Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Iiraan Oo Hadda Xirtay Marinka Hormuz Markii Israel Joojin Wayday Duqaymaha Lubnaan

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa hadda xirtay oo hakisay maraakiibta iyo gaadiidka badda ee marinka Strait of Hormuz, kadib weerarkii Israa’iil ku qaaday Lubnaan.

Tallaabadan ayaa muujinaysa xiisad sii kordheysa oo ka aloosan gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inay saameyn weyn ku yeelato isu socodka ganacsiga iyo amniga badda.

Jahwareer ayaa ka jira nooca heshiis ay wadaageen Iiraan iyo Mareykanka ee xabbad-joojinta lugu gaaray, iyadoo hadda laga maqlayo saraakiisha Aqalka Cad heshiiska 10 qodob ee Iiraan ay soo bandhigtay iyo midka ay la wadaagtay Mareykanka inuu kala duwanyahay, xilli dib loo arkayo sare u kaca xiisadda oo ay Iiraan xirtay marin-biyoodka Hormuz , halka ay sheegtay inay isaga baxayso heshiiska haddii aysan Israa’iil joojin weerarrada Lubnaan, sida ay werisey Al Jazeera.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo ku Hanjabtay Inay ka Bixi-doonto Heshiiska Xabbad-joojinta Hadii aan la Joojin Duqaynta Lubnaan

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Dawlada Iiraan ayaa ku Hanjabtay inay ka bixi doonto heshiiska xabbad-joojinta ee ay la gashay Mareykanka haddii Israa’iil ay sii waddo weerarrada ay ka geysaneyso Lubnaan, ka dib duqeymo culus oo maanta Israa’iil ka fulisay Beirut.

Sidoo kale Iiraan ayaa sheegtey in ay xidhay marin-biyoodka Hormuz, aysanna furi doonin ilaa dagaalka laga joojiyo Lubnaan, sida ay werisey ArabNews oo intaasi ku dartay in Aqalka-cad sheegey in heshiiska xabbad-joojin aysan qayb ka ahayn Lubnaan, balse Tahraan waxay sheegeysaa in xataa aysan aadi doonin wada-hadallada Pakistaan, haddii ay sii socdaan duqaymaha Lubnaan.

Iran ayaa ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaray dagaalka ay qayb ka tahay Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump Oo Sheegay In Heshiiska Xabad-joojinta aysan Qayb ka Ahayn Lubnaan.

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in heshiiska xabad joojinta aysan qayb ka ahayn Lubnaan sabab la xidhiidha Xsbulaaah. isagoo arintaasi ka hadlaya Trump wuxuu yidhi “Iiraan way ogtahay in Lubnaan laga saaray heshiiska xabad joojinta.”

Iran ayaa ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaray dagaalka ay qayb ka tahay Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.

Ururka Hezbollah ayaa aqbalay xabbad-joojin laba toddobaad ah, inkastoo Israel ay sii waddo weerarrada ay ka wado Lebanon.

Sikastaba ha ahaatee xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii Iran ay si kulul uga hadashay duqeymo culus oo Israel ka fulisay caasimadda Beirut, taasoo keeni karta in Tahran ay qaado talaabo milatari.sida uu sheegay sargaal ka tirsan Iran.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Raysal wasaraha Lubnaan Oo si Adag Uga Hadlay Weerarada ay Israel ka Wado Dalkiisa

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Raysal wasaaraha Lubnaan ayaa hadda hadlay weerarrada aan loo meel dayin ee ay Israa|l ka wadda caasimada Bayruud ee dalka Lubnaan, wuxuu yidhi: “Waxaan codsanaynaa in si kasta oo lagu joojin karo lagu joojiyo weerrarada Israa|l ee dalkeena.”

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii Iran ay si kulul uga hadashay duqeymo culus oo Israel ka fulisay Lubnaan, gaar ahaan caasimadda Beirut.

Saraakiil sare oo ka tirsan Tehran ayaa sheegay in Iran ay ciqaabi doonto Israel, iyadoo la qaadayo tallaabooyin militari oo ka dhan ah saldhigyada ciidamada Israel, sida ay warisay wakaaladda Fars.

Dhanka kale, Iran waxay ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaro colaadda ay tahay inay si cad ugu jirto Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.

Ururka Hezbollah ayaa aqbalay xabbad-joojin laba toddobaad ah, inkastoo Israel ay sii waddo weerarrada ay ka wado Lebanon.

Hezbollah waxay joojisay weerarradii ay ku hayn jirtay Israa’iil, balse Israa’iil ayaa weli duqeymo wada, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in xabbad-joojintu aysan khusayn Lubnaan.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran:-“Waxan Pakistan ku War-galinay Xadgudubyada Xabbad-joojinta ee Israa’iil ka Waddo Iran iyo Lubnaan.”

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay inuu wadahadal telefoon kula yeeshay taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, ku war-galiyay xadgudubyada xabbad-joojinta ee Israa’iil ka waddo Iran iyo Lubnaan.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Araghchi ku daabacay Telegram, wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Pakistan dadaalladeeda wax ku oolka ah ee lagu joojinayo dagaalka laguna xoojinayo nabadda iyo amniga gobolka.

Warkan ayaa imaanaya xilli xiisadaha Bariga Dhexe ay weli kacsan yihiin, iyadoo Israaiil weli wado duqeymaha iyo jebinta xabbad-joojinta.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Caafimaadka

Qalabka casriga ah ee Neefsiga ee Flaem LightNeb iyo sida loo isticmaalo

by Heemaal April 8, 2026
written by Heemaal 3 minutes read

HH: Qalabka casriga ah ee neefsiga ayaa si weyn u beddelay habka loo daaweeyo xanuunnada neef-mareenka. Mid ka mid ah qalabkaas waa Flaem LightNeb, oo ah aerosol (nebulizer) yar oo la qaadi karo, loona adeegsado in daawada dareeraha ah loogu beddelo ceeryaamo si fudud loo neefsado. Qalabkani wuxuu si gaar ah faa’iido ugu leeyahay dadka qaba cudurrada sida asthma iyo bronchitis, kuwaas oo u baahan daaweyn joogto ah oo si toos ah u gaarta sambabada.

Marka la barbar dhigo hababka kale ee daaweynta, LightNeb wuxuu fududeeyaa in daawadu si degdeg ah u gaarto meelaha ay dhibaatadu ka jirto, taasoo ka dhigaysa mid wax ku ool ah. Intaa waxaa dheer, cabbirkiisa yar iyo fudaydka qaadistiisa ayaa ka dhigaya qalab ku habboon dadka safarka badan ama carruurta iyo waayeelka u baahan daryeel joogto ah.

Dawo kasta oo lagu isticmaalo nebulizer-ka sida LightNeb waxay leedahay shaqo gaar ah. Qaar waxay furaan hawada. Qaar waxay yareeyaan bararka. Qaarna waxay jilciyaan xabka.

Aad bay muhiim u tahay, Inaad isticmaasho kaliya daawada uu dhakhtarku kuu qoray. Inaad ogaato in isku darka dawooyinka mararka qaar loo isticmaalo si loo helo natiijo fiican

Faa’iidooyinka uu leeyahay qalabkani.

  • Waa yar yahay, si fududna waa loo qaadan karaa
  • Aamusnaan ayuu ku shaqeeyaa (ma buuq badna)
  • Si degdeg ah ayuu daawada ugu beddelaa ceeryaamo
  • Ku habboon carruurta iyo dadka waaweyn
  • Waxay si toos ah u gaarsiisaa daawada sambabada

Dhibaatooyinka

  • Qiimaha ayaa mararka qaar sare noqon kara
  • Waxaa loo baahan yahay in si joogto ah loo nadiifiyo
  • Haddii aan si fiican loo nadiifin, wuu xannibi karaa (mesh-ka)
  • Waxay ku xirnaan kartaa batari ama koronto

Waxa looga baahan yahay qofka isticmaalaya

  • In uu helo daawo uu dhakhtar qoray
  • In uu fahmo sida qalabka loo shaqaysiiyo
  • Nadaafad joogto ah (gacmo nadiif ah iyo qalab nadiif ah)
  • Dulqaad (inuu fadhiisto 5–10 daqiiqo inta uu isticmaalayo)

Sida loo isticmaalo

  1. Ku shub daawada weelka qalabka
  2. Shid qalabka
  3. Ku xir mask ama mouthpiece
  4. Si tartiib ah u neefso ilaa daawadu dhammaato
  5. Markaad dhammayso, nadiifi qalabka

Wakhtiga la isticmaalo

  • Marka uu dhakhtarku kuu qoro (tusaale 1–2 jeer maalintii)
  • Marka calaamadaha neefta ama qufaca ay kugu bataan
  • Carruurta: sida uu dhakhtarku u faro
  • Badanaa waxaa la isticmaalaa subax iyo fiid

Dawooyinka lagu isticmaalo Flaem LightNeb

Qalabka LightNeb waxaa lagu shubaa dawooyin dareere ah oo si gaar ah loogu talagalay nebulizer. Dawooyinkani way kala duwan yihiin, mid walbana wuxuu leeyahay faa’iido iyo khasaare u gaar ah.

1. Daawooyinka Furaya Marinnada Hawada (Bronchodilators)

Salbutamol

Faa’iido:

  • Si degdeg ah ayuu u furaa marinnada hawada
  • Waxay yareysaa neefta kacsan (asthma attack)
  • Waxay fududeysaa neefsiga isla markiiba

Khasaaro:

  • Wadno garaac degdeg ah (palpitations)
  • Gariir yar (gacmaha)
  • Mararka qaar madax wareer
Ipratropium bromide

Faa’iido:

  • Waxay ka caawisaa furitaanka hawada muddo dheer
  • Ku fiican dadka qaba COPD ama bronchitis

Khasaaro:

  • Af qalayl
  • Dhadhan aan fiicnayn
  • Mararka qaar madax xanuun

2. Daawooyinka Bararka Yareeya (Steroids)

Budesonide

Faa’iido:

  • Waxay yareysaa bararka sambabada
  • Waxay ka hortagtaa weerarada neefta
  • Ku fiican isticmaalka joogtada ah

Khasaaro:

  • Cunaha oo xanuuna ama qalala
  • Infekshan fudud oo afka ah (oral thrush) haddii aan la dhaqin afka kadib

3. Daawooyinka Qoyaanka iyo Xabka Jabiya

Sodium chloride

Faa’iido:

  • Waxay qoyaan siisaa marinnada hawada
  • Waxay fududeysaa qufaca iyo soo saarista xabka
  • Aad bay u badbaado badan tahay

Khasaaro:

  • Saameyn daawo oo xoog leh ma leh (waa caawimo kaliya)
Acetylcysteine

Faa’iido:

  • Waxay jebisaa xabka adag
  • Waxay fududeysaa in la qufaco xabka

Khasaaro:

  • Ur xooggan oo aan fiicnayn
  • Mararka qaar waxay keeni kartaa qufac badan.
Magaca DaawadaNoocaFaa’iidooyinkaKhasaaraha
SalbutamolFuraha hawada (Bronchodilator)– Degdeg u furaa hawada- Neefsiga fududeeya- Ku fiican xaaladaha degdegga ah– Wadno garaac- Gariir- Madax wareer
Ipratropium bromideFuraha hawada– Saameyn dheer- Ku fiican bronchitis/COPD– Af qalayl- Dhadhan xun- Madax xanuun
BudesonideSteroid (barar yareeye)– Yareeya bararka- Ka hortaga asthma- Isticmaal joogto ah– Cunaha xanuun- Infekshan afka ah
Sodium chlorideQoyaanka (Saline)– Qoyaanka hawada- Fududeeya xabka- Badbaado badan– Saameyn daawo oo yar
AcetylcysteineXab jabiye (Mucolytic)– Jebiya xabka- Fududeeya qufaca– Ur xun- Qufac kordha

Heemaal Health.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xasan Sheekh oo Koonfur Galbeed kusoo Gebagabeeyay Dadaallo dib u Heshiisiin iyo Wada-tashi ( Sawiro)

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada, loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.

Kulamadaan, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo Lacag kusoo Rogtay Maraakiibta Shidaal ah Ee ka Gudbaya Marinka Hormuz,

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa ka dalbanaysa 1 dollar fuusto kasta oo shidaal ah oo ka gudbaysa marin-biyoodka Hormuz, waxayna rabtaa in lacagtaas lagu bixiyo lacagaha dhijitaalka ah ee crypto, iyadoo maalin kasta marinkan ay ka gudbaan 20 milyan oo fuusto, taa oo ka dhigan maalintii 20 milyan oo dollar inay ka helayso shidaalka ka gudbaya Hormuz, sida uu sheegay wargeyska Financial Times.

Iiraan ayaa qorsheyneysa inay si xaddidan oo ay iyadu maamusho u furto marinka Hormuz, ka hor wada-hadallo ay la yeelaneyso Maraykanka oo ka dhici doona Pakistan jimcaha todobaadkan.

Iiraan waxay sheegtay in maraakiibta ay khasab ku tahay inay u hoggaansamaan amarka Ilaalada kacaanka, iyadoo xabbad-joojintu weli tahay mid jilicsan, balse ay diyaar u tahay inay dagaal ku laabato haddii loo baahdo.

Iiraan waxay isku dayeysaa inay xakameyso marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, iyadoo weli albaabka u furan wada-hadal iyo suurtagal dagaal cusub.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israa`iil Oo Xoojisay Duqeymaha ay ka Geysanayso Magaalada Beirut

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Israa’iil ayaa xoojisay weerarraa ay ku hayso caasimada dalka Lubnaan iyadoo sheegtay inay fulisay weerarkii ugu weynaa ee isku-duuban xilli dagaalka Iran hakad galay.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay duqeymo xooggan ku qaadeen bartilmaameedyo badan oo la xiriira ururka Hezbollah ee gudaha Lubnaan, taas oo loo arko mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda socda.

Weerarradan ayaa imanaya xilli uu jiro xabbad-joojin ku meel gaar ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, balse Israa’iil ayaa sheegtay in heshiiskaasi uusan khusayn Lubnaan, isla markaana ay sii wadi doonto howlgaladeeda militari

Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarradooda haddii aan la joojin duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan, iyadoo heshiiskii xabbad-joojinta ee xalay la gaaray uu sheegay ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif inay qayb ka tahay joojinta weerarrada Lubnaan, balse Israa’iil ayaa sii waday weerarradaa Netanyahuna wuu sheegay inaysan Lubnaan qayb ka ahayn xabbad-joojinta, sida ay baahisay Al Jazeera.

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Gudoomiyaha Doorashooyinka Oo kormeerey Goobaha ay ka Socodan Diiwangelinta Baydhabo

by Heemaaln April 8, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 8, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 55
  • 56
  • 57
  • 58
  • 59
  • …
  • 89
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Aqalka Cad: Ma doonayno heshiis la mid ah kii Obama
May 1, 2026
US State Department says they don’t want an Obama-style
May 1, 2026
Somalia Oo Dhoolatus Ciidan kala Qeyb-gashay Mareykanka, Turkiga Iyo Dalal kale
April 30, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home