Thursday, October 15, 2026

Trump Oo Amray in la Toogto Dadka Warbaahinta u Dusiya Xogta Hawlgallada Milatariga Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay waajib ay tahay in la toogto dadka warbaahinta u dusiya xogta ku saabsan hawlgallada milatariga dalkiisa.

“Waxaan qabaa in dadka xogta sirta ah faafiya la toogto,” ayuu Trump ka sheegay isu-soo-bax olole siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bullhead City ee gobolka Arizona, maalintii Arbacada.

“Waagii hore, waxaan toogan jirnay dadka faafiya xogaha noocaas ah, tusaale ahaan marka la shaacinayo in dal la weerari doono,” ayuu raaciyey.

Isagoo tixraacaya weerarkii Maraykanku bishii Juun 2025 ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran, ayuu Trump ku andacooday in qof uu shaaciyey waqtiyadii ay diyaaradihii milatariga Maraykanku baxayeen iyo markii gaaraan si ay u fuliyaan hawlgalkaas.

Donald Trump ayaa dhaleeceeyey baahinta xogtan ee warbaahinta, oo ay ku jiraan wargeyska New York Times iyo CNN. Wuxuu sheegay in dadka xogta sirta ah faafiya ay tahay in si adag loo ciqaabo, isagoo ku tilmaamay “dadka ugu karaahiyada badan dunida”.