14 Qof Oo ku Dhimatay Qarax Xooggan Oo ka Dhacay Saldhigga Booliska Ee Kabal Pakistan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamulka degmada Swat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan, ayaa sheegay inay 14 qof ku dhintay, in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bannaanka saldhigga booliska ee Kabal.

Afhayeenka kooxaha gurmadka deg-dega ah Bilal Faizi ayaa sheegay in meydadka sagaal qof la geeyay Isbitaalka Dhexe ee Saidu Sharif, halka Isbitaalka Kabal uu xaqiijiyay dhimashada shan qof.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee federaalka Pakistan, Mohsin Naqvi, qaraxaasi wuxuu ahaa weerar ismiidaamin ah. Wuxuu sheegay in askartu ay naftooda u hureen si ay uga hortagaan nin isa soo miidaamiyay oo rabay in uu galo saldhigga booliska.

Rrag hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa weeraray saldhigga booliska ee Waaxda La-dagaallanka Argagixisada (CTD) kaasoo sababay burbur soo gaaray dhismayaasha, waxaana sidoo kale dab la qabadsiiyay qaybo ka mid ah saldhigaasi.

Dadka deegaanka ayaa Bsheegay in qaraxu dhacay fiidnimadii Axadda, xilli ay dadka qaar ka wadeen banaanbax nabadeed meel u dhow saldhigga booliska.

Babar Yousafzai, oo ah Kaaliyaha Sarkaalka Warbaahinta ee Waaxda Arrimaha Gudaha ee Balochistan, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo boolisku ay si degdeg ah uga falceliyeen weerarka, isla markaana ay fashiliyeen qorshihii ay weeraryahannadu damacsanaayeen.