HS: Qiimaha tigidhada final-ka Koobka Adduunka ayaa cirka isku shareeray ilaa $10,990 ka hor iibka rasmiga ah, iyadoo dalabka aadka u sarreeya iyo xiisaha taageerayaasha ay kor u qaaday qiimaha, suuqyada dib-u-iibintana ka faa’iideysteen.
Iibka ugu dambeeya ee FIFA, tigidhada qaar ayaa gaaraya $10,900, halka kuwa heerka hoose lagu bilaabay $5,785, halka saadaashii hore ee dalabka wadamada Mareykanka, Kanada iyo Mexico ay Category 3 ku qiyaaseen $695–$1,550.
Tan iyo Oktoobar, qiimuhu wuxuu ka labanlaabmay, Category 3 waxay ka bilaabmeen $2,790, Category 1 $6,730, iyadoo tigidhada ugu qaalisan hadda ay gaareen $10,900.
Qiimayaashu guud ahaan waa sarreeyaan, tusaale ahaan Category 1 ee USMNT vs Paraguay ayaa ah $2,735, FIFA-na waxay difaacday qiimayaashan, iyagoo sheegay inay ka tarjumayso suuqa Waqooyiga Ameerika iyo dalabka, dakhligana loo maalgaliyo horumarinta kubadda cagta.
Helitaanka qiimaha saxda ah waa adag yahay, maadaama FIFA isticmaasho “dynamic pricing” oo qiimuhu si joogto ah ugu beddelo dalabka.
Ciyaaraha ugu xiisaha badan ayaa ka qaalisan kuwa kale, iyadoo ciyaar keliya oo ka tirsan top-10 Netherlands la iibin karo.
FIFA waxay sidoo kale soo saartay “supporter entry tier” oo dhowr boqol oo tigidh ah lagu heli karo $60, balse tigidhadan midna ma aysan jirin iibkii toddobaadkan, lama hubo haddii la iibsaday.
Heemaal Sport.