Dowladda Mareykanka ayaa maxkamad ugu hanjabtay wariyayaal baahiyay xogta diyaarada madaxwayne Trump hadii ay keeni-waayaan cadeymo ku filan xogta ay baahiyeen dhowr wariye oo ka tirsan majaladda New York Times.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii warbixin la daabacay ay sheegtay walaac dhanka amaanka ah oo ku xeeran diyaaradan cusub ee Air Force One.
Wargeyska New York Times ayaa todobaadkan qoray in diyaaradan oo Qatar ay hadiyad ahaan u siisay Donald Trump uusan ku xirneyn qalab casri ah oo ay ku jiraan qalabka difaaca gantaalada, taasoo ka duwan diyaaradihii hore.
Wargeysku waxa kale oo uu qoray in sirdoonka Maraykanku ay codsadeen in diyaarad kale loo adeegsado qayb ka mid ah safarka Donald Trump ee shirka NATO ee Ankara sababo dhinaca ammaanka ah.
Naadiga Saxaafadda Qaranka Mareykanka ayaa ku tilmaamay soo saarista dalabkaan mid ah “Weerar aan horay loo arag oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.”
