Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa saakay gantaal ku dhuftay markab isku dayay inuu ka gudbo marin biyoodka Hormuz kaas oo qaatay amarka Mareykanka ee ahaa inay maraakiibta mari karaan marinka Hormuz.
Ma aha markii ugu horeysay oo Iran ay duqeyso markab diiday amarkeeda oo u hoggaansamay maaweelada Mareykanka.
Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in shaqaalihii saarnaa markab la weeraray xilli uu marayay marinka Hormuz laga daadgureeyay markabka.
Warbixin cusub oo ku saabsan xaaladda markabka, hay’addu waxay sheegtay in mas’uuliyiinta deegaanka ay hadda goobta joogaan, shaqaalihiina ay ka soo dageen markabka.
Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee Britain ayaa soo warisay weerar loo adeegsaday hub aan la aqoonsan oo lagu qaaday markab marayay marinka Hormuz, kaas oo sababay dab, balse waxay sheegtay inaan la ogeyn baaxadda khasaaraha ka dhashay.
Shaqaala saarnaa markab xalay lagu beegsaday marinka Hormuz oo la daad gureeyay
