Monday, September 28, 2026

Madaxwaynaha Deeganka Canfarta Oo ku Dhawaaqay in Eritrea soo Gashay Dagaalka Dhul-na ka Qabsatay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwaynaha Deeganka Canfarta ayaa ku dhawaaqay in Eritrea soo gashay dagaalka. Wuxuu sheegay in ay 36,000 M2 oo dhulkooda ah Eritrea qabsatay.

Warbixinta ayaa tibaaxaysa in Ciidamada Eritrea ku sii siqayaan Deegankaasi oo aysan meelna ku hakan.

Dhinaca kale Hay’adda Laanqayrta Cas ee ICRC ayaa maanta gobalka Tigray ka daadgureysay 161 qof, oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka Itoobiya iyo qoysaskooda, shaqaale ka tirsan Ethiopian Airlines iyo qoysaskooda, & shaqaale ka tirsanaa ciidamadii ilaalinayay garoomada diyaaradaha ee ku sugnaa guud ahaan gobolka Tigray.

ICRC waxay sheegtay in daadgureyntan lagu sameeyay codsiga iyo oggolaanshaha dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Arrintan ayaa ka dhigan in meesha ay ka baxeen dhammaan wixii xal ahaa, maadaama xitaa shaqaalihii rayidka ahaa laga soo daadgureeyay Tigray.