8 Askari Oo ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku Dhintay Qarax Miino oo ka Dhacay Gobolka Bari

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wararka ayaa tilmaamaya in badi askartii saarneyd ay ku geeriyoodaan goobta. Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo dhaawac ah, hase yeeshee Puntland weli kama hadlin tirada saxda ah ee khasaaraha ama faahfaahinta weerarka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo magaalada Boosaaso uu ka socdo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo saraakiil ka socda Taliska Mareykanka ee AFRICOM, kuwaas oo ka wada hadlaya xaaladda amniga Soomaaliya iyo iskaashiga la dagaallanka argigixisada.

Maraykanka ayaa dhawaan hakiyay duqeymaha ka dhanka ahaa Daacish, sidoo kale qulqulatooyinka ciidan ee ka jira Puntland ayaa Puntland ka mashquuliyay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish oo weli fariisin ku leh buuraha Calmiskaad.

Maalmihii ugu dambeeyay Puntland ayaa ciidamo badan ka soo daad guraynaysay furimaha dagaalka, si ay uga qeyb qaataan xuska sanad guurada 28 ee aas aaskii Puntland oo ku beegnayd shalay.