Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Maraykanka Oo ku Eedeeyay Iran Inay si cad Ugu Xadgudubtay Sharciyada Caalamiga ah

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Xoghayaha arimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Iran ay si cad ugu xadgudubtay dhammaan sharciyada caalamiga ah kadib markii ay weerar ku qaadday maraakiib ganacsi oo marayay marinka Hormuz.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Iran ay tahay nidaam aan rumaysnayn sharci, xeerar iyo nidaamka caalamiga ah, isagoo ku sifeeyay inay tahay dowlad si rasmi ah u taageerta argagixisada.

Hadalkaan ayaa kuso beegmaya Xili mareykanka iyo israa’iil ay beegsanayaan dhamaan goobaha kaabayasha rayidka iyo goobaha waxbarashada iyo isbitaalada rayidka ee Iran.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha dowladiisa ee ku sugan Dalka Baxreyn iney ku nagaadaan meelaha ay joogaan ilaa amar dambe.

Mareykanku wuxuu sheegay in safaaradii Mareykanka ee ku taalay Caasimada Baxreyn ee Manama ay joojisey dhamaan adeegyadii caadiga ahaa, sida bixinta fiisaha iyo caawinta muwaadiniinta.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Shiinaha iyo Ruushka Oo Codka Diidmada Qayaxan ku Horjoogsaday Qaraar ka Dhan ahaa Iran Oo Golaha Ammaanka

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hada ku guul dareystay inuu meel mariyo qaraar qabyo ah oo ku saabsanaa in xoog lagu furo marin biyoodka Hormus, kadib markii Shiinaha iyo Ruushku ay isticmaaleen awoodooda codka diidmada qayaxan (VETO).

Dawladaha Shiinaha iyo Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku doonayey in awood millatari lagu furo Marin-biyoodka Hormuuz ee u xidhan dalka Iran.

Qaraarka ay Golaha Ammaanku u coddeeyeen mar dhawayd, waxa ansixintiisa ogolaaday 11 dal, waxaana ka aamusay dalalka Pakistan iyo Colombia, balse waxa fashiliyey codka diidmada qayaxan ee Ruushka iyo Shiinaha.

Qaraarkani wuxuu ubaahnaa oo kaliya iney 9 xubnood taageeraan, wuxuuna helay 11 xubnood, taasoo si fiican ugu filneyd inuu qaraarkani meel maro.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Aqalka Cad Oo Beeniyay inuu Trump Qorsheynayo Weerar Nukliyeer ah Iyo Nataniyahu Oo ka Digay Heshiis

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyay inuu Trump qorsheynayo weerar nukliyeer ah oo laga fuliyo gudaha Iiraan inuu amar ku bixiyo, iyadoo la sheegay hadal kasta oo la xiriirta inuusan xaqiiqo ahayn, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP.

Trump ayaa hadda u sheegay Fox news ; “Saacadda 8:00 fiidnimo waa la gaari doonaa, haddii aan gaarno, waxaa dhici doona weerar aysan weligood arag…balse haddii wada-hadalladu hore u socdaan oo ay jiraan wax cad oo la taaban karo, waqtiga kama dambaysta ah waa la beddeli karaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku boorriyey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, inuusan waqtigan raadin xabbad-joojin lala galo Iran, isaga oo muujiyey walaac ku saabsan khataro suurtagal ah, sida lagu sheegay warbixin ay Isniintii daabacday Axios.

Intii lagu jiray wicitaan telefoon oo dhacay Axaddii, Netanyahu ayaa muujiyey shaki ku saabsan suurtagalnimada xabbad-joojin lala gaaro Iran, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay keeni karto khataro istaraatiiji ah, sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay Axios.

Baxrayn ayaa ku guul-darraysatay qaraar ay ku doonaysay Golaha Ammaanka inuu soo saaro go’aan lagu furayo marin-biyoodka Hormuz ee u xiran Iiraan,kadib markii Ruushka iyo Shiinaha ay adeegsadeen awooddooda diidmada qayaxan (veto).

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Dadwaynaha Iran Oo Iskugu soo Baxday Goobaha Maraykanku Sheegay Inuu Duqaynayo.

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Dadweynaha Iiraan ayaa bilaabay inay isugu soo baxaan agagaarka xarumaha korontada, goobaha nukliyeerka iyo buundooyinka muhiimka ah, ka dib markii dawladda Iiraan ay dadweynaha ugu baaqday inay goobahaa tagaan oo isku soo baxyadan looga hortaggo weerarro Mareykanka iyo Israa’iil ay ka fulin karaan xarumahan.

Sidoo kale,Madaxweynaha Iran ayaa maanta sheegay in isaga iyo 14 milyan oo muwaadiniin ahi ay naftooda u hurayaan difaaca dalkooda, taasi oo loo fasirtay inay tahay in dadku isku xeerayaan xarumaha muhiimka ah, si haddii la weeraro ay halkaasi ugu wada dhintaan.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa galabta sheegay in ilbaxnimada Iran ay burburi doonto caawa haddii aanay dawladda Iran si bilaa shuruud ah u furin Marin-biyoodka Hormuus.

Geesta kale, Dawladda Iran ayaa ku hanjabtay in Israa’iil iyo dalalka Khaliijku ay koronto la’aan geli doonaan haddii la weeraro warshadaheega tamarta, waxayna Iran si gaar ah u xustay in xarumaha warshadaha tamarta Sucuudigu ay burburi doonaan, halka sidoo kale ay Iran burburin doonto dhammaanba biriijyada waaweyn ee dalalka Gobolka.

Halka sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ay sheegeen inay ka bixi doonaan is xakamaynta ay ku jiraan oo ay weerari doonaan meelo ka baxsan Gobolka Beriga Dhexe.

Waxa kaloo ay Iran ka digtay in haddii dagaalku sii adkaado ay Xuutiyiinta Yemen xidhi doonaan Badda Cas iyo Marin-biyoodka Baab Al-mendab ee isku xidha Badda Cas, Gacanka Caddan iyo Badweynta Hindiya.

Dhinaca kale Iiraan waxay xirtay dhammaan marinnadii diblomaasiyadeed iyo xiriirradii aan tooska ahayn ee ay la lahayd Mareykanka, xilli saacado yar ay ka dhimanyihiin waqtigii Trump u qabtay Iiraan inay heshiis ku qaadato, haddii kale uu burburinayo kaabayaasha tamarta Iiraan, sida ay werisey Al Arabiya oo xiganaysa wargeyska Tehran Times.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawlada Iran ayaa sidoo kale ka digay in haddii xaaladdu sii xumaato oo xiisaddu ay ka baxdo gacanta, xulafada Iiraan ay qaadi karaan tallaabooyin adag, oo ay ka mid tahay in la xiro marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-Mandeb, kaas oo ah marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah. Tallaabadaas, ayuu sheegay, waxay si weyn u saameyn kartaa ganacsiga caalamiga ah iyo gaadiidka shidaalka, taasoo kordhin karta khatarta dagaal iyo xiisad dhaqaale oo baahsan.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxwayne Deni oo Sheegay inuu Diyaar u yahay Dagaal “Dagaal xaq ah ayaan Galeynaa..”

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Xasan Sheekh Oo Gudoomiyay Shir Uu la Yeeshay Golaha Wasiirada Iyo Taliyayaasha Ciidamada

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay, shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta amniga dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta awoodda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka, si loo dardar geliyo adeegyada bulshada, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka.

DHAMMAAD

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Heemaal

Somaliya Oo Maanta, Markii ugu Horreysay la Wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah, taas oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika, Amb. Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Madaxwayne Ciro Oo Mar Labaad Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Sameeyay

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israa’iil Iyo Iran Oo Digniinihii Ugu Adkaa Hawada Isku Mariyay

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Milatariga Israa’iil ayaa uga digay rayidka Iiraan inay ka fogaadaan xarumaha tareenada maanta. Waxaa ay dabasocotay, iyada oo warbaahinta Iiraan ay sheegtay in buundo dhabaha-tareenada la duqeeyay, taasi oo dhacda Kashan, ayna ku dhinteen laba qof.

Masuuliyiinta Iiraan ayaa lagu soo waramayaa inay baajiyeen adeegyada qayb kamid ah tareenada iyaga oo ka jawaabaya xaalada degdega ah.

Sida ay sheegtay BBC laanteeda afka-Persia, Iiraaniyiinta ayaa isku dayayay inay gudbiyaan warka si ay ugu digaan saaxiibadooda iyo qoyskooda, iyada oo ay jirto Internet la’aan, waxaa ay taasi ka dhigan tahay in dad yar ay arkayaan farimahaasi.

Dhanka kale, IDF ayaa sheegtay inay duqeysay goobtii saddexaad ee Batroolka-kiimikada ee Koonfur Galbeed Iran, Isniintii.

(Waxaa la sheegay in xarunta ay soo saari jirtay aashitada nitric ee ganataalada balaastikada. Warbaahinta Iiraan ayaa ee lala xiriiriyo dowladda ayaa sheegtay inay ku dhinteen 18 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah subaxnimadii hore duqaymo lala beegsada gobolka Alborz ee ku dhow Tehran).

Iiraan oo Dhankeeda jeedisay digniintii u dambaysay ‘’dulqaadkii waa naga dhammaaday’’

Taliska ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa iyaga oo farriin u diraya dowladaha dariska ku sheegay inuu ‘’dulqaadkii ka dhammaaday’’, waxaana ay sheegeen inay beegsanayaan Maraykanka iyo xulufadiisa iyaga oo ku goodiyay inay cuuryaamin doonaan xarumaha gaaska iyo shidaalka ee gobolka.

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Turkiga oo Aqoonsaday Kooxda Weerarka ka Fulisay Qunsuliyada Israel Ee Istanbul Iyo Israel Oo ka Hadashay

by Heemaaln April 7, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa magacowday saddex nin oo hubaysan oo ka qayb qaaday toogashada ka dhacday meel u dhow qunsulida Istanbul. Mid kamid ah kooxdaasi ayaa la toogtay, halka laba kale ay ciidamo dhaawaceen.

Bayaan lagu daabacay barta X oo laga soo turjumay af-Turki ayaa wasiirku ku sheegay in ninka hubaysan ee la dilay lagu magacaabo Yunus E.S, isaga oo aan bixin faahfaahin intaas ka dheeri ah, waxaana ay dowladdu la xiriirisay koox argagixiso ah.

Labada dhaawacan ayaa lagu kala magacaabaa Onur Ç and Enes Ç – oo la sheegay inay walaalo yihiin.

Labada askari ee ku dhaawacmay toogashada ayaan xaaladoodu halis ku jirin, sida bayaanku uu intaasi ku daray, mid kamid ah askartaasi ayaa ka dhaawacmay lugta halka kan kalana uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhagta.

‘’Isgaarsiinta casriga ah ee horumarsan ayaa aqoonsatay saddexda weerarka soo qaaday, waxaana socda su’aal weydiinta argagixisada dhaawacantay,’’ ayaa lagu yiri.

Israa’iil Oo si Adag Uga Hadashay Weerarka Lagu Qaaday Safaaradeeda Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si xooggan u cambaaraysay ‘’Weerar argagixiso oo lagu soo qaaday qunsuliyada Istanbul’’.

‘’Waxaynu ka mahadnaqaynaa talaabada degdega ah ee ciidamada ammaanka Turkiga ay uga hortageen weerarka,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada oo lasoo dhigay barta X.

Waxaa ay intaa ku dartay: ‘’Howlgalada Israa’iil ee guud ahaan caalamka ayaa la kulmay handadaadyo aan xisaab lahayn iyo weeraro argagixiso. Weerar argagixiso nama hor-istaagayo.’’

April 7, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Newer Posts
Older Posts
  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

  • Dhibaatada Tottenham way sii socotaa: – Hadda xaaladdu aad bay ugu adag tahay

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Somalia Oo Dhoolatus Ciidan kala Qeyb-gashay Mareykanka, Turkiga Iyo Dalal kale
April 30, 2026
Trump Oo Caawa ka Hadlay Arimo Badan Oo ku Saabsan Xaaladda Iiraan
April 30, 2026
Iiraan Oo si Adag Uga Hadashay Weerarkii Lagu Eedeeyay Ee Ninka Somaliga Uu ka Gaystay London
April 30, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home