ah sidii maamulkii Siyaad Barre uga jawaabay ujeedadii SNM, ayaa maamulka Somalilandna uga jawaabay ujeedadii Khaatumo State, iyaga oo laayey dad badan, madaafiic aan loo meel dayina ku burbiriyey magaalada Laascaanood iyaga xasuuq wadreedna ka fuliyey dhowr jeer magaalada Buuhoodle iyo dagaamada ku xeeran, xasuuqyadan oo ay sameeyeen dhamaan maaluladii ka talinaayey Somaliland, tan oo ugu danbaytii ku dhamaatay in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan maamul ay iyagu leeyihiim, si la mid ah sida beesha Isaaq u heshay maamul ay iyagu leeyihiin.

Hadda mmulkii Somaliland waxaa ku soo hadhay beelaha Isaaq, Samaroon iyo Ciise, iyadda oo haddan uu dagaalo ka socdaan dagaamo ka mid ah gobolka Awda loo ay ku dagalamayaan beelaha Samaroon iyo Ciise.

Labbadan beeloodna waxa ka jira guux wayn oo kaga soo hor jeedaan maamulka Somaliland iyadda oo hadda magaalada Boorama aanay xasilnayn, oo ay ka dhacaan diidmo joogta ah, iyadda oo maamulka Somalilandna u uku xaliyo dil, cabudhin iyo xadhig. Dhinaca kale beesha Ciise ayaa u xusul duuban in ay u madax banaanaato maamulka dagaamada galbeed ee Gobolka Awda loo hadda loo yaqaano Gobolka Salal.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo ku Hanjabtay Inay Weerari doonto Dalalka Suuriya iyo Jabuuti

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Iiraan ayaa soo saartey digniino cusub, waxay sheegtay iney beegsan doonto dalalka Suuriya, iyo Jabuuti oo Mareykanku uu ku leeyahay saldhigyo.

Goobaha ay Iiraan sheegtay iney beegsan doonto waxaa ku jirta Jamhuuriyada Jabuuti, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Jabuuti oo uu ku yaalo saldhiga milatari ee Camp Lemonnier oo ah kan ugu wayn ee Mareykanku ku leeyahay Qaarada Afrika ahna Xarunta Taliska AFRICOM, halkaas oo Iran ay sheegtay inay ku sugan yihiin ciidamo badeed (marine forces) oo halkaas la geeyay
sidda ay warisay warbaahinta Faaris oo Afka Iran ku hadasha.

​Hoteellada Four Seasons iyo Sheraton ee magaalada Dimishiq, iyo sidoo kale Qasriga Madaxtooyada, Iran waxay ku doodaysaa inay goobahan yihiin meelo ay isugu yimaadaan la-taliyayaal ka kala socda Israa’iil, Mareykanka, iyo Britain.

Heemaal News Network.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xuutiyiinta oo si rasmi ah ugu soo biiray dagaalka barriga dhexe

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday Israel, iyadoo dagaalka Iran iyo Maraykanka uu sii xoogeysanayo. Waxay sheegeen inay fuliyeen weerar gantaallo ah oo ay ku  bartilmaameedsadeen goobo milatari oo xasaasi ah.

Kani waa weerarkoodii ugu horeeyay tan iyo markii dagaalka Maraykanka-Israa’iil ee ka dhanka ah Iran uu bilaabmay. Yahya Saree, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, ayaa ku dhawaaqay weerarka Sabtidii isaga oo ka hadlay telefishinka Al Masirah, oo ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Saree wuxuu sheegay in weerarada “ay sii socon doonaan ilaa hadafkii la shaaciyay la gaaro, sida lagu sheegay bayaankii hore ee ciidamada qalabka sida, iyo ilaa weerarka ka dhanka ah dhammaan iska caabinta uu joogsado.”

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay mid ka mid ah gantaallada weerarka ah ay qabteen.

Weerarku wuxuu yimid saacado kadib markii Saree uu sheegay bayaanno aan caddeynin Jimcihii, isagoo tilmaamaya in Xuutiyiintu ay ku biiri doonaan dagaalka ka taagan Bariga Dhexe, kaasoo la yaab ku noqday dhaqaalaha adduunka.

Gantaalada Xuutiyiinta iyo kuwa ay soo rideen isbulaha ayaa mar kuwada kulay Israaill, taas oo meel walba laga maqlay dhawaaqa digniinta.

Ka qaybgalka Xuutiyiinta dagaalka Maraykanka-Israa’iil ee ka dhanka ah Iran ayaa adkeyn kara in maraakiibta Maraykanku ka dagaalamaan badda cas, iyadda oo la ogaa weearadii ay Xuutiyiintu ku qaadi jireen maraakiibta dagaalka ee Maraykanka 2024 iyo2025-kii.

Heemaal News Network.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Ukrayn iyo Ruushka oo midba midka kale ku eedeyey weeraro dhacay xalay

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 2 minutes read

HNN: Ruushka iyo Ukraine waxay Sabtidi ahayd ku eedeeyeen midba midka kale weerar drone ah oo habeenkii dhacay, kuwaas oo ku keenay dhimashada shan qof iyo dhaawaca in ka badan toban qof.

Guddoomiyaha Yaroslavl ee Ruushka, Mikhail Yevrayev, ayaa sheegay in weerar drone oo Ukrainiin ah uu dhaawacay dhowr dhismo oo degmo iyo xarun ganacsi, isagoo intaas ku daray in in ka badan 30 drone la riday.

Caruur ayaa la dilay markii drone uu ku dhacay gurigiisa, sida uu sheegay. Waalidiinta caruurta ayaa si halis ah ugu dhaawacmay, waxaana lagu daaweynayaa isbitaalka, halka deris kale uu sidoo kale ku dhaawacmay.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in guud ahaan 155 drone oo Ukrainiin ah la riday habeenkii oo dhan, kuwaas oo ku kala dhacay 16 gobol, oo ay ku jirto Yaroslavl, iyo sidoo kale jasiiradda Crimea oo Moscow ay ku milantay 2014.

Dhinaca Ukraine, Guddoomiyaha gobolka Odesa ee koonfureed, Oleh Kiper, ayaa sheegay in “weeraro waaweyn” ay beegsadeen dhismayaasha rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda gobolka.

Laba qof ayaa la dilay, waxaana dhaawacmay 12 qof, oo ay ku jiraan wiil 9 jir ah, sida uu sheegay Kiper, isagoo intaas ku daray in saqafka isbitaalka hooyada ee afar dabaq ah uu ka mid ahaa dhismayaasha la garaacay.

Wuxuu intaas kadib sheegay in kaabayaasha dekedaha ee gobolka sidoo kale la beegsaday weerar subaxnimadii, taas oo keentay dhaawac dhanka galeryada garaan iyo taangiga madhan ee deked aan magaciisa la cayimin.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay baraha bulshada ee Mareykanka ee X in in ka badan 60 drone ayaa loo adeegsaday weerarka Odesa.

Weerarradii habeenkii ayaa sidoo kale ku dhufteen gobollada Poltava iyo Dnipropetrovsk, halkaas oo mas’uuliyiinta maxalliga ah ay sheegeen hal dhimasho oo gobol kasta ka dhacay.

Ciidamada Cirka Ukraine ayaa sheegay in difaacyadooda hawada ay ridayeen inta badan dronada Ruushka ee habeenkii.

Heemaal News Network

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
English News

Russia, Ukraine accuse each other of overnight drone strikes killing 5

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Russia and Ukraine on Saturday accused each other of overnight drone strikes that killed five people and injured more than a dozen others.

In Russia, Yaroslavl Governor Mikhail Yevrayev said an overnight Ukrainian drone attack damaged several residential buildings and a commercial facility, adding that more than 30 drones were shot down.

A child was killed when a drone struck his home, he said. The child’s parents were critically injured and hospitalized, while another neighbor was also injured.

Russia’s Defense Ministry said a total of 155 Ukrainian drones were downed overnight across 16 regions, including Yaroslavl, as well as over the Crimean Peninsula, which Moscow annexed in 2014.

In Ukraine, Oleh Kiper, governor of the southern Odesa region, said “massive strikes” targeted civilian and critical infrastructure in the regional capital.

Two people were killed and 12 injured, including a 9-year-old boy, Kiper said, adding that the roof of a four-story maternity hospital was among the buildings hit.

He later reported that port infrastructure in the region was also targeted in a morning attack, resulting in damage to a grain gallery and an empty tank at an unspecified port.

Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy said on US social media platform X that more than 60 drones were used in the attack on Odesa.

Overnight strikes also hit the Poltava and Dnipropetrovsk regions, where local authorities reported one death in each region.

Ukraine’s Air Force said its air defenses shot down most of the drones launched by Russia overnight, intercepting 252 out of 273.

Heemaal News Netwok

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iraan Oo Maanta Weerar Duqaymo ah ka Fulisay Afar Dal oo Khaliijka ah.

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HNN: Dalalka Khaliijka ayaa sheegay in weerarradu ay wali ka socdaan guud ahaan gobolka. Waa kuwan qaar ka mid ah wixii laga soo sheegay tan iyo maanta.

Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in lix gantaal oo ballistic ah lagu soo ganay caasimadda Riyadh. Waxay intaas ku dartay in laba ka mid ah la qabtay, halka afarta kalena ay ku dhaceen Badda Khaliijka iyo meelo aan la deggenayn.

Kuwait ayaa sheegtay in saaka weerarro lagu qaaday dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn, Shuwaikh. Hay’adda dekedaha dalka ayaa sheegtay in uu jiro “khasaare hantiyeed balse aanay jirin wax khasaare naf ah.”

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay in difaacyadeeda cirka ay la tacaaleen lix gantaal oo ballistic ah iyo sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo laga soo diray Iran maanta.

Ciidamada difaaca ee Bahrain ayaa sheegay inay qabteen 362 diyaaradood oo drones ah iyo 154 gantaal tan iyo bilowgii colaadda, taas oo kordhay 12 drone marka la barbardhigo warbixintii shalay.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa hore uga digay dadka ku nool Bariga Dhexe inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, balse ma aysan sheegin goobaha saxda ah.

Heemaal News Network.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Aduunka oo ka hor yimid FIFA sida ay u maaraysay iibka tigidhada koobka aduunka

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 2 minutes read

HS: Taageerayaal kubadda cagta ah oo ka kala yimid dalal badan oo Yurub ah ayaa si weyn uga carooday habka ay FIFA u maareyso iibinta tigidhada Koobka Adduunka. Arrintu waxay gaartay heer ay ururro taageerayaal ah u gudbiyaan cabasho rasmi ah European Commission, iyaga oo doonaya in la farageliyo.

Cabashadu waxay sheegaysaa in qiimaha tigidhada uu aad u sareeyo, isla markaana uusan jirin hufnaan ku filan oo ku saabsan sida loo iibiyo. Taageerayaashu waxay aaminsan yihiin in FIFA ay ka faa’iideysaneyso awooddeeda ah in ay tahay hay’adda kaliya ee tigidhada bixisa, taas oo siinaysa awood ay ku dejiso qiimo aad u sarreeya.

Qiimaha qaar ka mid ah tigidhada, gaar ahaan finalka Koobka Adduunka 2026, ayaa gaaraya kumannaan doolar, taas oo ka dhigeysa in dad badan oo taageerayaal caadi ah aysan awoodin inay ka qeyb galaan. Arrintan ayaa dhalisay dareen ah in tartanka uu noqday mid u gaar ah dadka dhaqaalaha leh, halkii uu ka ahaan lahaa dhacdo ay dhammaan taageerayaashu wada gaari karaan.

Ururrada taageerayaasha waxay sidoo kale ka cabanayaan nidaamka loo yaqaan “dynamic pricing,” oo macnaheedu yahay in qiimaha tigidhadu uu isbedelo iyadoo ku xiran baahida. Waxay sheegayaan in tani ay sii kordhinayso cadaalad darrada, isla markaana ay adkeyneyso in dadka caadiga ah ay helaan tigidh qiimo macquul ah.

Inkasta oo FIFA ay sheegtay inay bixisay qaar ka mid ah tigidhada jaban, haddana tiradoodu aad bay u yar tahay marka la barbar dhigo guud ahaan tigidhada la iibinayo. Sidaas darteed, taageerayaashu waxay weli aaminsan yihiin in dhibaatadu aysan xal muuqda helin.

Arrintani waxay ka tarjumaysaa muran weyn oo u dhexeeya ganacsiga iyo dhaqanka ciyaaraha, halkaas oo taageerayaashu ay dareemayaan in kubadda cagta laga fogeeyay dadka caadiga ah. Hadda waxaa la sugayaa waxa ay sameyso Midowga Yurub iyo haddii ay tallaabo ka qaadi doonaan FIFA si loo xakameeyo qiimaha tigidhada mustaqbalka.

Heemaal Sport

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Zidane oo xulka kubbada cagta Faransiiska la wareegaya

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HS: Wararka sheegaya in Zinedine Zidane uu si afka ah heshiis ula gaaray xiriirka kubadda cagta Faransiiska si uu u noqdo macallinka xulka qaranka ayaa si weyn u soo jiitay indhaha dunida ciyaaraha. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin, ilo badan oo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in arrintu aad ugu dhowdahay xaqiiqo, islamarkaana qorshuhu yahay in Zidane uu xilka la wareego marka uu dhammaado Koobka Adduunka 2026.

Macallinka hadda ee xulka Faransiiska, Didier Deschamps, ayaa horay u caddeeyay inuu ka tagi doono xilka kadib tartankaas. Deschamps, oo xulka hayay tan iyo 2012, wuxuu dalka ku hoggaamiyay guulo waaweyn oo ay ka mid tahay Koobka Adduunka 2018, wuxuuna noqday mid ka mid ah tababarayaasha ugu saameynta badan taariikhda Faransiiska. Sidaas darteed, bixitaankiisa kadib waxaa la filayaa isbeddel weyn oo ku yimaada jihada kooxda.

Zidane, oo ah halyey hore oo xulka Faransiiska ah isla markaana leh khibrad tababare oo heer sare ah oo uu ku kasbaday kooxda Real Madrid, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay xilkan. Guulihiisa badan iyo fahamka qotada dheer ee kubadda cagta ayaa ka dhigaya musharaxa ugu macquulsan ee beddeli kara Deschamps. Taageerayaal badan ayaa aaminsan in Zidane uu keeni karo qaab ciyaareed cusub iyo dhiirigelin cusub oo xulka u horseedi karta guulo kale.

Inkastoo heshiiska weli uusan si rasmi ah u dhaqan gelin, haddana muuqaalka guud wuxuu tilmaamayaa in Faransiisku isku diyaarinayo wejigii xigay ee taariikhdiisa kubadda cagta, iyadoo Zidane loo arko hoggaamiyaha ku habboon ee qaadi kara mas’uuliyaddaas marka waqtigu gaaro.

Heemaal Sport.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Dowladda Senegal ayaa codsatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo hay’adda CAF, kadib markii ay go’aankeeda badashay

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HS: Dowladda Senegal ayaa codsatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo hay’adda CAF (Confederation of African Football), kadib markii lagu beddelay go’aankii ugu dambeeyay ee finalka AFCON, taasoo natiijada u siisay Morocco. Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyay Senegal, iyadoo dowladda dalkaasi ay shaki ka muujisay hufnaanta iyo cadaaladda go’aan qaadashada CAF, waxayna codsatay in la baaro haddii wax musuq ah ama faragelin saameyn ku yeeshay natiijada ciyaarta.

Tani waxay dhalisay xiisad siyaasadeed iyo mid ciyaareed labadaba, iyadoo taageerayaasha Senegal iyo warbaahinta qaar ay si weyn uga falceliyeen. Dowladda Senegal ayaa tilmaamtay in go’aanka CAF uu dhaawacay kalsoonida tartanka iyo sumcadda Afrikaan ee kubadda cagta, waxayna ku baaqday in baaritaan madax-bannaan la sameeyo si xaqiiqda loo caddeeyo.

Morocco ayaa iyaduna ku faraxsan guushooda, balse arrintan ayaa weli ah mid muran dhalisay, iyadoo su’aalo ka taagan sida go’aamada hay’adaha kubadda cagta Afrika loo maareeyo iyo hufnaanta habraacyadooda.

Heemaal Sport.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Cayaaraha

Saamaynta cusub ee Ronaldo ku yeeshay La Liga

by Heemaal March 28, 2026
written by Heemaal 1 minutes read

HS: Saameynta Cristiano Ronaldo ayaa mar kale la dareemay, kadib markii uu maalgelin ku sameeyay kooxda Isbaanishka ee Almeria. Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa sheegay in kooxda ay heshay koboc weyn tan iyo markii xiddiga reer Portugal uu ku lug yeeshay.

Tebas ayaa tilmaamay in maalgelinta Ronaldo ay si muuqata u kordhisay xiisaha iyo sumcadda Almeria, iyadoo taageerayaal cusub ay soo jiidatay, isla markaana indhaha warbaahinta iyo ganacsiguba ay si weyn ugu soo jeesteen kooxda. Tani waxay sidoo kale ka caawisay dhinacyada dhaqaale iyo suuqgeyn, taasoo sare u qaadday heerka kooxda.

Ronaldo, oo hadda ka ciyaara Al-Nassr, ayaa weli leh saameyn weyn oo ka baxsan garoonka, taasoo muujineysa awooddiisa caalami ah. Maalgelintiisa Almeria ayaa noqotay tusaale kale oo muujinaya sida xiddigaha waaweyn ay door uga ciyaari karaan kobcinta kooxaha iyo horyaallada.

Saameyntan ayaa la filayaa inay sii socoto, iyadoo Almeria ay rajeyneyso inay ka faa’iideysato taageerada iyo sumcadda Ronaldo si ay u gaarto guulo waaweyn mustaqbalka.

Heemaal Sport.

March 28, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 82
  • 83
  • 84
  • 85
  • 86
  • …
  • 90
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Fursadaha uu Trump ku guuleysan karo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2026 oo si weyn u kordhay.
May 1, 2026
Spotify oo shaandhayn bilaabaysa toddobaadka danbe si loo xakameeyo (KI)
May 1, 2026
Warbaahinta caalamiga ah ayaa dalbanaysa in loo oggolaado gelitaanka Gaza
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home