Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ugu baaqay dalalka Geeska Afrika inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka deriska ah, kana fogaadaan faragelinta iyo xadgudubyada xuduudaha.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Rubio ayaa adkeeyay in gobolka uusan u dulqaadan karin colaado hor leh, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Hadalka Rubio ayaa yimid kaddib wadahadal uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kaas oo ay kaga hadleen xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea iyo baahida loo qabo in laga hortago dagaal cusub oo gobolka ka qarxa.
Mareykanka ayaa sidoo kale ku boorriyay dhinacyada ay khuseyso inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal iyo diblomaasiyad.
