Cutub katirsan FBI-da Mareykanka oo qaabilsan qabashada basaasiinta shisheeye ee ka hawlgala gudaha Mareykanka ayaa wajahaya shaqaale yari ba’an oo ka jirta dalka oo dhan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo uu NPR u sameeyay wariye Ryan Lucas.
Lucas, oo natiijooyinka baaritaankiisa ku faahfaahiyay barnaamijka Morning Edition ee NPR , ayaa sheegay in cutubyada FBI-da ee ka hortagga basaasnimada ay u xilsaaran yihiin la socodka iyo joojinta wakiillada shisheeye ee isku daya inay xadaan siraha dowladda iyo xogaha dhaqaalaha, sida cilmi-baarista casriga ah iyo tiknoolajiyadda horumarsan.
Lucas ayaa sheegay in shan qof oo arrintan xog-ogaal u ah ay u xaqiijiyeen jiritaanka shaqaale yaraanta. Dhammaantood waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin, iyagoo ka cabsi qaba in tallaabooyin aargoosi ah laga qaado.
“Tani waa hoos-u-dhac weyn oo ku yimid tirada shaqaalaha qabanaya hawshan muhiimka ah,” ayuu yiri Lucas.
Lucas ayaa intaas ku daray in qalalaasaha iyo isbeddellada ka dhex jira hay’adda ay qayb ka yihiin dhibaatada. FBI-da ayaa lumisay in ka badan 1,500 oo wakiillo gaar ah intii uu jiro maamulkan hadda talada haya, sida uu sheegay Lucas, taas oo keentay in hay’addu lumiso khibrad iyo aqoon shaqo oo sannado badan la ururinayay.
Maamulka ayaa sidoo kale shaqada ka eryay qaar ka mid ah shaqaalaha FBI-da ee khibradda dheer lahaa.
Lucas ayaa xusay in Mareykanku uu hadda dagaal kula jiro Iiraan, balse uu sheegay in Ruushka iyo Shiinuhu ay weli yihiin labada dal ee ugu walaaca badan dhinaca basaasnimada.
Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedaynayay Beijing inay si joogto ah u xaddo xogta iyo tiknoolajiyadda Mareykanka, ayuu yiri Lucas.
FBI-da ayaa dhowr sano ka hor sheegtay inay gacanta ku hayso in ka badan 2,000 oo kiis oo basaasnimo dhaqaale ah oo la xiriira Shiinaha oo keliya.
Xigasho: NPR (National Public Radio
