Saturday, August 8, 2026

Qaylo-dhaan: Mustaqbalka AUSSOM Oo Wajahaya Hubanti-la’aan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbixin ay soo saartay Amani Africa ayaa ka digtay in howlgalka AUSSOM uu wajihi karo caqabado waaweyn marka taageerada UNSOS ay dhammaato December 2026.

Shirkii Kampala ee dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM wuxuu soo jeediyay qorshe 18–24 bilood ah oo lagu sii taageerayo howlgalka, balse weli lama hayo dhaqaale iyo saadka ku filan. Khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeynaya in si fudud mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Haddii qorshahaasi hirgeli waayo, Amani Africa waxay ku talinaysaa qorshe gaaban oo 6–12 bilood ah oo si nidaamsan loogu soo afjaro AUSSOM, iyadoo Soomaaliya la siinayo taageero amni oo laba-geesood ah.

Gunaanad: Dalalka ciidamada AUSSOM ku biiriya waxaa hadda looga baahan yahay inay yeeshaan qorsheyaal u gaar ah oo ay ciidamadooda uga soo saaraan Soomaaliya, si looga fogaado jahawareer iyo burbur lama filaan ah marka la gaaro dhammaadka 2026.