Sunday, September 13, 2026

Ururka Ahlu-suna Waljamaaca Oo laga Reebay Doorashada ku Celiska ah ee Galmudug

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Urur-siyaasadeedka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ee Ahlu suna waljamaaca ayaa laga reebay ka qaybgalka doorashada celiska ah ee Galmudug, taas oo arrinteeda ay hadal hayn xooggan ka dhalatay.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ururka Towfiiq uu kamid ahaa dhinacyadii sida weyn u dalbaday in dib loogu celiyo doorashada, kadib markii ay soo baxeen muranno iyo tabashooyin la xiriiray habraacii doorashadii hore.