Qadar Oo Muujisay Mowqifkeeda Wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay la xiriireyso dhammaan dhinacyada IIraan iyo Mareykanka ka hor wadahadallada wareega labaad ee ka dhacaya magaalada Islamabad.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Qatar Majed Al-Ansari oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Qatar ay door wax ku ool ah ka ciyaari doonto dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan, isla markaana Pakistan ku taageereyso sidii dhinacyada u gaari lahaayeen heshiis iyo xal siyaasadeed.

“Ma dooneyno inaan ka hadalno fashilka wadaxaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, Balse dunida oo dhan ayaa taageeraysa wadahadalladan. Annaguna qayb ayaan ka nahay. Waxaan taageeraynaa walaalaheenna Pakistan.”

Majid Al-Ansari ayaa intaas ku daray in dhammaan dalalka Khaliijka ay maalin kasta xiriir toos ah la leeyihiin dhinacyo kala duwan. “Tani waa dhibaato ka jirta gobolka. Taasi waa sababta aan u leenahay xiriir toos ah.”

Marka laga hadlayo xiritaanka Marinka Hormuz, afhayeenku wuxuu yiri: “Xallinta dhibaatada Marinka Hormuz mas’uuliyaddeeda ma saarna hal dal oo keliya, balse waa mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan dalalka. Haddii xiritaanka Marinka Hormuz uu sii socdo, waxay dhibaatadan ka dhigeysaa mid caalami ah halkii ay ahaan lahayd mid gobol ku eg.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.