Shimbir cawl ah oo kasoo haajirtay dalka Poland ayaa meydkeeda laga helay magaalada Ceerigaabo ee bariga Somaliland, iyadoo u jirta qiyaastii 5,515 kiiloomitir halkii ay asal ahaan ka soo kicitintay.
Shimbirtaan oo lagu aqoonsaday sidka birta ah ee ay xidhnayd ayaa laga helay degmada Ceerigaabo.
Hadhaaga meydka shimbirta ayaa waxa ururiyay Maxamed Yuusuf oo ah iskuduwaha gobolka Sanaag ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL.
Kadib helitaankeeda, Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda ayaa la xidhiidhay Xarunta Calaamadaynta Shimbiraha ee dalka Poland si loo xaqiijiyo asalka shimbirta iyo taariikhda socdaalkeeda.
