Madaxweyne Firdhiye oo la Sheegay inuu ka Badbaaday Isku-day Afduub Diyaaradeed.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Axaddii la soo dhaafay, 4-ta Oktoobar, Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa la sheegay in diyaarad uu ka dhoofayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay soo fuuleen saddex nin oo hubaysan kuwaas oo la sheegay in Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay ogaatay.

Raggan ayaa la sheegay in lagu xidhay Muqdisho waxaana wararku sheegayaan in baadhitaan lagu hayo Dhacdadan ayaa dhalisay warar kala duwan oo ku saabsan ujeeddada raggaasi.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in raggan ay qorshaynayeen inay afduubtaan diyaaradda marka ay hawada gasho dabadeedna ay ka dejiyaan xarunta kooxaha gooni-goosadka ee Hargeysa.