Sanadkii 2009, hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi, ayaa taariikhda kaga tagay madasha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka dib markii uu jeediyay khudbad socotay ku dhowaad 100 daqiiqo, isaga oo jabiyay sharcigii ahaa in mas’uul kasta la siiyo 15 daqiiqo oo keliya.
Qadaafi ayaa si toos ah u weeraray shanta dal ee leh awoodda diidmada qayaxan (Veto-ga), wuxuuna madasha horteeda ku jeex-jeexay buugga Axdiga Qaramada Midoobay isagoo ku eedeeyay hay’addaas inay tahay mid u adeegta danaha quwadaha waaweyn oo dayacday waddamada daciifka ah.
Khudbaddan xamaasadda lahayd ee xitaa turjumaankiisii daal la kici waayay ayaa taabatay arrimo xasaasi ah sida duullaankii Ciraaq iyo dilkii John F. Kennedy.
In kasta oo dad badani falkaas u arkayeen mid ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda, haddana waxay tusaale cad u ahayd geesinnimo naadir ah oo uu hoggaamiye Carbeed kaga hor yimid quwadaha caalamka isaga oo taagan bartamaha carriga Maraykanka.
