6 Qof Oo ku Dhimatay Duqayn lala Eegtay Kaluumaysatada Degmada Jariiban

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

kaluumaysata Deegaanka Jiifle ayaa lagu dhuftay Gantaal 6 qof ayaa ku dhintay 2 ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay sida la xaqiijiyay dadka Deegaanka Jiifle ee Degmada Jariiban.

Ragan oo ahaa kaluumaysato ayaa saarnaa saxiimad kaluumaysi xiligii lala eegtay Gangaal laga soo tuuray Markab, kuwaasoo lala xiriiriyay burcad badeednimo.

Puntland ayaa soo laabashada burcad-badeeda ku eedeysey DFS iyo shisheeye aysan magacaabin, sida uu goordhaweyd sheegey Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Bile Qabowsade; “Dagaalka kale ayaa lagu soo qaaday Puntland, kaas oo ah abuuridda xasarado amni darro in laga sameeyo badaha Puntland, iyadoo kooxo abaabulan ay marinada biyaha badaha caalamiga ka soo qabsanayaan marakiib, si dhanka xeebaha iyo badda qalqal amni looga abuuro Puntland.

Dowladda Puntland waxay xoojinaysaa amniga iyo xasilloonida bad iyo berri, iyadoo qorshayaal lagu suggayo amniga xeebaha iyo Badaha Puntland la diyaarinayo, si tallaabo adag looga qaado isku dayo kasta oo lagu doonayo mid wax lagu yeelleelaynayo xasilloonida iyo amniga guud ee Puntland.