Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Pakistan Oo ka Codsaday Trump inuu Kordhiyo Waqtiga Uu u Qabtay Iran,Iyo Mudaharaado ka Socda Iran

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa ka codsaday Trump inuu kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah ee uu u qabtay Iiraan.

Shehbaz Sharif ayaa yidhi “Waxaan si daacadnimo leh uga codsanayaa Trump inuu laba toddobaad ku kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah, sidoo kale waxaan ka codsanayaa Iiraaniyiinta inay furaan marin biyoodka Hormus muddadaas labada toddobaad ah.”

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in haddii caawa Trump ka dhabeeyo hanjabaadihiisa, ay adduunka tusi doonaan “surprise (yaab)” cusub, iyagoo ka jawaab celin doona meel ka baxsan gobolka.

Wakhtiga kama dambeysta ah ee Trump uu u qabtay Iiraan waxaa ka dhiman 5 saac iyo 20 daqiiqo.

Dhanka kale Dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo Iiraan oo caawa ka socda magaalooyinka dalkaasi

Mareykanka ayaa laga cabsi qabanaa inuu weeraro ballaaran ku ekeeyo Iiraan oo maalmihii lasoo dhaafay u dirayay hanjabaado culus oo ku sheegayo inuu dhulka la simayo Iiraan.

Geeska afrika markii ay Saacada tahay 03:00 AM ee habeenimo ayuu ku egyahay xilliga kama dambeysta ah ee Donald Trump u qabtay kahor inay Iiraan heshiis aqbasho ama ay furto marin biyoodka Hormus.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Imaaraadka Oo Wax Laga Xumaado ku Tilmaamay Qaraarkii ay Diideen Ruushka Iyo Shiinaca

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay iney si wayn uga xun yihiin in gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta ansixin qaraarkii lagu joojinayay weerarada Iiraan ay ku qaadayso maraakiibta maraya marin biyoodka Hormus iyo hanjabaadaha ay ku hayso dhaqaalaha caalamiga ah.

Imaaraadku wuxuu sheegay iney muhiim tahay in marinka Hormus uu u furan yahay dhamaan maraakiibta, Isla markaana uusan jirin Dal awood u leh inuu xidho wadooyinka wadooyinka ganacsiga caalamiga ah.

Imaaraadku wuxuu sheegay in gollaha ammaanku uu arintan ku fashilmay, waxayna sheegeen iney sii wadayaan dadaalada caalamiga ah ee dib loogu furayo marin biyoodka Hormus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kuweyt ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkooda iney guryahooda joogaan oo ay kasoo bixin laga bilaabo saqda dhexe ee caawa ilaa 6-da subaxnimo ee berri.

Xaalada gobolka ayaa aad u kacsan, waxaa laga cabsanayaa in gobolku uu saqda dhexe ee caawa galo xaaladii ugu darneyd.

Sidoo kale qaar ka mid ah Dalalka Carabta ayaa dadkooda faray in aysan dibed u soo bixin caawa, cabsi laga qabo weerarro culus oo ka yimaadda Iiraan, ka dib markii ay natiijo la’aan noqdeen dedaalladii lagu dejinayey dagaalka Bariga-dhexe, iyada oo Trump uu ku adkaystay in uu weerar aan hore loo arag ku ekeyn doono Iiraan.

Iiraan ayaa iyana sheegtey in aysan waxba ula hadhayn Mareykanka & dal kasta oo uu saldhig ku leeyahay, siday werisey wakaaladda Kacaanka ee Fars.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Wakiillada Ruushka iyo Shiinaha Oo ka Hadlay Kulankii ay ku Diideen Qaraarkii ka Dhan ka ahaa Iran

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wakiillada Qaramada Midoobay ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee ay ku diideen qaraar la xidhiidhay in xoog lagu furo marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Safiirka Ruushka, Vassily Nebenzia, ayaa sheegay in dalkiisu taageersan yahay in marinnada caalamiga ah ay furnaadaan, balse qaraarkan uu ahaa mid hal dhinac u janjeedha, isla markaana dhaawici kara dadaallada nabadeed ee socda.

Safiirka Shiinaha, Fu Cong, ayaa isna sheegay in inkastoo ay ka walaacsan yihiin xidhitaanka marinka Hormuz, haddana qaraarku uusan si sax ah uga tarjumayn sababaha dhabta ah ee khilaafka, isla markaana uu yahay mid cadaadis hal dhinac ah.

Dhanka kale, wakiilka Mareykanka, Mike Waltz, ayaa si adag u dhaliilay Ruushka iyo Shiinaha, isagoo sheegay inay mar kale carqaladeeyeen shaqadii Golaha Ammaanka, isla markaana veto-ga ay adeegsadeen uu yahay tallaabo hoos u dhigaysa kalsoonida

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Mareykanka: Xubo ka tirsan Aqalka Kongareeska Oo soo jeediyey in xilka laga Qaado Trump

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Mareykanka: In ka badan labaatan xubnood oo ka tirsan Aqalka Kongareeska ayaa soo jeediyey in xilka laga qaado Trump ama awoodda loo wareejiyo Madaxweyne Ku-xigeenka — TheTime.

Ro Khanna oo ka tirsan congress ka mareykanka ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Donald Trump iyadoo la adeegsanayo wax ka beddelka 25-aad, isagoo ku eedeeyay inuu khatar ku yahay amniga caalamka isla markaana uu muujinayo ixtiraam la’aan ku wajahan dadka ku nool Iran, Gaza iyo Cuba.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ficilladiisa ay noqon karaan dambiyo dagaal, halka baaqyadan ay ka dhex kaceen xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa gudaha Mareykanka.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iran Oo Pakistan ku Wargalisay Inay Haysato 15,000 gantaal iyo 45,000 Drones- ah.

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa Pakistan oo kamid ah dhexdhexaadiyeyaasha u sheegtay iney aamisan tahay in dagaalka ay ku guuleysan karto Isla markaana ay haysto 15,000 oo gantaal iyo 45,000 diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ah, sida uu ku waramay Wall Street Journal.

Sidoo kale warbixinta WSJ waxaa lagu sheegay in Iiraan kahor inta ay Wadahadalada joojin ee lagu jirey wada xaajoodka ay muujisey mawqif adag oo aan tanaasul lahayn.

Wargayska WSJ ayaa xogtaas ka soo xigtay Pakistan oo fariimaha laysku dhaafsanayay.

Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa si cad u sheegay in Iiraan ay gabi ahaanba iska diiday xabad joojin kumeel gaadha. Wuxuu cadeeyay in Iiraan ay rabto.

– in si buuxda loo joojiyo dagaalkan.

– iyo iney hesho damaanad qaad buuxa oo lagu xaqiijinayo in markale aan lasoo wareerayn.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Heemaal

Erdogan Oo Galabta Booqday Xarunta Hubka Turkiga Ee Roketsan Oo soo Saartay Gantaalihii Ugu Horeeyay.

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Madaxwaynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa galabta booqasho ku tagay xarunta Sharkadda Qalabka difaaca iyo hubka Turkiga ee Roketsan ayaa soo bandhigtay wax soo saarkeeda dhinaca gantaalada oo ay markii ugu horaysay soo saartay.

Booqasho uu Erdoğan ku tagay waxaa uu ku sheegay in qalabkan lagu maalgeliyay $1B oo doolar, guud ahaan sharikadda waxsoosaarkeedana la geliyay $3B oo doolar.

Erdoğan ayaa baahiyay sawirka Gantaalka Tayfun 4, oo ah ballistic missile ah masaafo ahaanna gaaraya 1,500km, waxa uu amray madaxwayne Erdogan in soo saarida hubkan la dardargeliyo si qatarta gobolka ka jirta uu uga gaashaanto Turkiga.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Somaliya Oo Galabta u Codaysay Qaraar ka Dhan ahaa Iran Ee la Horgeeyey Golaha Ammaanka

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Soomaaliya ayaa galabta u codaysay qaraar la horgeeyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo la doonayey in awood millatari loo adeegsado sidii loo furi lahaa Marinka Hormuuz.

Waxa kaloo qaraarkan u coddeeyey dalalka Baxrayn, DR Congo, Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Giriiga, Liberia, Latvia iyo Panama.

Hasayeeshee, waxa qaraarkan codka diidmada qayaxan ku fashiliyey Shiinaha iyo Ruushka.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Baxreyn ayaa markii uu meel mari waayay qaraarkii ku saabsanaa furitaanka marin biyoodka Hormus, wuxuu canaan kala dul dhacay gollaha ammaanka.

Wuxuu sheegay in Dalalka Sucuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuweyt iyo Jordan ay aad uga xun yihiin inaan la ansixin qaraarkii maanta la hor geeyay gollaha ammaanka.

Wuxuu ku eedeeyay gollaha ammaanka iney ku fashilmaan masuuliyadooda, Isla markaana ay indhaha ka laabteen dhaqanka sharci darada ah ee Iiraan ay ku xidhatey marinka Hormus, kaasoo u baahnaa talaabo adag in laga qaado.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Dowlada Federaalka oo Amar Degdeg ah ku Bixisay soo Celinta Saraakiil ka Howlgalayay Puntland

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Wararka laga helayo deegaannada Puntland ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u yeertay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo ka howlgala qaar ka mid ah gobollada Puntland, gaar ahaan Mudug, Nugaal iyo Bari.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in saraakiishan lagu wargeliyay inay si degdeg ah ugu soo laabtaan, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa amarkan. Sidoo kale, ma cadda qorshaha istaraatiijiyadeed ee arrintan la xiriira iyo waxa ka dhalan kara.

Arrintan ayaa imaneysa xilli xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalka ay marayaan marxalad xasaasi ah, taasoo keentay in la isweydiiyo ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa dhaq-dhaqaaqan cusub.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka kama aysan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan arrintan, hase yeeshee la soco wixii kusoo kordha.

Maxaa ka dambeeya amarkan?

Falanqeeyayaal dhanka amniga ah ayaa qaba in tallaabadan ay la xiriiri karto dhowr arrimood oo is biirsaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

• Isbedello lagu sameynayo qaab-dhismeedka hoggaanka ciidamada
• Qorsheyaal cusub oo amni oo laga yaabo in la diyaarinayo
• Xaalado siyaasadeed oo u baahan isku dubbarid ciidan

Sidoo kale, waxaa jira tuhunno la xiriira in Dowladda Federaalka ay doonayso in ay dib u qiimeyso joogitaanka iyo howlgalka ciidamada ee deegaanada Puntland, iyadoo la eegayo xaaladda guud ee dalka.

Xaaladda guud ee dalka

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Somalia ay wajahayso xaalado is biirsaday oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Dagaallada lagula jiro kooxaha hubeysan
• Khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada
• Isbeddello ka socda gudaha hay’adaha amniga

Jawaab la’aan rasmiga ah

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo caddeynaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa u yeerista saraakiishan, taasoo sii kordhisay hadal-heynta iyo falanqaynta ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee tallaabadan.

Saadaasha iyo waxa laga filan karo

Khabiirada ayaa tilmaamaya in haddii amaradan ay sii socdaan, ay saameyn ku yeelan karaan:

• Howlgalada amni ee ka socda gobollada waqooyi-bari
• Iskaashiga u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland
• Xasiloonida guud ee dalka

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo iftiimin doonta sababaha rasmiga ah iyo qorshaha ka dambeeya tallaabadan.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Wadahadallada u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan Oo Horumar Sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa horumar sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Pakistan ayaa weli ku dadaalaysa sidii loo heli lahaa fursad lagu gaari karo heshiis diblomaasiyadeed, sida uu sheegay ilo xog ogaal ah, hase yeeshee weerar lagu qaaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla Sucuudiga ayaa hoos u dhigi kara fursadahaas.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo helo xal, ka hor inta uusan dagaalku sii fidin oo uu ka bixin xakameynta.

Waxaa barbar socda dadaalada yaraynta weerarada milatari ee Iiraan, iyada oo uu soo dhowaaday ballankii kama dambaysata ahaa ee madaxweynaha Maraykanka Donald trump uu ballan qaaday.

Trump wuxuu sheegay in laga yaabo iney wax iska badalaan Weerarada qorsheysan ee Iiraan lagu qaado hadii aysan heshiis gelin inta ka horeysa 8-da fiidnimo ee wakhtiga Washington, sida ay ku warantay ABC News.

Iran waxay u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha, in ay weli haysato 15,000 gantaal iyo 45,000 drone, isla markaana ay aaminsan tahay inay dagaalka ku guulaysanayso, sidaas darteedna aysan dib uga laabanaynin mowqifkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, in heshiis xabbad-joojin ah lagu gaaro waqtiga kama dambaysta ah ee uu dejiyay Trump 8-da fiidnimo xiliga Mareykanka weli waxay u muuqataa mid aad u adag, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Axios.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xilalka Uu M/Ciro Magacaabay Oo ay ka Muuqato Sadbursi Iyo Saluuga Reer Awdal

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta magacaabay xilal tiro ahaan gaadhaya illaa 26 xil, marka aad ka eegto dhanka saami-qaybsiga beelwayta Gadabuursi ee degta Gobollada Awdal, Selel iyo Gabiley waxa kaga soo hagaagay 4 xil taasi oo marka boqolley loo badalo u dhigmaysa 15% macneheedu yahay in 100% ee xilalka uu maanta magacaabay madaxwayne Cirro 85% ka mid ahi yihiin beeshiisa.

Waxa yaabka yaabkiis ah in Cirro hore usoo saaray 105 digreeto Reer Awdal ku lahaayeen 5 xubnood halka 100 degaankiisa ahaayeen

Golaha dhaqanka gadabuursi iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Markii Ay waydiiyeen Sida uu wax u wado wuxu ku yidhi anigii ay igasoo baxdeybaa yaaban ee dib baan ka saxayaaye isuga

Maantana Waan Aragnaa Sida uu u dhigay Markale Maxaan ka sugnaa oo inoogu hadhay Ninkaasi

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 57
  • 58
  • 59
  • 60
  • 61
  • …
  • 89
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal News Network
  • Home